Warbixin: Isagoo Naafo Ah Ayuu Quudiyaa Shinbiraha, Eyda, Bisadaha, Qudhaanjada Iyo Dameeraha Naafada Ah

Filed under: Aragtida Bulshada |

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Musue (Heersare) –  Goobtan oo kale oo ku taalla badhtamaha magaalaga Hargeysa siiba afaafka hore ee dhanka suuqa soo xigta ee jiriijka koobaad ee Hargeysa, haddii aad timaado waxay indhahaagu qabanayaan shinbiro ku dul taagan xadhkaha laydhka iyo kuwa telefoonnada ee dusha maraya, qaar dhulka u soo degaya oo xoonsan. Waxay halkani xarun u tahay oo wax ka cuna shinbiro isugu jira qoollay iyo xamaam. Waxa inta badan halkan lagu arkaa xilliyada ku beegan saaladda casar amma gelinka danbe marka ay qorraxdu qabawdo. Shinbirahani waa kuwo meesha lagu quudiyo, waxaana halkan loogu daadiyaa raashin qaydhin oo ay cunaan.

Cabdi Xuseen Cawaale waa nin dhinaca midig naafo ka ah, muddo ku siman 20 sannadood wuxuu isu xilqaamay inuu quudiyo oo uu wax siiyo shinbiraha, eyda, bisadaha iyo dameerada naafada noqda ee aan wax raadsan karin. Wuxuu hadda u muuqda nin hawshan ka soo daalaya maadama oo uu naafo yahay, hasayeeshee wuxuu ii sheegay in dadku barteen oo maalmaha uu maqan yahay inay shinbiraha quudiyaan. Waxaana uu Cabdi Xuseen u muuqdaa nin ku sifoobay ”U Samo-falaha Xawayaanka”. ”Ilaahay ayuunbaynu waxa kaga doonaynaaye dee shinbirahan ma quudin karno mana dherkin karno oo awooddooda ma ba haynno, haddana ilaahay ayaynu ku baryaynaa. ’’ Ayuu yidhi Cabdi Xuseen.

Waxa aan waydiiyey Sideebaad shinbiraha u quudisaa, wuxuuna ku jawaabay oo uu yidhi; ”Waxa aan u quudiyaa hadhuudhka iy arabikhida (gellayda) ayaan u soo qaadaa, waana aan u soo iibiyaa oo dadka ayaan u dhex maraa oo Shanta boqol ayay ii dhiibaan, kunka ayay ii dhiibaan. Dee sida aan sidaa ugu dhex marayo ayay naftu iga baxdaa. Waxaana aan shinbiraha quudinayay saddex sano uun ka reeb intii aynu dalka ku jirnay waa 20 sannadood. Waxa kale oo aan quudiyaa eyda, bisadaha iyo dameeraha naafaha ah ee caguhu birjeex ku wada go’een, illaa qudhaanjada ayaan sonkorta gidaaraha ugu shubaa.’’

Shaqadani waa samo-fal oo wuxuu Cabdi Xuseen sheegay inuu dar ilaahay isugu xil-qaamay inuu shinbiraha iyo xawaanka kale ee soo raaca inuu quudiyo. Lacagta uu uu ku iibiyo raashinta uu shinbiraha siiyo ayuu ka uruuriya dadka, maxay shaqadani dareen ahaan iyo macne ahaan ba kuu samaynaysaa ayaan waydiiyey, wuxuuna ku jawaabay; ”Waxay ii samaynaysaa xagga ilaahay ayay cilmi weyn oo baaxad-weyn ku tahay. Hawshanna ilaahay mooyee cid kale oo igu wehelisaa ma jirto. Weliba bidix ayaan ahay oo gacanta midig iyo lugtaba waan la’ahay (naafo) oo dabayl ayaa iga martay saddex jir kaygii. Lacagta aan wax ku quudiyo marka aan dadka ka soo uruuriyo iyaga ayaa ka fuuryeelaa (ku fillaysiiyaa) oo shinbiraha ayaan ka fuuryeelaa, bisadaha ayaan ka fuuryeelaa, oo dameeraha naafada ah ayaan ka fuuryeelaa, eyda ayaan ka fuuryeelaa illaa qudhaanjada ayaan ka fuuryeelaa. Markaa dib ayaan haddana ilaahay ugu shaqo tagaa anigu.’’

Isagoo naafo ah ayuu haddana maalin kasta Cabdi Xuseen suuqa wareegaa oo lacagta uruuriyaa, shibnibara, bisadaha iyo aydana quudiyaa, balse wuxuu hadda dareemayaa in awooddiisii hoos u dhacday. Lacag ka badan $5 shan doollar ayuu maalin kasta kaga baxda raashinka uu shinbiraha ku quudiyo; ”Waxay igu qaadaataa wallaahay imika waan daallanahayba. Waxaana aan u daallanahay waxa aan ahay nin haabeen oo dhan iyo maalin kasta wareegaya oo cidi uma wareegi karto sida aan anigu u wareego. Markaa ilaahay ayuunbaa i wada’e awood aan ku soconayaa ma jirto. Raashinka aan shinbiraha siiyaa waxa weeye arabikhi, basle kuwa aan xaaffada siinay ku quudiyo oo aan u daadiyo labada habeennimo waxa aan ugu daraa galaan hadhuudh ah oo shinbirta yaryarada la yidhaahdo aayaa ku jirta. Raashinka aan shinbiraha u iibinayo waxa ku baxda maalintii 33000 oo shilling ($5). lacagtana maalin kasta waan uruuriyaa, mana jirto lacag aa kaydiyo oo aniga ayaaba bakhtiyaya. Qofka marka aan u tagana wuxuun baan ku odhanayaa ‘lacagtii xawaanka keen.’ Dadka aan lacagta ka qaadaana waa dad ilaahay oo wax haysta.’’Ayuu yidhi Cabdi Xuseen Cawaale.

Wuxuu hadda dareemayaa inuu shaqadan keli ku noqday, inta ogaalkayga ah waa qofka keliya ee magaalada Hargeysa ku nool ee sida joogtada ah u quudiya shinbiraha, bisadaha, edayda iyo dameeraha gacaha la’ iyo weliba qudhaanjada oo uu sonkorta gidaaraha ugu shubo. Wuxuu ii sheegay in eyda iyo bisadaha uu meelaha hilibka lagu iibiyo uu uga soo uruuriyo sanbobbada iyo hilibyada kale ee hadhaaga ah.

Cabdi Xuseen waa nin ehelu-diin ah oo masaajidda badhatamaha magaalada Hargeysa aan laga waayin.

Cidda jecel inay khayrkaa kala qayb-gaashaana si sahlan ayay uga heli kartaa agagaarta meesha uu shinbiraha ku quudiyo oo ku taalla meel u dhaw fooqa-dheer ee shirkadda Telesom ku leedahay biriijka afkiisa amma huteelka hadhwanaag.

Maadama oo uu naafo ka yahay lug iyo gacan ma shaqaysan karo oo isaga laftiisa ayaa qaddar kooban ka isticmaala lacagta uu uruuriyo; ”Reer ma lehi oo shaqo kale ma qabto oo aan ahayn in xayawaankaa aan quudiyo. Illaa hadda keligay ayaa hawshan qabta. Waan jeclahay in hawsha la ila qabto oo la i maal-geliyo. Xilliganna culays badan ayaan dareemayaa. Culayska aan dareemayaana waxa weeye dee waxa aan ahay nin naafo ah oo weliba waaxi (dhinac) aanu shaqaynayn isla markaana aan nafaqo haysan. Maalin kastana shinbiraha waan quudiyaa. Maalin-maalin ayaan ka yara habsaamaayoo maalintaana dadka ayaa laba galaan u daadiya oo kuma filna.’’ Ayuu yidhi Cabdi Xuseen, oo dardaarankan dadka u soo jeediyey; ”Dadka guud ahaan waxa aan u soo jeedinayaa inay wax ila qabsadaan oo ay arkaan waxa aan qabanayo iyo waxan aan siinayo (quudinta xayawaanka).’’

You must be logged in to post a comment Login