Majaro-habawgan Siilaanyo ee Mashruucan Weji-Ku-Macaashka ahi Wuxuu La Mid Yahay Kii Soo Maray Guuleed Dhoola-yare ee Burco 1948-kii

Filed under: Aragtida Bulshada |

W/Q: Cabdirisaaq Suudi – Mashruuca ugu weyn ee maal mahan u danbeeyey warbaahinta haystay wuxuu ahaa mashruuc Weji ku-macaash ah, oo lagu soo ururinaayo odayaal cid ay metelaan an la garaneyn oo inta woxoogaa yar oo hantida umadda ka mid ah la siiyo lagu yidhaahdo warbaahinta ka hadla oo waxaad tidhaahdaan waxaanu taageer sanahay musharaxnimada siilaanyo.

suudi

Waxaa hubaal ah qof kasta oo ujeedo leh, oo ka ma jaro habaaba ujeedadiisa iskuna qanciya in waxa uu doonayo uu ku gaadhayo,mashruuc waji ku macaash ah,isagoo soo urur sanaaya ,rag aan awood u lahayn fulinta waxa uu doonayo,markaa kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.
Guuleed dhoola yare Allaha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii bilawgii qarnigii 20 aad, dusha uga baxay maraakiibtii waaweyneyd ee xiligaasi u kala gooshi jiray qaaradda yurub iyo caalamka intiisa kale ,ee loo yaqaanay siimaanada,dhalasho ahaana guuleed dhoola yare wuxuu ka soo jeeday deegaanka bariga Hargeysa,wuxuu se xidid la ahaa oday ka soo jeeday deegaanka MOHOLIN oo uu inantiisa qabay oo la odhan jiray Muuse Cawl.
Sido kalena Guuleed dhoola yare inkasta oo uu da’yaraan ku tegay qaaradda yurub oo uu ka sahqeysan jiray noloshiisa inta badana uu ku qaatay ,hadana wuxuu ahaa nin ku adag oo aan ka tegin ama aanu ka sal guurin dhaqankii soomaalinimo ,waxaanu Guuleed aad u jeclaa dhaqashada Geella marka uu mudo kooban maqanaadaba wuxuu iman jiray deegaanka MOHLIN ee uu reerkiisu yaalay,wixii lacag ah ee uu la yimaadana wuxuu siisan jiray oo uu ku iibsan jiray Geel.
Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda caws jiilaal waa lama huraan, Guuleed markii ay da’dii taabatay caafimaadkisiina uu hoos u dhacay wuxuu go’aan saday in uu isaka tago barafka iyo qabawga qaaradda yurub,waxaanu goostay in uu waaceensado ama uu ag joogo inta noloshiisa ka hadhay, geelisii, xaaskisii iyo caruurtisii.
Hadaba sida uu dhaqanka soomaalidu yahay ee aynu wada naqaano geela inta badan waa la kala qaada aanadiisuna ma hadho ,hadii deegaanka uu geel ku dhaqan yahay ay abaari ku dhacdo ama ay biyo la’aani soo food saartana, waxaa khasab noqta in geelo loo kaxeeyo ama uu iskiiba u tago halka uu ka helaayo baad iyo biyo.
Hadaba waxa dhacday in markii deegaanka MOHLIN ay ku dhufatay abaartaa aynu soo sheegnay, in Geelii Guuleed loo kaxeeyey inta u dhaxaysa Burco iyo Buuhoodle, waxaana Geelii dhangadda ku dhuftay oo kaxaystay oo uu u gacan galay nin ka soo jeeda deegaanka BUUHOODLE oo aano hore daba socday.
Hase yeeshee Guuleed wuxuu ahaa nin garanaya system-ka dawladnimo oo mudo dheer joogay qaaradda yurub wuxuu markiiba dacwad ka furay maxkamadii Burco oo garsooraha fadhiyeyna uu ingiriis ahaa isla markiiba dawladda ingiriisku waxay soo qabatay Geelii waxaana la keenay duleedka magaaladda Burco si loogu garqaado cida isku haysata.
Hadaba markii ay arintu halkaas maraysay Guuleed wuu majaro habaabay ,waxaanu urur saday rag waji ku macaash ah,oo kaga aduun qaadan jiray in ay taageersan yihiin Guuleed geelana u soo dhicinayaan oo aan awood ku lahayn deegaanka Burco dawladda ingriiskuna ,xukun kasta oo ay ka soo saarayso burco iyo nawaaxigeeda waxay kala tashan jirtay oo ay wax ka weydiin jiray cuqaashii soo jireenka ahayd ee Habar-yoonis.
Hadaba waxa dhacay in maalin maalmaha ka mid ah 5 tii- caaqil ee soo jireenka ahaa ee Habar yoonistii burco u yeedheen Guuleed dhoola yare waxayna ku wargeliyeen in uu iska daayo mashruucan waji ku macaashka ah ee dhaqaalihisii ku baxay ,ragan dhaalihisii uu siiyeyna ay yihiin rag aan burco waxba uga qaban Karin,aakhirataankana dawladda ingiriisku ay geelan iyaga wax ka weydiin doonto , waxa ay u sheegaana garsooraah ingiriiska ahina ku go’aan qaadan doono.
Maah maah soomaliyeedba jirta oo tidhaahda nin ay meeli u cadahay meelii ka madaw ,Guuleed wuxuu cuqaashii si cad ugu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo raga hawsha u wada ,makrii la kala tegay mudo kooban ka dibna ,garsoorihii ingiriiska aha wuxuu ku dhawaaqay xukun kama danbays ah waxaanu geelii u xukumay ninkii reer BUUHOODLE naxditii Guuleed dhoola yare uu xukunkaa ka qaaday wuxuu ku dhacay maxkamadda dhexdeedii waxaana loola cararay cisbitaalka Burco ,dhakharkii markaa Guuleed hawshiisa qaabilsanaana waxaa la odhan jiray Jadami,Baryo badan iyo bukaan badanba waa la isku nacaaye Guuleed wuxuu is arkay isagoo aan arin iyo aduun midna hayn ,jadamina uu indhaha ka lalinayo oo marba dacal ak dhaafayo waxaanu Guuleed dhoola yare cisbitaalkii ka tiriyey tixdan calaan calka ah ee uu yidhi.
Habar yoonis waagii horaan waafi la ahaa.
Maantana Waraabaha ka ciya wadhan ka liitee.
Ninmankaan walaaiyo hindiya uga wagloonaayey.
Ninbaankaan warkoodii u diray warasadii king-ka
Waxba iima tarin reer togdheer weheshigoodii
Nin wanaag ku ceeshaba marbuu waayo xidhayaa
Wakhtigay hayee jadamiyow kuma wareersheen
Walaal kuma idhaahdeen intaan wiiqa soo dhigo
Anna yaan ka bi’in waxyeelada waaxid ii qoray
adna ha i wadeecayn intaan waadhka kula jiifo
Hadaba saaxiibayaal shaki kuma jiro haddii Siilaanyo looga tag waayey mashruuca weji ku macaashka ah in uu ku danbeyn doono sidii Guuleed Dhoola-yare oo haddii aynu nolol ku gaadhno doorashana ay dhacdo maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada, waxa hubaal ah in Siilaanyo loola carari doono cisbitaalka, waxa kaliya ee maanta aynu is weydiinaynaa waxay tahay Gabay noocee ah ayuu Siilaanyo maalintaasi tirin doona sidii Guuleed Dhoola-yare oo kale?
Hadaba isku Soo duuboo Ma jiro Habawgan Siilaanyo ee Mashruucan Weji Ku Macaashka ahi Wuxuu La Mid Yahay Kii Soo Maray Guuleed Dhoola yare ee Burco Ka Dhacay 1948-kii .
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.

You must be logged in to post a comment Login