Somaliland: Loollan iyo laab la kac!

Qaybtii 2aad: Qalinka Saleban Kalshaale – Khilaafka Saleebaan Gaal xumad jabinta ku duray ee Kulmiye waa mid u dhexeeya Awooddo Somaliland kala riixanaya. Waa qormo kale iyo taxane sawir ka bixinaya saaxada siyaasadda Somaliland iyo xiligan.

calanka Somaliland

Qormadii 1-aad mawduucan oo soo baxday Sabtidii waxay ku soo beegantay ku dhawaaqistii go’aamadii lagu dejiyey Khilaafka xisbiga xukunka haya ee Kulmiye u dhexeeya, waxaanay taasi sababtay inaynu wakhti siino, milicsano natiijada iyo midho dhalka Heshiiskii Xisbiga iyo xukuumadda la dhex dhigay oo ah mid runtii si weyn loogu wada dhegtaagayay intii aanu soo bixin.

Hadaba akhriste, qormadan waxaynu si guud ugu sawiraynaa Miisaanka go’aamadii guurtidu ka soo saareen Khilaafka , sida ay garabyadu u arkaan iyo maslaxada ay abuuri karaan.

 Qodobadaasi ayaa u baahan in falan-qeyn iyo rog rogid lagu sameeyo inta ay ceydhinyihiin, si aan hadhow loogu margan wajiga kale ee ay la yimaadaan, samaan iyo wanaag kay doonaanba.

Bilowga qormada2aad

Somaliland intii ay jirtay waxay Mandaqada ay ka tirsantahay ku soo kordhisay nidaam siyaasaddeed oo dhif iyo naadir ku ah adduunka oo dhan,taasoo ah hanaanka xalinta Khilaafaadka gudaha ee dhaqanka iyo dhanka siyaasadda labada loogu saleeyo.

Muran kasta oo danta qaranka ee dadka ka dhaxaysa saameeya, marka ay u maaro waayaan hay’addaha dawladda ee gacanta ku hayaa, waxa si maamuus leh loogu gacan geliyaa Golaha Guurtidda ee dalka oo marjac u noqday xaajo kasta oo murugta inay maslaxad ku soo dabaalaan,kuwaasoo maalmo adag iyo Mushkiladdo badan lagaga soo doogay, sida laga wada warqabo.

Inkasta oo sanadihii ugu dambeeyey dadka qaar saluugsanaayeen dhaqdhaqaaqyada Golahan oo ay mataano yihiin Wakiillada la soo doorto ee Baarlamanka, hadana Shaqooyinkii ugu dambeeyay ee ay qabteen waxa laga xusi karaa kuwo wanaag laga dhaxlay. Waxaana ka mid ahaa  soo afjaridda Khilaafkii u dambeeyay ee Shir-guddoonka Golaha ay hawl-wadaagyihiin iyo Madaxtooyada ka dhex qarxay iyo Iska hor-imaadyo ehli ah oo Gobollada dalka qaar ka dhacay.

Waxa kale oo ay ka odayeeyeen arrimo kale oo dhinaca siyaasadda ku sal lahaa, kuwaasoo sida la wada ogsoonyahay ay ku guulaysteen xalintooda. Guurtidnimada Golahan waxa ku caan ah oo Illaahay Hibo iyo haybad u siiyey inay hormuud ka noqdaan xubno uu ugu horeeyo Odayga ugu da’da weyn Somaliland ee Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe), oo ka mid noqday astaamaha ay Somaliland caalamka dheertahay dheertahay.

Sidaasoo ay tahay, waxay Bishan june horaanteedii Golaha sidan loogu soo caano maalay go’aan ka soo saaray dhexdhexaadin uu ka galay xiisada ka dhex aloosan xisbiga talada haya ee Kulmiye, taasoo cirka isku shareertay,kaddib markii  Bishii May 24-keedii Habeen Jimce soo gelayo Shir-guddoonkii shirweynihiisii saddexaad ee april qabsoomay soo saareen Liisas Guddi fulinta iyo xubnaha Golaha lagu soo magacaabay,taasoo hogaanka xisbigu gaashaanka ku dhuftay.

Khilaafka xisbiga oo gaadhay qir iyo qir,(Ismari waa Maryaha laysu dhigtay), isla markaana garabyada Guddoomiyaha iyo Madaxweynuhu kala hogaaminayaa aanay waxba isula hadhin, dhismaha xisbigana qolo waliba soo dhistay qayb u gaar ah labada Hay’adood ee xisbigu ka kooban yahay,dadka badankiisu wuu ka dheregsanyahay halkuu gaadhay intaanay Guurtidu xabad joojinta dhex dhigin labada dhinac, maalmihii ugu dambeeyay ee bishi May, iyadoo xaaladu meel adag maraysa, hase yeeshee intaasi wayga xasuusin.

In Golaha Guurtidu soo dhex galo arrinta waxa sabab u ahaa Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan oo socdaal kedis ah kaga soo laabtay dalka dibadiisa , isla markaana maalintii uu yimi xaajada hawsheeda bilaabay, una saaray guddida uu hogaaminayo oo guurti ah, xubina ka yahay Gar-dhaqan yaqaanka Somaliland ee Cabdi-waraabe.

Dhexdhexaadinta Saleebaan-gaal ee kulmiye, hada waxay abuurtay dareen cusub oo laga dhadhansaday hanaankii uu ugu labada dhan wax ugu xukumay, oo aan u cuntamin dhinac ka mid ah garabyadii is-hayay oo loo arko in looga hiiliyey sida bulshada caadiga ah iyo dadka arrimaha siyaasadda ku fooganiba aaminsanyihiin, marka laga tago taageerayaasha Madaxweynaha ee gaarka  oo aad u kooban iyo dadka aan wali arinta fahmin oo wali aaminsan in wax dhimanyihiin.

Go’aan xumad jebin ah

Maalintii sabtida ee bilowga todobaadkani waxay ahayd dharaar si weyn loogu wada dhegtaagayay halka ay Odayaasha Saleebaan horkacayay ku soo uruuriyaan murankii maalmaha kooban marxalada xaasaasiga ah abuuray ee xataa ammaanka dalka dhaawaca weyn gaadhsiiyey.

Wax kasta oo la filayayba, Saddex qodob oo ay odayaashu ku soo gooyeen xaalkii Khilaafka, kuna adkeeyeen inay labada dhanba aqbalaan, ayaa lagaga dhawaaqay Hoolka Shirarka ee Madaxtooyada, iyadoo ay is horfadhiyaan Madaxweyne Siilaanyo,ku-xigeenkiisa iyo Koox Wasiirro ah oo la safan iyo dhinaca kale oo ay joogaan Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo xubno kale oo aynu ka xusi karno Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Qodobaad ayaa nuxurkoodu ku soo uruurayey sidan:-

1-      Inaan waxba laga bedelin dhamaan go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii 3-aad ee xisbiga ee loo gudbiyey Xeer-ilaalinta Guud, Guddida diwaan-gelinta ururrada iyo ansixinta asxaabta iyo Komishanka Doorashooyinka, madaxweynuhuna saxeexay.

2-      In  qof kasta oo buuxiya shuruudaha ku xusan xeerka Xisbiga iyo xeerka asxaabta ee lagu xulanayo musharixiinta xisbigu isu soo sharixi karo Madaxweynaha shanta sanadood ee soo socda

3-      In la sii daayo dadkii loo xidh-xidhay Khilaafka xisbiga

Saddexda qodob waa kuwo mid waliba sidiisa u kaganyahay oo yooyootankii xisbiga inay soo kordhiyaan mooyaane aan dabka ka duwan halkuu marayey!. sababtuna waxa weeyaan gar lama qaadin ee go’aanbaa la soo saaray, go’aankanina maaha mid si xalaal ah uga garsoorayay wixii laysku hayay.

Ma laga garnaqay wixii laysku hayay?

Garabyada Kulmiye ee Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu kala hogaaminayaa iskumay haynin Musharaxnimada Muuse iyo ta madaxweynaha toona,layskumana hayn anigaa xisbiga Guddoomiye u ah iyo anigaa u ah. hase ahaatee waxa laysku hayay oo sartu ka qudhuntay magacaabista guddida Fulinta iyo Golaha dhexe ee xisbiga oo labada qolo hadba kii gacantiisa ku dhisa ama ku maamulaa, hadaan ka kale la wadaagin uu u sii weel samaysanayo doonistiisa gaarka ah ee Musharax madaxweyne, isagoo Golaha dhexe ka fuudh yeelaya dadka isaga taageersan, si uu shirka Golaha dhexe ee Musharaxa lagu dooranayo uu cadkiisa ugu sii bislaysto.

Qodobka labaad ee laysku hayaa waxa weeye magacaabista Guddida fulinta ee xisbiga oo tiradooda lagu ansixiyey Shirweynihii xisbiga oo xataa Golaha dhexe tiradiisa lagu ansixiyay.

Qodobka saddexaadna waxa weeye cida awoodda u leh magacaabista labada golle ee dhismaha xisbigu ku taaganyahay, oo ay ahayd in shirweynihii xisbiga Shir-guddoonku xubin-xubin uga sheego, kaddibna Hogaanka iyo Madaxweynuhu markay isla eegaan, ergada shirweynuhu iyagoo yaqaan Magacyadooda, wajiyadooda, tiraddooda iyo kuwa ay yihiin gacanta u taagaan.

Iyadoo sida xeerka Xisbigu dhigayo,guddida fulinta, soo jeedinta Shir-guddoonka kaddib, Guddoomiya xisbigu ku dhawaaqayo, marka uu la tashi kula sameeyo dhinacyada kale ee talada la leh oo xataa madaxweynuhu ku jiri karo, taasoo hadii lala akhriyo ka mid ahayd 10-kii qodob ee khilaafkii hore ee xisbiga lagu xaliyay horaantii bishii april ee isla sanadka.

Sii daynta dadka loo xidhay khilaafku waa arrin kale oo ka timi qaaca iyo Ololka Muranka ka abuurmay, xubno ka mid ah dadkii heshiiska lagu xusayna waxa lagu reebay xabsiyada oo waxa la leeyahay dambiyo kale ayaa loo haystaa!.

Dhamaan qodobadan iyo qadafkii dhacay muddadii xiisadu aloosnayd, waxa muuqata inaanay guurtidu ka gar-niqin, hadii aanay jirin arrimo qarsoon oo aan bulshada loo soo bandhigin, kuwaasoo in uun is-fahamka dhacay lagu gunnaanaday “Wixii la qariyo qudhunbaa ku jira”.

Waxa ilaa hada la rumaysanyahay oo aan mugdi ku jirin in qorshihii Madaxweynaha iyo garabkiisu ay wateen  inta maryo cad-cad oo nabaddeed loo soo xidhay la soo go’aamiyey, kaddibna la soo hordhigay dhinacyada oo aan loolanku ha joogeen marna inta laysa soo hor fadhiisiiyey aan laysku soo dhaweynin. dhawaaqyadooda aan la dhegeysan, dhana aan loo garaabin, isla markaana, dhaaho iyo wixii ay gari lahaan jirtayna aan lagu dayin.

Taas waxa markhaati kacay oo madashii Odayaasha Xisbiga kulmiye laysugu keenay ka sheegay Oday Xildhibaan Cabdi Waraabe oo si daacad ah u sheegay inay wixii Madaxweynuhu jeclaa uun ay soo go’aamiyeen, laakiinse Guddoomiyaha Guurtidu wax cudur daar ah kama bixin gartan la qawaday ee Odayaasha Golihiisu soo go’aamiyeen, taasoo hadii hoos loogu sii daadego lagu tilmaami karo talo soo jeedin ee aan ahayn arrin laga soo miin guuriyey Gar cadaawe iyo mid sokeeye toona.

Sababtoo ay tahay waxba yaan ku soo tiigaaline gar la qaado waa la yaqaan goynteeda iyo Garsoorkeeda, laakiinse talo soo jeedin waayeel oo dab kacaya lagu daminayo waa lagu miisaami karaa hawsha Odayaasha Guurtidu qabteen, taasoo ay Mudacaneyaasha ama dadka loo jeedinayaa ay diidi karaan, aqbalina karaan, mana aha wax suul iyo saxeex layskaga qaadayo.

Sharciyan marka loo eego qodobka ugu horeeya ee soo jeedinta Golaha Guurtida ah oo ah in siddooda loo daayo wixii ka soo baxay Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga, hadii ay jiraan Guddidii fulinta iyo Golihii dhexe ee Khilaafku ka kacay, inkasta oo go’aanka hor-dhaciisa lagu dabaqayo Dastuurka Xisbiga iyo Xeerka Asxaabta ee Xeer Lr.14, maaha wax soconya oo sharciga waafaqsan, hadaanu inqilaabkii hore loogu sameeyay hogaanka xisbigu wali sii socon.

Maxaa yeelay?,Liisaskii Guddida fulinta iyo Golaha dhexe Shir-guddoonku ku magacaabay ee loo gudbiyey Guddida diwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Asxaabta, waxa cad inaanu saxeexin Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisu toona,una dhamayn waliba waa go’aanka kama dambeysta ahaa ee Shir-guddoonkii soo saaray.

Marka ay sidaa tahayna, waxa muuqata inay sharci daro ah tahay in Hay’addaha kor ku xusan ee guurtidu aqoonsatay wixii loo gudbiyay hadii ay qabteen oo ansixiyeen ay ku gefeen jiritaanka Xisbiga,meeshana ka saareen jiritaanka iyo  doorashadii hogaanka Xisbiga ee 1300 ee Ergo u codaysay.

Markase laysku soo wada xooriyo Go’aanka Golaha Guurtida ee ay Oday Saleban Maxamuud Aadan iyo Xaaji Cabdi hormuudka ka ahaayeen waxa lagu miisaami karaa xumad jebin xanuunkii hayay ka dejisay dhinacyada is-haya, balse uma eeka xaajo lagu soo afjaray loolankii iyo laab la kicii Xisbiga kala fogeeyey garabyada xisbiga.

Waxaana iska cad oo markale soo ifaysa  in gulufkii siyaasaddeed ee xisbigu isagoo ka sii xun sidii hore istaadhmi doono, jirayna is aaminaad dambe iyo xulafaysi laysu calool furanyahay oo Madaxweynaha iyo garabka Guddoomiyaha isugu hadhay.

Taasoo xataa hadii Muuse Biixi yeelo ama ay si uun ka timaado, taageerayaashiisu aanay ku raaci doonin.

La soco  qaybo kale iyo qormadan…

Saleban Cabdi Cali

Suxufi Madaxbanaan

Tel: 0634229772

Email: editor@gobanimonews.com /curad1986@hotmail.com

Saleban Abdi Ali / Chief Editor

+252 63 634229772 | +252 63 4475736

editor@gobanimonews.com