LABA GALAAN OO GAROW AH!

Filed under: Aragtida Bulshada |

Waxa qoray: Faysal Jaamac Geelle – Xilli qiyaas ahaan da’dii labaad laga joogo waxa geyiga Soomaalidu degto ku dhex maray laba beelood dhacdo hal hays laga kasbaday oo u dhacaysay sidan:

Goor barqo ah waxa adhi meel daaqaya ku darsamay adhi kale. Adhiga lagu darsamay waxa markaa lahaa Nin badraan ah oo ka mid ah dadka nooca lagu tilmaamo in aanay garna gelin garina ka bixin. Ninkaas oo markii uu maqlay in adhigiisii adhi kale ku darsamay inta uu soo faytay oo soo xaytay isagoo ka tuuraya kobtii yimid. Waa meel Alle wax ka wado’e Ninkii Adhiga kale lahaana isna markii uu hadalkii Adhi jirta maqlay ayuu qudhiisuna meeshii isasoo taagay.

Ninkii adhigiisa meesha loogu yimid ee xanaaqsanaa markii loo sheegay in adhiga kale ninka halkaa taagani leeyahay ayuu judhiiba, isagoon dhinacba eegin, isku sii daayey dhankii Ninkaasi ka xigay, kolkaas ayuu hadal iyo gacanba isku raaciyey Ninkii war moogga ahaa. Waxa la sheegay in uu Laba fool iyo dhool Ninkii kasoo tuuray.

Arrintii markii la maqlay ayey odayaashii labada dhinac gab isku soo yidhaahdeen oo geed hoostii isku soo fadhiisteen. Gartii ayaa sidii caadada ahayd muduci iyo madaacalay loogu kala fadhiistay, deetana Ninkii dhaawacu gaadhay xaqiisii ayaa qoladii kale looga soo gar fadhiistay.

Oday beesha wax gaysatay ka tirsan oo qudhiisu dadka kadeedan ka mid ahaa ayaa isagu mar horeba go’ii uu geedka la shir imanayey wuxu subaxdii horeba dacal kaga soo duubay laba galaan oo garaw ah, deetana markii uu hadalka qaatay ayuu baanay, kolkaas ayuu deeto inta uu ku dhawaaqay in ay Nabarka Ninkaas gaadhay qaateen labadii galaan ee garawga ahaa u soo tuuray dhankii odayaashii wax tirsanayey, oo yidhi: “Waan guddoonay oo qaadanay wixii Inankayagu geystey’e, wiilka xaqiisii iyo dhaawaciisiina waa kaas ee naga guddooma!!”

Markii la arkay labada galaan ee garawga ah ee Ninku meesha ku tuuray ayaa dhankii kale buuq iyo sawaxan oogsadeen heer ay ku dhawaadeen in ay budhadhka soo rogtaan oo dagaallamaan. Iyaba Waa yaabe beeshii wax gaysatay wax is qabta qudhoodu maba ay yeelan.

Marka ay halkaas marayso, waxa doodii ka dhex toosay wiil dhalinyaro ah oo dhanka dhibanaha kasoo jeeday. Wiilkaas ayaa dhankii beeshooda u soo jeediyey oo ugu baaqay: “Waaryaadha waa Nimanka inoo qaada labada galaan ee garawga ah oo inoo guddooma!”. deetana sidii ayay ku gudoomeen oo geedkii kaga kaceen reerkii hungoobay.

Waa shan iyo labaatan sanno ka dib dhacdadaas. Waa Gu’ barwaaqo la tirsanayo. Waa habeen madaw iyo goob loo soo ciyaar guday. Goor jiibta iyo jaanta la isla heley oo wiilashii iyo gabdhihii si fiican iskula haystaan ayuu wiil ordayaa ciyaartii soo galay oo dhabqiyey. Wiilkii habeenkaas ciyaarta isku laba rogayey ee baarqabka goobta ka ahaa ayaa ka cadhooday wiilkan yar ee kibirka ciyaarta usoo dhex galay ee dhabqiyey goobta. Goor inta uu soo booday uu wiilkii laba fool iyo dhool ka tuuray ayaa la ogaaday in wiilka la dhawaacay ku abtrisado Ninkii badraanka ahaa ee waagii Ninkan wax gaystay Adeerkii Ilkaha kasoo daadiyey ee hadana garawga magta looga dhigay. Markale ayaa Sidii caadada ahayd la isku oday wacday oo geed hoostii lagu ballamay.

Subaxii ballantu ahayd ayuu oday beeleed Geed-ka-hadal ugu magacaaban beeshiisu inta uu kallahay reerihii deegaankiisa degenaa kusoo wareegay oo ka dhex yaboohiyey laba galaan oo garaw ah. Odaygu waa wiilkii dhalinyarada ahaa ee waagii geedka la fadhiyey tolkii ku boorin jiray in ay magta labada galaan ee garawga ah ka guddoomaan dhankii kale iyo reerkii ay wax ka tisanayeen. Duqqu markii uu labadii galaan gacanta kusoo dhigay inta uu go’iisii faraqa kagasoo duubay ayuu dhankii geedkii shirka loogu ballansanaa iska soo xaadiriyey.

Markii la isasoo hor fadhiistay ee wixii la kala tirsanayey la kala sheegtay ayuu odaygii inta uu istaagay ku dhawaaqay in uu afka beeshiisa ku hadlayo deetana inta uu madashii ka sheegay in ay guddoomeen nabarkaas beeshiisa looga fadhiyo ayuu labadii galaan ee garawga ahaa u tuuray dhankii beeshii wax tirsanaysay oo yidhi intaasina waa xaqii iyo xoolihii wiilkaas dhaawacani uu nagu lahaa.

Odayaasha intii dhimatay mooyaane intii kale judhiiba way fahmeen nuxurka labada garaw, laakiin dhawr Nin oo aan iyagu dhacdada hore waxba kala socon ayaa buuq iyo dagaal la oogsaday, kolkaas oo si degen loo xusuusiyey oo loogu jawaabay:

Adeerayaal goobtu waa goobtii, geedku waa geedkii, gartu waa gartii, magtu waa magtii!”

Kelmedahan ilaa maanta oo aynu joogno waxa hadba adeegsada cid kasta oo ku andacoonaysa in hore xeer qallooca loogu jideeyey oo loogu fuliyey laakiin isla xeerkaas qalloocay ee ay mar dhibanaha u noqdeen uu hadana dhibane ka dhigay isla dadkii jideeyey! Markaas oo ay duruuftooda  oo dhami marka aad u fiirsato -dhaqan iyo siyaasadba- ku ag wareegayso sheekadaas  ku saabsan xeerka labadaas galaan ee garawga ah.

FG: Meertada nolosha iyo waayaha giraanta ah, waxay Soomaalidu subaxii la joogaba, wadar iyo waaxid, ku beeraan dhacdooyin marka ay biqlaan dhala midho u eeg kuwii ay beerteen!

Faysal Jaamac Geelle

Sidiiq52@hotmail.com

Tell: 0634134696

Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.

You must be logged in to post a comment Login