Gartii Saddexda Isku-haybta ah iyo Muuse Biixi dhex-martay!

Qalinka: Naciima Cabdi Galiixe –   Si la mida sidii dadweynaha Somaliland ayaan u sugayey go’aanka golaha guurtidu ku xallinayen khilaafkii Xisbiga Kulmiye, waxaan horfadhiistay telefiishanka si aan u dhegeysto go’aanka golahaasi ka soo saareen khilaafka, waxaa indhahaygu qabteen goobtii natiijada lagaga dhawaaqayey oo ahayd qolka ay ku shiraan golaha wasiirada ee Somaliland.

NACIIMA CABDI GALIIXE AFTAHANNEWS

Waxaa madashaas fadhiyey oo kamaraddu qabatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo sidii caadada ahayd fadhiya kursigii uu golaha xukuumadda ka guddoomin jiray, ku xigeenkiisa iyo raxan wasiiro ah, dhinaca kale waxaa ka fadhiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ku xigaan xubno ka mida garabkii isaga Taageersana.

Waxaa sidoo kale goob-joog ahaa Golihii Guurtida oo Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xaaji Cabdi Waraabe ay horkacayaan, waxaa niyaddayda markiiba ku soo dhacday mar haddii labadii oday waa Madaxweynaha iyo Guddoomiyihii is khilaafsanaaye ay is horfadhiyan waataa xal la gaadhay, si niyadsami ka muuqato ayaan u daawaday telefiishankii anoo u dhagtagaya garta Guurtidu qaadday.

Waxaa lagu dhawaaqay gartii ay guurtidu madasha keentay oo ay waraaq ku soo qoreen, “Gartii aad noo dhiibateen waanu goynay, saddex qodob ayaana natiijadu noqotay oo kala ah 1.In wixii ka soo baxay shirweynihii kulmiye sidiisii lagu qaato 2.In ciddii doonaysa inay tartanto ee golaha dhexe ee Kulmiye ku jirtaa ay tartanto 3. In ciddii khilaafka kulmiye loo xidh-xidhay la soo daayo.” Gar nuxurkeedu intan ahaa ayay guurtidii ku dhawaaqeen, waxaan u qaatay in weli go’aano kale dhiman yihiin waayo waxaan intan u haystay inay ahayd intii Madaxweynuhu ku doodayey.

Laakiin, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadalka ku soo afmeeray“Gar haddii guurti loo dhiibo waa lagu qancaa” anoo yaabban ayaa Madaxweyne Siilaanyo oo dhoosha ka qoslayaa si qalbi furan u yidhi “waan qaatay gartaas guurtidu qaadday” Muuse Biixi ayaa isaga oo u qaadan la’ sida wax u socdaan oo u malaynaya inay riyo tahay wajigiisana is-badal badan ka muuqdo yidhi “si kasta oo ay u qadhaadhahay waan qaatay oo danta qaranka ayaan u tanaasulay, inkasta oo aan gartaydii waxba laga soo qaadin”.

Gartan uu Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtidu ku dhawaaqay saddex weji ayay lahayd, 1.mar waxay inna tusaysaa sida ay Somaliland ugu bisishahay inay khilaafaadkeeda gudaha ku xallisato oo aanay gacmo shisheeye soo dhex-gelin, waa arrin lagu farxo xattaa haddii dhinac loo eexdo in danta qaranku ka weyn tahay oo dhinaca kale tanaasul muujinayo.

2.marna waxay inna tusaysaa sida ay weli curdin u tahay dimoqraadiyaddeenu oo waxay ahayd in hay’adaha garsoorka lagu kala baxo oo ay ka garnaqaan ama fasiraan qodobada sharci ee la isku qabto, si labada dhinacba ugu qancan 3. qodobka saddexaad ayaa ah in ay weli qabyaaladdii  hiil siyaasadeed taagan tahay.

Waxaa dareen badan abuuraya marka aad dib u milicsato sida Saleebaan Maxamuud Aadan uu mucaaradka ugu ahaan jiray  xukumadihii hore ino so marray ee Cabdiraxmaan Tuur, Ina Cigaal iyo tii Riyaale, iyo sida uu haatan xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo muxaafidka u noqday ee haddii madaxweynaha ay cid murmaan uu meel dheer ka soo qaylinayo ee uu dalka degdeg ugu soo laabanayo ee intuu guntiga u xidho dhex-dhexaadinta gelayo ee weliba sida Madaxweynaha dalku doonayo ama dantu ugu jirto go’aanka u soo saarayo.

Garta Muuse Biixi loo qaaday waxaa dhinac ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo, waxaa ka garqaaday Xasan Macalin oo ah afhayeenkii guddida ururada, waxaana go’aanka ku dhawaaqay Saleebaan Gaal, Muuse ayaa dhinac laga wada maray, laakiin Muuse wuxuu taagan yahay:

Afar nin oo walaalo ah sideena,

saddex isku bah tahay sidiina,

ninna bah goonni yahay sidaydaa,

saddexda nin siri ninka sidiinaa

ninkuna sirta garan sidaydaa

haddaynu isa siri sideedaba

ma iska kala tagnaa sideedaba.

Gartan Guurtidu soo saartay waa gar dhex martay saddex isku hayba iyo Muuse Biixi, Saleebaan Maxamuud Aadan hal ayaa seegtay, Xasan Macalin oo ah afhayeenka Guddida Diiwaangelinta ururadana hal ayaa seegtay, Madaxweynahana hal ayaa seegtay Muuse Biixise hali ma seegin.

Xasan Macalin hal baa seegtayoo waxay ahayd maadaama uu yahay guddidii diiwaangelinta ururada iyo xallinta khilaafkooda oo masuuliyadi ay ka saaran tahay marka xisbi is khilaafo inuu labada dhinacba dhegaysto ka dib cida sharciga ku taagan iyo cida sharciga baal maraysanba kala xaqiiqsado sidii ay hore u samayn jireen markii UDUB iyo UCIDba is khilaafeen ee ay maxkamad arrintoodu ku dhamaatay, laakiin maanta taasi may dhicin oo Xasan Macalin ayaa afkiisa laga hayaa inay heleen oo keliya liiskii ka socday dhinaca Madaxweynaha oo ay garta dhinacaas dhegaysteen, isla markaana ay soo saareen oo keliya liiskii iyo go’aamadii dhinaca Madaxweynuhu wateen. Taasi hadday jirto ma gar eexaa mise waa garsoorkii la filayay?

Xasan Macalin waxaan odhan lahaa waxaa shacabku kaaga marti yihiin inaad fasiraad ka siiso adigoo gacantii midig ee Madaxweyne Rayaale ahaa inaad habeenkii doorashadii 26/6/2010 kii aad ka dhaqaaqday oo aad raacday Madaxweyne Siilaanyaha aad maanta u hiilinayso oo hoggaaminayey xisbigii mucaaradka ahaaee Kulmiye, hadda Xasanow ogow waliba waxaad Madaxweyne Rayaale ugu jirtay halka manta Xirsi ugu jiro Siilaanyo, waxaase taa kaba sii daran in suaali ka taagan tahay guddidiina diiwaan-gelinta oo miisaaniyadiisii la xayiray isla markaana aanay lahayn sharciyad ay ku hawlgasho.

Saleebaan Maxamuud Aadana mid ayaa seegtay oo, waa Odaygii Golaha Guurtida ugu sarreeyay, waa siyaasi dadka oo dhami ay tuhmayan, dhaqana waxaynu u lahayn haddii talo laguu dhiibo oo dadka aad garta u qaadaysana qof aad isku reer tihiin qofna kaa fog yahay hayb ahaan oo lagu yidhaahdo noo gar qaad inta badan waxa lagu seexdo lagu ciira amaba lagu jiifsada dhinaca qofka ku xiga ama si caddaalad ah ayaa loogu gar qaada laakiin Saleebaan taas muu yeelin oo sidii madaxweynuhu doonayey ayuu soo saaray.

Meesha inaan gar la qaadina oo go,aan cid gaara lagu raalli-gelinayo la soo saarayna waxaa hadalkiisa laga fahmayey Xaaji Cabdi Waraabe oo yidhi “Madaxweynuhu kuu ku adkaysto ayaa danteena ah in la raaco” waa runtii xaajiga oo talada dalku inay midaysnaato waa waxaynu ku hodonay ee heerkan manta Somaliland ba ku so gaadhay, balse  cadaaladdu sidaas way ka duwan tahay, Saleebaan xattaa isma odhan haddii dooddii madaxweynaha la qaatay bal wixii Muuse Biixi qabayna wuxuun ha laga qaato, waayo doodda ugu badan ee khilaafka keentay ayaa ahayd Golaha dhexe ee Kulmiye oo lagu muransanaa oo Madaxweynaha garabkiisu ay gole iyaga taageersan soo xusheen,iyada oo uu Muuse Biixina gole dhexe oo kale ku dhawaaqay, lama tixgelin kii Muuse Biixi ee kii Madaxweynuhu raallida ka ahaa ayaa la qaatay, Guddidii Fulinta ee Muuse Biixi magcaabay lagama hadlin ee tii madaxweynuhu raallida ka ahaa ayaa la qaatay, haddii gartaasi mid eexo tahay iyo hadday mid caddaaladeed tahayba shacabkaan u dhaafay.

Madaxweynahana mid baa seegto waxay ahayd haddii laba nin oo ay isku hayb yihiin ay garta dhiniciisa u soo naqeen oo ay go’aannadii uu doonayey u soo saareen inuu wax hambeeyo oo gobanimo muujiyo oo ninkii looga eexday uu isagu gacan qaado oo uu garta dhinaca ka raran wax uga tanaasulo, laakiin taasi may dhicinoo Madaxweynuhu malaah isagaaba wax kale tirsanayo waxa buu doonayaa in Kursiga madhan ee Muuse ku fadhiyona uu kaga daba tago.!!!!!.

Muuse Biixise hali may seegin, oo markii lagu dhawaaqay gartii ay soo qorshaysten  saddexdii isku haybta ahaa ee laga eexday muu diidin ee danta qaranka ayuu eegay oo iyada oo qadhaadh ayuu qaatay oo gobanimo ka raacay,

Qalinku wuu ila taraa-raye waxaan qoralkaygan ku soo afmeerayaa, waxan ka mid ahay xisbiga Kulmiye, waxanan ahaa dadkii meel dhexe ka taagnaa khilafka kulmiye ee doonayey samaha xisbiga iyo in meeldhexe la isugu yimaaddo, laakiin waxaa muuqata in taladii qaranku xilligan dan gaara iyo dad gaar ah u adeegayso oo waxaa markhaati innoogu filan in Madaxweynaha ay garbihiisa fadhiyaan oo ay talada la goynayaan oo keliya siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin.

Waxaa tusaale kooban inoogu filan golaha wasiirada ee madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo afar wasiir oo beeshiisa ah ayaa ku jira mid waliba wuxuu fadhiyaa kursigii lagu magcaabay mid keliya xilka lagama qaadin, ama xattaa wasaaraddiisa lagama bedelin haddana madaxweynuhu in ka badan 7 jeer ayuu isku shaandhayn ku sameeyey xukumadiisa, wasaaradaha qaarkood waxay marayaan shan shan wasiir, sida Wasaaradaha Warfaafinta, Hawlaha Guud, Dib u dajinta Boosaha iyo Isgaadhsiinta,  iwm. laakiin Wasiirka Madaxtooyadu waa sidii loo magcaabay wasaarad kale lama geyn.

Wasiirka Macdantu afarsano ayuu dhamaystay oo waa sidii loo magcaabay oo xattaa wasaarad kale looma bedelin, Wasiirka Duulista Hawadu waa sidii loo magcaabay oo wasaarad kale lama geyn, Wasiirka Cayaaruhu waa sidii loo magcaabay oo wasaarad kale lama geyn, iska daa in la geeyo wasaarad kale ee iyaga ayaaba go’aanada gaadha Wasiirada la eryaayo kuwa la bedelayo iyo kuwa joogayaba oo waxaa markhaati inoogu filan Wasiirkii hore ee Ganacsiga Maxamed Cabdullaahi Cumar hadalkii uu ku yidhi wasiir ka mida beesha Madaxweynuhu oo ahaa “Waa dagaal ee dhinac raac ama annaga nala safo ama waa lagu eryi” iyada oo subaxdii xigtayna la eryey.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Qaybshaa Qad ama Qaaday, markaa haddii Madaxweyne aad tidhi wada qaatay ogow waa mid ka mida casharada laga baran doono hoggaamintaada. ALLAAH  MAHAD LEH.

Qalinkii iyo Faalladii  Naciima Cabdi Galiixe

Email:naciimagaliixe@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.