Marti-qaad + Ogeysiis: Shan Caweys oo Calan Leh iyo Hargeysa

Habeenka koowaad: Daahfurka Akadamiga Suugaanta iyo Sooyaalka Qaranka: Bandhigga Labaad ee Diiwaanka SAMO-TALIS iyo Abaal-marinta Bahweynta Ciyaaraha, Waxbarashada, Nabadgelyada iyo Hal-abuurka

Mudane/Marwo

…………………………………………………………………………………………………

Naadiga Qalinleylda Somali PEN waxa uu kugu marti-qaadayaa munaasibado lagu daah-furayo Akadamiga Suugaanta iyo Sooyaalka Qaranka oo hore soo saaray diiwaanno ay ka mid yihiin

·         SAMO-TALIS,

·         Culuumta Maansada

·         Quraanka iyo Sayniska

Waxa weheliya abaal-marinno la siinayo

ü  Macallimiinta Qaranka

ü  Xulalka Gobollada Maroodi-jeex iyo Hawd

ü  Guddiyada Nabadgelyada ee Caasimadda Hargeysa

ü  Shirkado ganacsi

ü  Masuuliyiin dawladeed

ü  Qoraayo

ü  Hal-abuur

ü  Maamullo ka tirsan dugsiyada Caasimadda

ü  Jaamacado

ü  Naadiyo khris iyo qaybaha kale ee bulshada

Goobta: Maroodi-jeex College, Xaafadda Jameeco-weyn

Wakhtiga: 06:30 fiidnimo

Furitaanka: 07/June/2014 maalinta Sabtida, Habeenka Axaddu soo gelayso insha Allah.

Xidhitaanka: 12/June/2014

Waad ku mahadsan tahay ka qaybgalka xafladdan iyo dhawritaanka .

Sidaas iyo soo-dhaweyn gobeed

Guddiga qabanqaabada:

Siciid Maxamuud Gahayr – Guddoomiye.