Somaliland Maanta Uma Baahna Sakati

Filed under: Aragtida Bulshada |

Waxa qoray: Liibaan Ismaaciil Cali – Marka aan ka hadlayno qaranka Somaliland waxa markiiba kugu soo dhacaya qaran dhamays tiray wixii wadan looga baahnaa isla markaana waxaad xusuusanayaa inay Somaliland tahay bogcad ama dal ku ag dhaw wadamo gubanaya oo ay aafayay dagaal sokeeyo waxaanad dareemaysaa inay tahay jasiirad ku naaloonayso nabad iyo badhaadhe ay dadkiisu samaysteen iyagoo allahood la kaashanaya.

b2a4cff22151f502f44b2552724bef71_L

Geesta kale waxaad xusuusanayaa inay tahay qaran curdina oo cimrigiisu uun imika labaatanka ka talaabsaday una baahan kobcin, toosin, taabo galin, tusaalayn, tilmaan, iyo jihayn joogta.

Waxa iyaduna maankaaga ka maqnaanayn oo markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya Somaliland intay tahay wadan guclo orod ugu jira sidii uu u gaadhi lahaa aqoonsi caalimiya iyo xaqii  kale ee wadan lahaa si uu beesha caalamka ugu mid noqdo, waxaanad akhriste ogtahay ama aad dareensan tahay in ummadan iyo dalkani ay ka soo bilaabeen hanaanka iyo habka ka jira wadanka in laga soo bilaabay oo laga soo abyay ama laga soo unkay meel aad iyo aad u hoosaysay iyadoo xukuumadihii kala dambeeyay iyo bulshaduba hadba taako qaadayay isla sidaas oo kalena hadba wadanka horumarkiisu marba marka ka damaysa uu heer sii gaadhayay hadaba inaga oo aan qalin iyo qoraal ku soo wada  koobi Karin waxaan maqaalkan aan ugu magac daray * Somaliland Maanta Uma Baahna Sakati* waxaan uga dan leeyahay inaan yara iftiimiyo ama tilmaamo in aynaan maanta u baahanayn qaraxyo  hadba meel la dhigo sidoo kale inaynaan u baahnayn inaynaan dadka masraxa siyaasada ku loolamaya ku milmin amaba aynaan cod qabiil ku kala taageerin balse iyagu markay shuruucdooda ku soo kala hadhaan ka  bulsho ahaan laynoooga baahan yahay inaynu inaynu ku kala xulano inay ka jawaabayaan baahdi bulshada oo aynu ka xorowno  qabiil iyo wixii la hal maala maadaama uu qaranku imika qaangaadhay oo la taagan yahay wakhtigii bulshadu ay horumarka dhaqan dhaqaale iyo  ka siyaasadeedba iyadu go,aamin lahayd.

Haddii intaas aan araarta kaga imaaddo maxay tahay sababta ayna maanta ugu baahanyn somalilad sakati ama shaki ?

Sida aynu la wada socono waxyaabaha uu qarankani inta badan  ku taamayay ee aanu wali gaadhin waa ictiraaf iyo inaynu bulshada caalamka ka mid noqono taas waxaynu ka wada dharagsanahay in aynu maalinba maalinta ka dambayso aynu tako -taako, talaabo- talaabo, iyo waliba dhudhun- dhudhun inaynu ugu sii dhawaanayno beesha caalamka oo ay indhahoodu qabanayaan horumarka hanaanka dimuquraadiyada iyo sida aynu wax u qabsanay waa beesha caalamkee, akhriste hadaan dul istaagno waxyaabaha intii xukuumadani talada dalka haysay ee ku siman afarta sano xaga xidhiidha caalamka inoo suuro galay waxaan ka xusi karnaa

·    In markii u horaysay ay beesha caalamku toos u kala saareen deeqihii ay Somaliland iyo Somalia isugu dari jireen oo aynu helnay sanduuq mucaawinooyinkeena u gaar ah  taas oo noqoysa bog cusub iyo xidhiidh ugub ah oo aynu la yeelano wadamada caalamka

·    In iyadoo bulshadu is aabaabulaysa ay golayaasha deegaanka qaar ka mid ahi ina aqoon sadeen oo ay ugu horaysay tii igriiska iyagoo bulshadu taageero ka helaysa xukuumada

·    In wadankii labaad ee afrikaan ah uu go,aansaday inuu xafiis u shaqaynaya sidii safaarada ka furto wadanka, waxaynu ka war qabnaa in dawlada Kenya ay dhamays tirtay hawshii oo xafiiskeedii ugu horeeyay ay furanayso dhawaan kaas oo wax badan inoo suura galinaya geesta kale  waxa isla wadankaas lagu tagi doonaa baasboorka Somaliland talaabadaas oo noqonaysa guul maadaama aynu in badan raadinaynay sidii xidhiidh aynu uga heli lahayn wadamada aynu isku afrikaanka nahay iyo kuwa aynu isku geeska afrika nahayba waana cudud inoo soo korodhay oo aynu hawlo  badan is dhaafsan doono sida wadanka aynu dariska nahay ee Ethopia oo aynu ognahay marka aad baasboorka Somaliland ku tagto sharafka iyo milgaha dhexdiisa aad ku dhex marayso

·    In ay xafiisyo sidaas oo kale ah oo dano badan la isku dhaafsado inay ka furteen wadamada England, Denmarka, iyo kuwo badan oo reer yurub ah kuwaas oo ay imika wadanka ka dhexeeyaan xidhiidh dhaw oo is kaashi oo dhinac walba leh.

Akhriste marka aad waxaas oo dhan eegto iyo inta kale ee aanan xusin ama aanan ka war hayn miyaynu u baahan ina aynu wadanka ku qarxino waxyaabo macmal ama aynu warbaahinta isu marino waxyaabo kicin kara in bulshada naxli soo kala dhex galo oo sababa inay adkaato is dhex galkii bulshada taas oo cidib xumaan keeni karta.

Dhinaca kale waxa ugu mihiimsan ama ugu mudan ee aynu ku soo naaloonaynay mudada intaas leegi waa nabad taas oo inagu waajib ah inaynu ilaalino waayo inaga oo aan eegin sawirka qaldan ee beesha caalamku inaga qaadanayo ka sokow , nabada waxa ku nool waa inaga hadii nabad la waayo wax jiraayaa ma jiro oo cibaado iyo caafimaad jiri mayo markaa waa inaynu ilaalinaa wixii dhib ku keenaya bulshadana waxa u dan ah nabada iyo horumarka markaa waa inaanay loolanada siyaasadeed ku milmin oo ay aayaheeda garataaa .

Maxaynu u  baahanay ka bulsho iyo siyaasi ahaanba

1 . waxaan talo ugu soo jeedin lahaa bulshada inaynu iska dayno inaynu si qabiil ah wax u doorano oo aynu noqono bulsho danteedu tahay yaa idiin adeegaya ee fulinaya waajibaadkaad ku lahaydeen oo ka jawaabaya baahidiinii, wax walbana inay bulshadu ka horaysiiso xojinta nabada iyo ku dhaqanka shareecada islaamka oo aynu illaahay u hogaansano wixii uu ina faraynaya aynu qaadano wixii uu inaga reeabayna aynu ka reebanaano qabiilkana aynu u adeegsano sidii Alle ( SWT) ina faray

2 . ina madax dhaqameedka iyo indhaha bulshadu aanay ku dhaqmin wax ummada kala fogaynaya iyo waxaan AllE raali ka ahayn oo ay ummada danteeda  ugu adeegaan si waafqan dhareecada ALLE

3. in siyaasiyiinta iyo dadka ku loolama masraxa siyaasadu aanay dantooda uun eegin ee ay eegaan ummadan makasta iyo maxasta leh ee ay sida qaldan ugu guurayaa oo ay ogaadaan  in Alle ka xisaabin  doono wixii ay galaan

4. in xukuumadu ku dadaasho aayaha iyo u adeegida bulshada sidii ay u gudan lahayn xilka ka saaran  ummada oo ay xusuustaan in hadii ifka laga xisaabin waayo aakhiro laga xisaabin doona wixii bulshada gaadhaana ay dushooda tahay, isla markaana inay dawladu ku dadaasho in sharciga iyo kala dambaynta ay barto dadka iyo cid walba oo wadanku ku nool oo waxa loo noqdaa uu  noqdo sharciga rabi iyo shuruucda wadanka u taal ee aan ka hor imanayn sharciga ALLE isla markaana ay dhawrto iyaduna shuruucda oo ay noqdaan lagu kala bixi lahaa.

W/Q:Liibaan Ismaaciil Cali

Liibaanhanad79@gmail.com

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.

You must be logged in to post a comment Login