Tobanka Dil ee Adduunka Ugu Caansan – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Filed under: Aragtida Bulshada |
  1. Alexander Litvinenko: wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa hayada sirdoonka Ruushka ee KCB, balse si hoose ugu biiray hayada Sirdoonk ingiriiska ee MI6 sannadkii 2006-dii. Sirdoonka dalka Ruushak ee KGB ayaa diyaariyey shirqool lagu khaarajiyanyo Litvinenko oo muddo sannada ah sirtii Ruushka gacant u galiyay sirdoonka ingiriiska MI6. Sirdoonka Ruushka ee KGB waxa u suurtogashay inay xidhiidh la yeeshaan shaqaalihii hudheelka cuntada ee uu degnaa Litvinenko. Saddex isku day dil ayaa fashilmay. Isku daygii afraad ayay u suutogashay inay koob shah ah ugu dareen sun culus oo shucaad ah(acute Radiation), isagoo ku sugan qolkiisa hurdada ee hudheelkii uu degnaa. Saddex wig ka dib markii dhakhtarka la dhigay, ayuu u dhintay suntii.

Nooca dilka: dil siyaasadeed.

  1. Lee- Harvey-Oswald: ninkani wuxuu ahaa ninkii fuliyay dilkii M/weynihii Maraykanka ee John F. Kennedy sannadkii 1963-kii. Waxa dilay nin la odhan jiray Jack Ruby. Lee waxa lagu toogtay magaalada Dallas ee dalka Maraykanka. Dilkani ayaa ka dhacay xarunta guud ee booliska magaaladaasi. Xaruntan booliska ayaa si weyn loo ilaaliyanayay. Booliska maraykanka ayaa jahawareer ka qaaday sida fudud ee ninkaasi toogashada u fuliyay, iyadoo xaruntan amaankeeda si weyn loo ilaaliyo. Xirfada dilkan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid heer sare ah, oo ay adag tahay inuu qof shicib ahi qorsheeyo.

Nooca dilka: dil siyaasadeed.

  1. John-Lemon: wuxuu ahaa xubnibii aas-aasay shirkada Beatls, oo ah shirkada ugu caansan ee soo saarta cinjirka. Waxa kale oo uu ahaa xubin u ololaysa nabada. Wuxuu ahaa Af-miishaar ilaahay hibo u siiyay inuu dadka si fudud kaga dhaadhiciyo nabada iyo horumarka. Wuxuu dodo badan la galay dad ka soo horjeeda fikirkiisa, ka dibna wuxuu kaga xoog batay dooddii. Waxaanu sumcad ku helay hadal-yaqaanimada. Sannadkii 1980-kii isagoo maray meel waddo ah magaalada New York ayuu magaciisa ugu yeedhay nin isagoo kor u dhawaaqaya, ka dib wuu eegay, waxaanu arkay nin la odhan jiray Mark David oo ku soo socda, oo ay soo direen kooxihii ka soo horjeeday. markii uu soo gaadhay Mark ayuu toogasho ku diley. Wuxuu ku dhuftay afar xabbadood. Mark ayaa dhex-fadhiistay dariiq uu ku dilay John isagoo sugaya in la xidho.

Nooca dilka: dil Af-miishaarnimo.

  1. Robert F. Kennedy

Robert F. kennedywuu k yaraa John F. Kennedy. Jaamacada Harvard ayuu ka bartay sharciga (Lawyar).Dawaladdii John F.Kennedy wuxuu ka ahaa xeer ilaaliyaha guud.Robert wuxuu isu sharaxay jagada M/weynaha dalkiisa. Horaantii sannadkii 1968-kii ayuu u tartamay kursiga aqalka sare ee Congrees-ka waanu ku guulaystay.Isla-sannadkaasi dabayaaqadiisii ayuu u tartamay kursiga M/weynimada. Isagoo ku jira ololihii doorashada oo khudbad u jeedinayataageerayaashiisa hudheelka Ambassador ee Magaalada Los Angeles, markii uu khudbadii dhameeyey, isagoo gacan qaadaya dadkii dhegaysanayey, ayuu nin la odhan Sirxan soo dhexgalay dadkii salaamayey, markaasuu bastoolad ku toogtay. Goobtii ayuukugeeriyooday.Ifkawuxuukagategaykowiyotobancaruur ah, ooisugujiragabdhoiyoinamo.Ninkani wuxuu ahaa Falstiini kaga aargoosanayay taageerada Maraykanaku siiyay Israa’iil dagaalkii lixda cisho ee sannadkii 1967-kii.

Nooca dilka: dil siyaasadeed

  1. Malcolm –X: wuxuu ahaa nin madow oo muslim ah. Wuxuu ahaa ninkii ka dambyeeyay ururkii awooda dhaqdhaqaaqa dadka madow ee maraykanka sannadihii 1960-kii ilaa 1970-kii. Wuxuu bilaabay halgan xoriyada dadka madow ee marykanka sidii kuwa cad ula sinaan lahaayeen. Wuxuu xubin ka ahaa ururka islaamka ee maraykanka. Isagoo khudbad ka jeediyana meel fagaare ah ayuu in hubaysani ku oo dhex-dhuuntay dadkii dhagaysanayay khudbada, ka dib rasaas ayuu ooda kaga qaaday, halkaasina ayuu ku dhintay. Ninkani wuxuu ahaa cunsuri neceb dadka madow. Nooca dilka: dil midab takoor.
  2. Martin-Luther-King: wuxuu ahaa maskaxdii ugu weynayd ee aas-aastay dhaqdhaqaaqii xuquuuqda shacabka maraykanka. Wuxuu si weyn dagaal Afka ah ugu qaadi jiray kooxihii cunsuryiinta ahaa ee cadaanka ahaa ee dadka maraykanka. Waxaanu ahaa nin madow. Horaantii sannadkii 1968-kii isagoo taagan deyrka gurigiisa dabaqa labaad ayaa six un toogasho loogu diley. Ninkan toogtay ayaa la odhan jiray James Earl, waxaanu u baxsaday magaalada London markii dambe waa la soo qabtay. James wuxuu ahaa nin cad oo diidan xuquuda dadka madow. Nooca dilka: dil midab nacayb.
  3. Abraham-Lincolin: wuxuu ahaa M/weynihii lix iyo tobnaad ee Maraykanka. Wuxuu xilka hayay 1861-kii ilaa 1865-kii. M/weyne Abraham wuxuu taageero weyn siiyay xoriyada dadka madow ee maraykanka ah. Sannadkii 1865-kii ayuu M/weyne Abraham tegay tiyaatar, isagoo doonayay inuu kaga qaybgalo riywaayada ay dhigayeen fananiinta madadaalada ee dadka ka qosliya. Waxa arrintn ka war hayay ninka doonayay inuu dilka fuliyo oo la odhan jiray John Wilkes oo basaas ahaa. M/weyne Abraham muu sii kaxaysan ilaaladiisii gaarka ahayd, balse waxa keliya oo goobta tiyaatarka ilaalinayay saddex askari. Taasina waxay fursad dahabi ah siisay Wilkes oo dilka fulinayey. Markii M/weynihii galay tiyaatarkii ee uu fadhiistay ayuu madaxa ka toogtay, waanu baxsaday, inkastoo markii dambe la soo qabtay maalmo yar ka dibna la dilay. Waxa shacabkii maraykanka iyo adduunkaba ka dhaadhici weyday sida fudud ee dilku u dhacay.

Nooca dilka: dil siyaasadeed.

  1. Julius Caesar: wuxuu ahaa siyaasi yo hogaamiye milatari. Wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii Roomaaniyiinta ee qaringii kowaad. Wuxuu hoodo ku lahaa dagaalka iyo kicinta dadweynaha. Wuxuu ahaa ninkii bilaabay dagaalkii sokeeye ee Jamhuuriyadii Roomaanka. Waxa loogu yeedhi jiray keligii taliye aan jixin jixin “Dictator”. Kooxo lagaga adkaaday dagaalkii sokeeye ee Caesar hogaaminayay ayaa u diyaariyay shirqool dil ah. Isagoo maray dariiq oo tiyaatar agtiisa ah ayay joojiyeen kooxihii dilka waday, waanay u yeedheen iyagoo iska dhigaya inay wax weydiinayaan. Ka dib waxay la boobeen midiyo iyo faashash jidhiikiisi ayay meel nool u diideen. Caesar wuxuu ahaa nin quwad weyn, ka dib wuxuu isku dayay inuu baxsado, laakiin wuu dhacay. Halkaasana wuu ku dhintay. Dadkii taageersanaa Roomaan ayay ka dhaadhici weyday si fudud ee loo khaarajiyay Caesar oo ahaa in awood badan. Nooca dilka: dil siyaasadeed.
  2. Indira Ghand

Indira Ghandi waxa dhalay Jawaharlal Nehru oo ahaa Raysal wasaarihii ugu horeeyey ee dalka Hindiya yeesho.Aabaheed wuu geeriyooday.Nehru wuxuu dhalay Indira keligeed.Indira Ghandi waxay waxbarashadeedii ku soo qaadatay jaamacad Oxford.Inkastoo aanay aqoonta ku fiicnayn. Indira waxa guursaday nin la odhan jiray Ferose Ghandi, oo aabaheed aanu raalli ka ahayn. Waxay u dhashay laba wiil oo kala ahaa: Rajiv Ghandi iyo Sanjay Ghandi.

Tartankii Raysal wasaaranimada ee Indira Ghandi.

Indira Ghandi waxay ka faa’idaysatay sumcadii aabaheed, waxaanay isu-sharaxday jagada Raysal wasaaraha.Wakhtigan aabaheed wuu noolaa.Sannadkii 1966-kii ayaa loo doortay Raysal wasaaraha dalka Hindiya.Waxay loolan la gashay xubno rugcadaa ah, oo siyaasada uga soo horeeyey, balse way ka adkaatay.

Dilkii Raysal wasaare Indira Ghand.

Indira Ghandi wuxuu khilaaf xoogani soo kala dhexgalay iyada iyo kooxaha siinga siingaha(Sikhs). Markii khilaafkii dhamaan waayey, ayuu isku-rogay dagaal xoogan oo ka dhexqarxay dawlada iyo siinga siingaha(Sikhs). Indira waxay amar ku siisay ciidankeeda inay burburiyaan macbadka ugu weyn ee ay leeyihiin” Golden Temple”.madaafiic ayaa lagu garaacay dhulkana waa lala simay, waxa ku dhintay dad farabadan. Indira Ghandi waxa ilaaladeeda gaarka ah ka mid ahaa askari siingo siingo ah(Sikhs). Aroor hore iyadoo ka soo baxaysa qasrigeeda ayuu toogasho ku dilay askarigii.Nooca dilka: dil siyaasadeed

  1. Qoyskii Cali Bhuuto

Cali Bhuuto wuxuu noqday wasiirka arrimaha dibada ee Baakistaan sannadkii 1965-kii.Wakhtigan waxa socday dagaalkii Hindiya iyo Baagistaan.Wakhtigan waxa golaha ammaanka ka socotay doodd culus oo u dhaxaysa Baakistaan iyo Hindiya. Wuxuu ahaa nin dheer oo af-tahan ah. Hadaladiisa waxa caan noqday hadal uu yidhi, oo ahaa” madaxda dawladha dunida saddexaad kii dalkiisa daacad u noqdana sirdoongka maraykanka (C.I.A) ayaa shirqool ku dila.Kii xidhiidh fiican la sameeya maraykankana shacabkiisa ayaa ka soo horjeesta.Markaa dhinac walba u daran madaxada”.

Cali Bhuuto markii uu Baakistaan ku noqday, wuxuu aasaasay xisbi siyaasi ah oo loo bixiyey Pakistan People’s Partay.(P.P.P). xisbiga dadka reer Baakistaan.M/weynihii Baakistaan ee wakhtigaasi Yaxya Khaan ayaa lagu jabiyey dagaalkii u dhexeeyey Baakistaan iyo Bangaaladheesh.Ka dib wuxuu kacdoon shacab ku bilaabmay M/weynihii.Taasina waxay keentay inuu is-casilo.Xukunkii dalka ayuu ku wareejiyey Cali Bhuuto.

Dadkii kacdoonka waday ayaa dalbaday in la xidho Yaxya Khaan, waana la xidhay xukunkii dalka Baagistaan ayuu Cali Bhuuto gacan adag ku qabtay.Wuxuu booqasho rasmi ah ku tegay dalka Hindiya.Wuxuu heshiis xabad joojin ah la saxeexday Indira Ghandi oo ahayd Raysal wasaare.Baagistaan waxay aqoonsatay dalka Bangaaladheesh.Cali Bhuuto wuxuu taliyaha ciidanka u magacaabay Jeneral Zia Al-xaq.

Waxa kale oo uu ka dhigay guddoomiyaha guddi soo diyaarisa distoorka uu dalku yeesho oo ahaa inuu dalku yeesho Raysal wasaare awood badan.Xisbigii P.P.P ayaa ku guulaystay doorashadii ka dibna wuxuu Baarlamaankiiu doortay Raysal wasaare.Dhawr sanno ka dib ayuu af-gembiyey Jeneral Zia Al-xaq oo ahaa taliyihii ciidanka dalka ahaana saxiibkiisi ugu dhawaa.Waxaanu ku xukumay deldelaad.Waana lagu fuliyey. Adduunka ayaa ka qayliyey xukunkan deldelaada ah, balse umuu joojin oo wuxuu ahaa nin naxariis daran.

Nooca dilka: dil siyaasadeed

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Baadhis iyo Xog-ururin

You must be logged in to post a comment Login