Maxamed-rashiid oo ka talo-xibiyey Khilaafka KULMIYE

Bismilaahi al-Raxmaani al-Raxiim, ujeeddada guud ee aan qoraalkan kooban u soo qoray waxa ay tahay in aan waano u soo jeediyo Xisbiga KULMIYE, oo khilaaf soo kala dhex galay beryahan. Sida aynu ka warqabno Xisbiga KULMIYE waa Xisbi Muhiim ah oo hadda majaraha talada dalka haya,

Maxamed-Rashiid

isaga oo xukuummaddii ka dhalatay ee uu hoGgaamiye u yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ay horseeday horumar la taaban karo oo aynu dhammaanteen ka markhaati kacayno.

Tan iyo markii ay Soomaliland dib ula soo noqotay xornimadeeda iyo dawladnimadeeda, dawladihii soo maray dalka wixii ay qabteen waxaa ka badan wixii ay qabatay.

Muddadaa kooban dawladda KULMIYE ee uu hogaanka u yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Haddaba, waxa aan ku talinaya in khilaafkan yar  ee soo dhex galay Xisbiga Kulmiye aanu carqalad ku noqon horumarka aanu markasta aan la doonayno umaddeena iyo wadankeenna. Waxaan maalin walba arkeynaa waxa jaarkeena ka socda. Marka ay noqoto nabad waa in aynu meel uga soo wada jeedsanaa illaalinteeda iyo xoojinteeda.

Waxaa xusid mudan in doorashadii 2003 in Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), isaga oo ka doorbiday nabadda iyo xasiloonida Somaliland, uu uga hadhay doorashaddii  80 cod oo kaliya. Waxaa caado u ah ummadda reer Somaliland  in ay arrimahooda ku dhameeyaan wadahadal, walaaltinimo, is-maqal, xaq-dhowr iyo waliba isku-tanaasul.

Haddaba, waxaan ku talinayaa in guddigu si dhakhso ah u xaliyaan khilaafkan.

Waxa kale oo aan saxaafadda kula talinayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo sii kala fogaynaya Xisbiga KULMIYE, kana shaqeeyaan sidii uu khilaafkan u xalismi lahaa.

Dhinaca masuuliyiinta KULMIYENA waxa aan iyagana ka codsanayaa in ay hadaladda xanafta leh ka fogaadaan.

Illaahay Nabada ha inoo ilaaliyo. Aammeen

Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan,

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga, Nairobi, Kenya.