Kaannu Wada Joognay!

Filed under: Aragtida Bulshada |

Niyad-sami in aanay ku soo toosin foolkeedaad ka garataa, way talaabo dheeraynaysaa hareerahay hadba baalo daymoonaysaa, hoos iskula faqaysa oo leedahay malaha dadkan ku soo eegaya way ogyihiin in aad maxkammada ku socoto iyo maxaa kaa galay nin walbaaba Waayihiisa laabta ha ku haysto. Yulqanka iyo buuqa quluubteeda ka baxaaya gabadhaas, haddaad hoos u dhugatid waad fahmi karaysaa in ay gadoodsan tahay. Jirqinkay xalay ku kataati dhacday ayay xidhan tahay oo iga wallah maba dhaadsanaba. Marmarbaan hoos u xantaa oo  idhaahda waar malaha waa gabadh hinaastay.

Ina-Ruush

Saaka uun maahe sdhawr subaxood oo kala duwan ayaanu ku kulanay isla dariiqaas, walow aanay maalmihii hore tibix iiga siin waayaheed, tiraab sidaas u ridana iiga bidhiiqin intii aanu rafiiqa sii ahayn hadana waan dareemi karayay in kolayba ujeedka ay u laasintay kalahaada maxkamaddu  tahay dacwad noocay ahaatoba. Maan ka qarin ee waaan waydiiyay oo ku idhi Oo maxaa kaa soo galay meel baastan? Waa dhaqan ilaaq miidhan ah oo isirkeenan soomaliyeed leeyahay in uu wax aan khusayn ku daaldaalo misana ogaado arimaha ruux kale; oo la yaab ma lahan, Waase dhaqan madhaxa. Ku teba dacwad qoysbaa iga taala oo kii aanu  wada joognay ayaanu is qardoofnay ee adigu maxaa kaaga jira? Qareenbaan ahay! Ku teba  Oo Walal waxba waan ka fahmi la’ahay loyar isku sheegi arinkayga wadde bal raqamkaaga ii sheeg!  Iyo Waayahay ee qoro Balaa Balaa Balaa.  Ilaahay ha kuu yasiro ayaan ku dhaafay oo kala dhaqaajinay.

Judhiiba waxan ku baydhay makhaayad yar oo xafiiska xeer-ilaalinta gobolka (Office of Regional Attorney) kaga began jahada galbeed oo aan aalaba ku dhawro macmiilka(Client) subaxaas aanu balansanahay. Salkaaban la eegtay kursi yar oo ugu soo sokeeyay kuraasta meesha sharaxan, Fijaan shaax ah oo kulul Ii dhib. Intan fijaanka jiidayay waxa xasuustaydu dib u jilaabatay jawaabtii gabadhii I siisay ee ahayd Kii aanu wada joognaanu is qardoofnay.

Qariib maaha arinkani ee waagi gudutaba buuqa mininka lammanka ka oogma isago ugub ah, gamuuray oo garaado-goys ah intaba wuxu noogu yimaada maxkamaddaha, waxa se dhakafaar igu riday jawabteedan ka aradan naxariista, diinta iy xishoodkaba. Iyaduun maaha ee qaykeedbay la qabtaa. Waxa igu soo dhacay tuducii ahaa . Geeluba Ugaasow Marku ayda Miranaayo, Abeelkiisa Naaxiyo Marku Aaranku Is waayo, Isaguba Ma kala Aamuse Wuu Isu Olola!! Geella oo noole aad u adag ah ayay ka liitaan soomalidu. Isla Goortii iyo Goobtiiba Waxa mar keli ah igu dhacay oo dhegahayga qandaraastay tiraab aanan akayn cida ay ka soo baxayso markii danbe se aan u qaatay inay tahay Noloshii oo ogaatay waxa qalbigagayga ku jira ku teba. Ha layaabin qoftan cadhaysan ee ciilku keenay meel baastan uumigu ka soo kacayo ee aad adba imaanshaheeda kaarahsatid. Waxba ma ogidee baalka ayaa ka qoyay qaab dhismeedkii qoyska soomaalida qolqol-joog iyo qurbe-joogba qorshihii iyo yuhuuntii qoysnimo waxa ku yuurursaday alhuumada aafooyin lixaad leh,waxa lumay xidhiidhkii lamaanaha ee isu soo hirashada, isu soo hilawga,is jacaylka, iskaashiga iyo isku faraxsanaanta lahaa, waxa yaraaday kala danbayntii, is xaqdhawrkii, is xanaanayntii, dareen wadaaagi, isu jajabnaantii iyo xilqaybsigii qoysnimo.

Waxa halkaas ku baylahay oo dayac ku haleelay maarayntii iyo maamulkii hawlaha qoyska oo barbaarinta ubbadku ugu mudan tahay, ilmihii ay ahayd inu dareemo jacaylka, riyaaqa, marxabada iyo isku qanacsanaanta labada waalid, wuxu la koraya oo la barbaaraya nolol ka haraadan kana aradan qurux iyo  il-qabad u ku qabawsado oo nolosha macaankeedu uga  bilawdo. Wuxu ilmaha soomaliyeed ku bilawdaa nolosha qaxar iyo qaanacnimo u qoyskiisa ka dhaxlo, waxad arkaysa ilme yar oo wax caayaya, waayo gurigooda laysku caaya, ilme yar oo nabarka aan la baqin waayo gurigooda laysku dakh-dakhraa oo malaasta laysla booba oo laysku jejebiyaa.

Hadii waalidkii soomaliyeed iyagu aanay isuba aqoonsanayn lammane nolosha macaankeeda wadaaga, farxada  misana wadaaga, raynraynta ee ay isu arkaan laba qof oo ay isu keentay dani misana kala xan qarsada, kala hanti ah kala maan ah kala fakar ah oo kala dan ah waxa hubaal oo soo daaman weyn  in la waayayo xikmadii qoysnimo. Kala fogaanta qoyska soomaliyeed haystaa waa ta keentay in marka lays qardoofo, carab iyo labadiisa daanbaan is jiidhine, colaadoodu fogaato oo mararka qaar timaado dhagar. In lays dilo uun maaha dhagarta qoyska ku habsataa ee waxa weeye marka intii lammaane wadaagi lahaa ibtiloobaan aakhirkana gacanta laysula tago. Waxa ay sidaas ku socotaba barbaarintii ubadkana is haysigaas iyo isu boodadhigashadaas car iyo wirka  ah ayay ku hilmaaman. Maxaa loo arki waayay lammane u wada nool siday diintu ina farayso haday qawl noqoto iyo haday camal noqotoba.

Gaalladaas,  Rasuulkii Ilaahay ee Maxamed CSW beeniyay, qaadirkii ina uumayna deel-qaafay ayaa sansaan dhaama sawraca qoysnimada soomaalida,waayo sayigu halkiisu ku boqran yahay oo boqorkii(King) qosyka yahay halka ooriduna tahay boqorada( Queen) qoyska, saan-cadaalaha gaaleed gobbu ka yahay abla-ablaynta masuuliyada qoysnimo oo midna kuma safaado halbawlaha  iyo mabaadida guud ee darawaliya jiritaankooda.

Maanta waxaynu ka liidana saan-cadaalahaas kaadida la fadhiiso caqligiisu siiin waayay, bal u fiirso Lammanaha nabdoon ee wada jooga, marka u midba midka kale ka sheekaynaayo wuxu odhanaya Ta aanu wada joogno, Ka aanu Wada Joogno, Hebel lama Heblaayo, Kii ama Tii iyo wax la halmaala. Waxa muuqata oo aad ka dhadhansan kartaa in wada jooga lammaneehu yahay mid cadaawad macnawi ahi ku dheehan tahay misana naxariistii ay ahayd in ay wadaagan ka huleeshay ninkii iyo gabadhii sifaha sharciga ah ku wada noola.

 Noloshii oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Hadii qoysnimo ibtilawdo, qaranimaduna goblan weeye. Qadhaadhka aan ka dhadhammiyay lammanka soomalidu wuxu ii bilawdaa subaxi ilaa habeen badhkii. Silsiladan murugsan ee is daba socota ee dharaarti alle keenaba garnaqeedu taagan yahay ee dawadeeda la gaari la’yahayna waa halkii inantii heeste tidhi; Cudurka kaa Gala Fardaha Hadii laga Gubo Dameera, Dawada Lama Gaadhaye Anigoon weli kuu Ged Bixin Geed Dheerbay Saaran Tahay. Raq wayday Raggeedii uun dheh. Meel fogba ha ka dayin  dhibaatada tan qoyskii soomalida ku habsatay ee malahayga waa gibilkii sawaabna ee u abwaan Cabdi Aaden Xaad(Qays) hore u sheegay marku lahaa   Waxa jira Gibil Sawaaban, Gumaysigu Kugu Dhex Beeray, Guyaal Hore Kugu Samaystay, Sidii Loo Guri Lahaana, Guf iyo Tahay Shay Sawaaban.

Markay halkaas wax marinayso ayey igu soo celisay oo tidhii Horta xaali waa nabad yaa yiri? Xaali waa tee ayaan ku jawaabay!  intay qosol aan maqlaayo muuunsootay tidhi Hhh Hhhh iga walla kani waa Rasuul seexday!!! Adigagaani wallow aanad weli u ruqaansan xagaas horta maxaa kaaga meel yaal? Mise miisaaniyada guurkuunbaad ka fakartaa ? Horta intaanad qooqin qorshe u samayso faruuryo xidhka xilka qoyska ku sugaaya hadaad rabto in aad nayaayiro ku naalootid inta noloshaada ka hadha,. waa hadaad dhibtan aadka fakarayso ee lammankii soomalida idilkood aafaysay xalkeeda rabtid. Intaanan jawaabinba hada waxay raacisay ogoreey!! Walle reer an ogahay ma guuro. Reerkee Dee!! Jawabtaasi markay afkayga ka soo baxday ayaan ilayn waan maqnaa goorahane soo miyirsaday. Acudubillah Mina Shaydaan Rajiim.

Wabillahi-Tawfiiq

W/Q. Maxamed-shafici Cali-ruush

Wayd2010@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.

 

You must be logged in to post a comment Login