Walxaha aan la aqoonsan ee Samada Duula, W/Q: Mohamed Mukhtar Ali

Walxaha aan la aqoonsan ee samada duula (UFOs: unidentified flying objects) weligeedba sooyaalka dadku waa sheegi jirey, waxa se ay caan noqotay kadib dagaalkii 2aad ee adduunka oo ahayd xilligii horumarka laga sameeyey aaditaanka oogada.

Marka laga tago dadka dhulka wax ka arkay, waxa batay duuliyeyaasha iyo ciidamada soo gudbinaya in ay arkeen wax aanay aqoonsan.

Baadhitaannada qaar ayaa sheegay in waxan la arkay ay yihiin uun wax kamid ah tiknoolajiyada aadamuhu samaystay, marna waxa lagu macneeyey wax si dabiici ah dhulka looga helo, iyo in mar kale lagu sheegay dhalanteed qofku ismoodsiiyey uun in uu arkay wax qariib ku ah.

Waxa se xiiso leh malaha ah in walxahani yihiin caddaymaha in ay jirto nolol kale oo ka xadaarisan tan aynu adduunkan ku joogno oo dhulal kale ka jirta.

Dabagal iyo warbixinno badan oo USA ka sameeyey tan iyo dagaalkii 2aad ee adduunka ayaa ahaa qaar aan si furan dadka loola wadaagin oo u dhaxeeyey haay’adda amniga qaranka, madaxweynaha iyo saynisyahannada.

Sababtana waxa dadka loogu sheegay in aanay u baahnayn xogtan maaddaama khatar aanay ku ahayn amnigooda. Maanta ayaa haay’adda NASA qabatay kulan dadweyne oo lagaga hadlayo arrimahan.

W/Q: Mohamed Mukhtar Ali