Waxka baro Halkanka Nolosha Maxamed Cabdi cisman faradheere?

RAFAAD ADUUN IYO DARYEEL WAALID LA’AAN KA DIB MAXAA ISKA KEY BEDELAY? Waxa Qoray sheekadan Qofka ay ku dhacday Qisadan  oo Ah Madaxaa Xafiiska warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Faderalka Somalia Maxamed cabdi Cisman faradheere .

Waxaan halkaan ka salaamayaa hoyaday macaan oo aan aad u jeclahay Hooyo Cibaado shekh maxamuud awkhliif .
balse aana nasiib u yeelan inay isoo koriso marka.laga reebo aanoo sanad jira oo ay hooyo iga tagtay sida la ii wariyey iguna horaysay anoo jira 13 sano oo aanan wakhti dheer wada nolaan halka korniin kayga ay lahayd Hooyo Casha ciilmooge iyo Walaalkay Dayr Cabdi cismaan oo ah curadka hooyo caasha oo runtii aan u hayo abaal.anna Gudi karin.

Ma yeelan nasiib aabo oo abahay waxa uu dhintay aniga oo jira 2 sano sida waxa aan la kawsaday aabo iyo hooyo la’aan.
Waxase kaalintii hooyo ii buuxisay hooyo Casha ciilmooge Halka.kaalintii aabo uu ii buuxiyey Walaalkay Dayr Cabdi cismaan nolol iyo rafaad hanti iyo maal.la aana oo ay ila soo mareen koritaankayga Alxamdulilaahi.

markii dambe waxa ay noloshaydu noqotay mid aan dabaro 11 sano
Markaan jiray oo aan dadka baadiyaha u raacijiray Xoolaha si aan ugu dabaro noloshayda. ugu dambaynna Waxa aan soo galay magaalo tasoo Rafaad iyo gidaar seexad iyo ka shaqaynta dhismayaasha iyo inaan cunno la.aan.ahaado 24 saac mararka qaar oo.anan haysan hoy shaqoooyin ay adag tahay inuu qabto ilmayar ayaan dhabarka udhigtay oo aan ka dabari jiray Waxbarashadayda iyo noloshayda waxa ugu dambayn aan Gaadhay Alxamdulilaahi nolol isku filaansha ah oo aan ka fikirayo Hooyadii idhashay iyo hoyadii iso korisayba iyo walaalkaygii aan abaalka.u hayey si aan u Geeyo Xajka Waxa wali aan wadaa halkanka.nolosha oo aan heegsanayo meel fiican in sha alaah waxa ii sawiranta nolosha adag iyo Ciilka yaraanta oo horay loo yidhi caruurnimo waa ciil laga waynaaday inatan
Waa in yar oo koban iima suura galin wali in aan si faah,faahsan uga sameeyo Qoraal ujeedad sheekanadn ayaa ah in qof kasta oo nolol adag soo mara guulaysan doono Maxaa yeelay waan ku faanaa.
Raali Galin hadii aad aragto qaladaad waxa aan xusuustaa dhibaatooyin aan soo maray oo uur kutaala igu reebta sida darteed aya suura gala inay wax qalada ku jiraan

RAFAAD ADUUN IYO DARYEEL WAALID LA’AAN KA DIB MAXAA ISKA KEY BEDELAY?
Waxa iska hadlaya waa aniga oo ah Mohamed Abdi Osman Faradheere

Faradheere ayaa Xilal kala duwan ka so qabtay Dawlada Somalia oo hadaba ka hayo xil iyo  Warbaahinta Somaliyeed.

Sawiro Faradheere