Somaliland: Waddan Dhaqaalihiisu Aan Cago Ku Taagnayn: Warbixinta:

Filed under: Aragtida Bulshada |

 Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe- Hargeysa, Dalka kasta oo ka mid ah dalalka caalamka ah wuxuu leeyahay ilo-dhaqaale oo dabeeci ah iyo kuwo sanaaci ah sidaas awgeed ma jiro caalamka dal bugcada uu ku yalaa tahay meel aan laga abuuri Karin ilo-dhaqaale oo bulshada ku nool ay ka hesho dheef, haba yaratee, laakiin-se waxay ku xidhan tahay siday dawladiisa iyo shacabkiisu uga faa,iidaystaan khayraadka ku duugan iyo bog-cada uu ku yaalo is taraatiji ahaan, isla markaana akhristayaal waxaynu warbixintan ku falaqayn doonaa dhaqaalaha Somaliland.

caarshe

Haddaba sidee dal ku gaadhi karaa isku filaansho dhaqaale iyo horumar?  Marka aynu ka hadlayno dhaqaalaha Somaliland inagoo raacayna su’aasha kor ku xusan. Dalkan Somaliland wuxuu leeyahay dhaqaale dabeeci ah oo Alle ku manaystay iyo bog-cad istaraaji ah, balse marka dib loo eego 23 sanno ee ay jirtay dawlada Somaliland ma jirto isku fashilaansho wax soo saar midheed ama wax dalag cunta ah oo ay la soo baxaan, waana sababta keentay in dhamaan  cuntooyinka daruuriga ah ee Bariiska, Daqiiqda Sokorta Ect ee dalka Somaliland, laga isticmaalo ayaa badankooda waxa laga keenaa dalka dibaddiisa, taasina waxay dhaxal siisay shacabka reer Somaliland sicir-barar iyo cuntada daruuriga oo la goyn kariwayo. Xukuumadihii kala dambeeyay ee soo maray Somaliland waxay u maaro waayeen wax ka qaabashada sarifka lacagta doollarka ah oo ku lamaan muceeshada dalka dibaddiisa laga keeno oo isaguna  qiimo tiray lacagta dalka (Local Currency), ee shilinka Somaliland. Halka dhaqaalaha ugu badan ee laf-dhabarta u ah  dalka Somaliland ay ka hesho xoolaha nool, cashuuraha badeecadaha dekedaha laga soo dejiyo iyo cashuuraha Kastamada, isla markaana lacagtaas qaalaad ee doollarku waxay hoos u dhac-weyn ku keentay ishaa kaliya ee dhaqaalaha u ah  dawlada Somaliland iyo nolosha shacabka.  Sidoo kale, khayraadka dabeeciga ah isagana  awood umalaha ay kula soo baxaan dawlada Somaliland. Maxamed Maxamuud Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatada baqaarlayda ah oo tafariiqaysa raashinka kala duwan oo shalay galab aanu wax ka waydiinay waxyaabaha sababa sicir bararka iyo samaynta dhaqaale ee ay ku leedahay ganacsigooda, waxaanu yidhi, “Runtii inta badan dalkeenu malaha wax soo saar oo waxyaabaha cuntada daruuriga ah oo dhan waxa laga keenaa dibadda, markaa cashuurta dawladu ku kordhisana tijaarta soo dajisaa way kordhisaa. Immika kiishka bariiska ah waxaanu siinaa $ 27 doollar, daqiiqda $ 26 iyo Sonkorta oo ah $ 32, markaa is badelku waxa uu ku xidhan yahay ganacsatada waa weyn ee soo dajisa.”

Maxamed waxa kale, oo uu sheegay inay  khatar ku jiraan madaama aanay jirin kala xaadaynta ganacsiga, waxaanu yidhi “Waxaanu k sugannahay innaanu kacno madaama ganacsigeenu ahayn mid kala xadidan ama fadhiya. Waayo waxa xukuma suuqeena lacagta doollarka ee khalaad.”

Geesta kale, Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi  oo bisha May u waramayay Wargeyska the guardian ee ka soo baxa London, ayaa isaguna dhiniciisa ku dooday in sicir-bararka ka jira dalka Somaliland uu sababay u yahay lacagta zaad-ka la is-kugu diro moobilka, waxaanu yidhi, “Waxa uu ZAAD-ku waxa uu sababay sicir-barar wuxuuna dilay sharafta lacagta shilinka Somaliland, marka la eego shirkadaha lacagaha moobilka is-kugu dira waddamada Kenya iyo Tanzania, waxay isu-diraan lacagta dalkooda, laakiin dollar ma is-ticmalaan, waa maxay sababta tani uga duwan tahay.? Inkastoo wax soo saar la’aanta Somaliland ay sababtay in dhalinyaro badan oo dhamaysay jaamacadaha dalka aanay wax shaqo ah ka helin, halka ay noloshooda saameyn ku yeelatay qoysas badan oo aan helin dhaqaale ku filan.

 Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland ayaa aaminsan in dhaqaale la’aanta Somaliland ay sabab u tahay lacagta aan la eegin ee zaad-ka la is-kugu diro moobilada. “Waxaanu rumaysannahay inay sabab u tahay lacagta aan la eegin ee Zaad-ka la is-ugu diro moobilka inay keentay dhaqaalo burburka iyo shirkadaha ee lacagaha dira,”Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi.

Wasariirka Wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isagana aanu khadka Telifoonka kula xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo warbixintan aanu ku eegaynay dhaqaalah iyo sicir-bararka maceeshada daruuriga ah ee dalka Somaliland,balse xukuumadda Somaliland ayaa ku dooda inay sabab u tahay ictirafa la’aanta ay beesha caalamka ka helin aqoonsi buuxa.

 Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

caarshe7@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login