HADAL-HAYNTA MAALMAHAN: Xanuunka Waddo-walafka ee Xukuumadda!

Filed under: Aragtida Bulshada |

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com . Waddo-walafku, waa xanuun cusub oo si la yaab leh u saameeyay Xukuumaddeennan Kacaan-u-eg ee dadkii ku haysata: “Waxaanu qabannay maxaad u sheegi weydeen?” Runtii waa aynu sheegi lahaynba e’, mid wax sugaysa ayaanay ahaynba. Dulqaadka ayaa ku yar. Intaa diihaal ayay la sahaysaa. Baalla-daymaha iyo calool-taabashada ayay kaga dartay. Marka dambe ee ay hamaansato ayay sidaa gacanta u marisaa hunguriga. Dab liqaanu idin nidhi.

SIILAANYKOMa cid baa dafirsan in ay waxyaabo maaddiya oo qosol-ku-jab u badan qabatay oo dhal-dhalaalkooda meelahaa laga arko. Bal amarka ilaahay xataa Xuruuftii ayay u kala eexdeen oo wax-qabadkoodii ayaa Xarafka Da’ (D) dhaafi la’. Miyaan idiin tirayaa? Ma laga yaabaa in aad ku hafataanba: Derbi, Daar, Dugsi, Daw, Dallacaad, Derejo-bixin, Dabbal, Dal-meer, Dibad-meer, Dibad-jacayl, Dulmi-taran, Debno-xidh, Dollar-raadin, Dirham-quud, Duub-xun, Demmen, Doqon-kaal, Diric-ciil, Dembi-badan, ma tirin karayo ee intaad doontaan ku darsada.

Waa Madaxweyne iyo Xukuumad lagu falay Waddo. Kuwa dhaadheer ee ay dhagax-dhigtay inaga daaya. Bal isku kooba Wajaale oo aan dhammayn 18 kiiloo-mitir. Malahayga qiyaastii saddex ilaa afar jeer waa la dhagax-dhigay. Intaas oo jeerna waa la furay oo xadhigga ayaa laga jaray. Intaas oo jeer oo kalena dhagax-dhiggii ayaa la cusboonaysiiyay. Mar wasiir baa xadhigga ka jara, marna Madaxweynaha ayaa loo dalbadaa. Bal amarka Ilaahay waxa lagu kari la’ yahay kiiloo-mitirna ha noqoto e’ mar uun ninkaa Seylici u dira. Laakiin waa tii ay hore u sheegeen in aan isaga Waddooyinku u qaalibnayn. Midda kale dee waddooyinku waa mudnaantii 1aad oo ku-xigeen iyo waxaa looma diro. Wasiir darban ama Madaxweyne daallan ayaa xadhigga ka jara. Hadda sidaa ay tahay Wajaale ilaa Kalabaydh laammi laguma sheegayn ee waa labeen ayaa la lahaa oo dadku u badinayay. Iyaga iyo Allahood e’.

Bal ka warrama waddooyinka ay xukuumaddan dulmi-jecel dhagax-dhigtay, marka 5tii kiiloo-mitirba Madaxweynuhu mar furo. Alla maxaa hawl ina sugaysa. Waxaan soo xusuustay ma-hadhooyinkii Jabhaddii iyo da’-yartii seegtay fursadihii haasaawaha.

Beryihii dalka la xoreeyay ayay barbaartii Jabhadda ku soo kortay la qabsan kari weyday noloshii magaalada. Hablo iyo haasaawaba hore uma ay arag. Mustafe iyo xertiisa ayaa galab-galab nala fadhiisan jiray. Qaadka inta la jarjaro oo la kaco ayaa haddana la soo noqdaa. Waxay noo sheegeen in ay garan la’ yihiin sida hablaha loogu sheekeeyo oo ay ka qabsatay hawl-gal iyo siyaabihii loo fuliyay oo aanay habluhu jeclayn. Dagaalladii Buuraleyda aay uga sheekeeyaan. Iyaga oo sheekaynaya ayay habluhu ka dhaqaaqaan iyaga oo leh: “Alla hoogay, sidaas ayay sheekadii dagaallada intoodii badnaydna iigu hadhay.” Innaga ayaa maanta taas oo kale u taagan oo waxaas waddo la dhagax-dhigay ina sugayaan. Alla maxaa xadhig-jar iyo dhagax-cusboonaysiin inoo hadhay. Waa haddii ay run ka ahaydba.

Waxa la yidhi Madaxtooyada ayaa dalbatay nin khabiir ah oo Somalilander ah oo Mareykanka deggenaa. Madaxtooyada ayaa xafiis looga furay. Waxa laga codsaday in uu xukuumadda u sameeyo barnaamaj habaysan oo ‘electronic’ ah. Waxa la weydiistay in uu wasaarad iyo hay’ad kastaba u sameeyo: Guud-mar kooban iyo saddexda baahiyood ee ugu mudan ee cid waliba leedahay (priority). Ninkaas, waxa la sheegay in la yidhaado Dr. Dibad-joog. Waa xeel-dheere xataa Mareykanku ka yaabay.

Wasaaradihii ayaa saf u soo galay. Guud-markii koobnaa ayuu ka wada qaaday. Ka dibna mid walba wuxu weydiiyay saddexda Qodob ama arrimood ee mudnaanata 1aad u leh. Mid waliba saddexdiiba waxay ka dhigtay waddo. Wuu yaabay. Wuxu weydiiyay: “Waar miyaan dalka baahi kale jirin?” Waxa loogu jawaabay horto waddo loo maro ha la helo.

Dhowr jeer ayuu codsaday in uu Madaxweynaha arrimahan uu ka fajacay ka arko. Dhowrkii jeerba waxa loogu jawaabay: waddo ayuu soo dhagax-dhigayaa, waddo ayuu soo furayaa, dhagax-dhig waddo ayuu soo cusboonaysiinayaa. Dhabannada ayuu gacmihii ku illoobay. Xafiisyadii Madaxtooyada ayuu ku wareegay. Waxa laga sheekaynayaa waddooyin. Waxa la daawanayaa waddooyin. Waxa laga murmayaa waa waddooyin. Waxa la qorshaynayaa waa waddooyin. Shirarka jaraa’id waa waddooyin.

Ninkii Odeyga ahaa ee Dr. Dibad-joog ayaa afkiisii waddo mooyaan e’ wax kale laga waayay. Wuxu yidhaahdaaba waa waddo. Xigtadiisii ayaa u qaadatay in uu is-dhaafay. Dr. Aar oo cisbitaal cusub oo casriya magaalada dibaddeeda ku haysta ayaa loo geeyay. Su’aalo ayuu ku bilaabay. Dr. Dibad-joog wax kasta oo la weydiiyaba wuxu kaga jawaabaa: waddo. Dr. Aar ayaa yidhi: “Ma Madaxtooyada ayuu ka shaqeeya.” Waxa loogu jawaabay haa. Dadkii Dr. Dibad-joog waday ayaa yidhi: “Maxaad ku garatay in uu Madaxtooyada ka shaqeeyo.” Dr. Aar ayaa si fudud u yidhi: “Xanuunkan ayaan garanayaa iyo meelaha ugu badan ee laga helo ama uu dadka kaga dhaco. Wuu sahlan yahay oo waa marxaladihii hore ee cudurkan cusub ee xukuumaddan la kowsaday ee Waddo-walafka. Waa aynu daweyn karaynaa, laakiin dib dambe halkaa ugu shaqo tegi maayo.” Dadkii waday Dr. Dibad-joog ayaa nefisay oo yidhi: “Qurbihii uu ka yimid ayaanu ku celinaynaaba.”

Weli waxa sii qoyan raadkii dabbaal-degyadii sannad-guuradii 23aad ee 18ka Meey. Khudabaddii gaabnayd ee uu Madaxweynuhu ka akhriyay fagaarihii dabbaal-degga wuxu markii ugu horreysay ku sheegay in xukuumaddiisu qaadanayso dhalliilaha loo soo jeediyo isla markaana ay wax ka qaban doonto. Waxaanu leenahay, hanbalyo Madaxweyne haddii aad dhalliilaha dhego u yeelatay.

Imtixaanka lagugu eegayaa waa sii daynta Hubaal iyo Haatuf. Waa wadarta dadka iyo waraaqaha xidh-xidhan ee aan waxba galabsan. Ha beenaan. Waa haddii aad isa- sixidda halkaa ka bilowdo. Sideed u jeclaataa in lagu yidhaahdo: “Waad soo halgantay oo lagugu ammaano”, adiga oo kuwii halgankaa ku jiray aan libin iyo nolol midna u oggolayn. Hees-lo’aad aan ku soo xidhno:

“Adoo hadal neceb,

Adoo hayb jecel,

Oon hufnaan wadin,

Oo habeeno leh,

Oo Hubaal xidhay,

Haatuf jeel dhigay,

Dadka ka hortow,

Ha laysoo horo,

Ha I doortaan,

Sideed ku heshaa.”

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- 

cankaabo@hotmail.com,

www.dharaaro.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login