Maanka iyo Miyirka maxaa Inaga qaaday?WQ: Xuseen Cali Nuur

Dadka waayo-araga ah iyo kuwa aqoonta leh ayaa wax laga waydiiyaa waxaanad garanayn, sidoo kale arrimaha shaki kaaga jiro ma aha doqoniimo iyo nacasnimo inaad wax waydiisaa dadka kaaga aqoon wanaagsan.

Waxaana lagu tilmaamaa su’aalaha noocaasi ah inay tahay aqoon korodhsi, waxaanay qofka ka badbaadisaa dhibaatooyin iyo dambiyo jaahilnimo kuu gaysan karto.

Maahmaah caan ah ayaa noogu filan waxtarka waydiinta aan xujada ahayn. Maahmaahdaasi oo ah (Wax is waydiini ma xumee, wax is wadaarin baa daran).

Waayaha adduun ayaa na baraya in aqoonta iyo waayo aragnimadu ay yihiin iftiinka nolosha iyo horumarka, marka loo adeegsado wanaaga. Waxaanay yihiin halaaga nolosha iyo degenaashiyo la’aanta marka si khaldan loo isticmaalo.

Wanaag iyo nabad, xumaan iyo colaad hadba sida loo adeegsado waxay umadaha ku reebaan raad lagu xasuusto. Raadkaas oo noqon kara mid la mahadiyo ama la nacdalo, wakhtiga falalku dhacaan ama jiilasha soo socda markay akhristaan.

Sannadkan 2022 wuxuu noqon doonaa mid leh laba astaan. Mid horumar iyo waxqabad oo jiilasha dambe u noqda tusaale ay ku daydaan. Wuxuuna noqon karaa mid fajiciso iyo lama filaan ah oo ay yidhaahdaan MAXAA KU DHACAY AWOOWAYAASHEEN.

Khilaaf siyaasadeed oo ku kooban qodob dastuuri ah ku dhaqan la’aantiisa, ayay dad ku naf waayeen in boqol ka badanina ku dhaawacmeen. Wuxuuna abuuray jaahwareer dad badan ku dhaca.

Shacbi iyo xukuumad, maalqabeen iyo qaadaa ma dharge kaalinta ay ka qaateen dhibaatooyinka dabiiciga ah ee dalkeena la soo darsay, waa mid taariikhda u gali doontan. Waa mid uu shacbigeenu ku ogaaday inaan shisheeye, iyo mid dalka iyo dadkaba ka naxayni waxa ay yihiin uu ku kala ogaaday.

Muxaafid, mucaarid iyo shacbiguba waxay ka midaysan yihiin in doorashada madaxwayne xilligeedii la qabto. Waxayse isku diidan yihiin qodob kaliya oo dastuuri ah. Waana ayaan darro in madax dhaqameed, culimo iyo mudanayaal ay wada hadalo laba dhinac ah ay qabtaan wax dhab ahna aanay shacbiga u sheegin qodobkaa dastuuriga ahi wuxuu yahay.

Su’aalaha Meesha ku jiraa waxay yihiin:

– Maxay u diidan yihiin mucaaridku ku dhaqanka iyo hirgalinta qodobka ku aadan furitaanka ururada siyaasiga ah, oo dalka ka xoraynaya in saddex xisbi oo kaliyi si joogto ah oo aan xadidnayn dalka ugu taliyaan? Isla mar ahaantaana qodobkan oo dhaqan galinaya xuquuqda dastuuriga ah ee qofkasta u ogol xuquuqda inuu wax doorto iyo in la dooran karo.

– Ma dan gaar ah ayaa ugu jirta, oo naga qarsoon, in mucaaridku muddo kordhin loo sameeyo madaxwaynaha? Muddo kordhintaa oo loo baahan yahay in xilligan aynu ku jirno laga saaro saaxada siyaasadeed ee dalka.

– Golaha wakiiladu maxaa ka horjooga inuu fasaxa dheer ee uu qaatay inuu dib u dhigo, iyadoo qabyo ay yihiin xubnihii komishanka doorashooyinka Qaranka, oo socodsiin lahaa hawlaha doorashada.

– Fasaxa golaha wakiilada miyaanu hawlaha doorashada curyaaminaynin mise cilmi aananu ogayn ayaa jira?

– Maxaa Golaha Wakiilada u diiday inuu Kulan deg deg ah ugu yeedho mudanayaasha fasaxa ku jira?

– Madaxaa u diiday in sharciyaqaanada dalka ay iska xil saaraan inay dulucda khilaafaadka ee qodobkan dastuuriga ah shacbiga u soo bandhigaan.

– Aqoonyahanada ay dayartu u badan yihiin maxaa u diiday inay google ka raadsadan qodobkan dastuuriga ah ee tobanka sannadood ururada u tartama saddexda ka soo baxa ay noqonayaan asxaabta Qaranka.

– Maxaa awooda afraad ee Qaranka u diiday inay xilka saaran ee ah inay shacbiga xaqiiqda jirta u soo bandhigaan? Maxay u qaban waayeen dodo u cadaynaya shacbiga qodobkan?

Waxaan lee yahay maaha yaab kaliya, balse waa yaabatiin waxa maanka iyo miyirka naga qaaday ee naga qarsoon, iyadoo arrimo culus oo halis ah si hawl yar xal loogu heli jiray.