Ma ogtihiin Dagaalka dhinaca Warbaahinta ah ee ku socda Amniga Somaliland?

Dhammaan Warbaahinta Internet-ka ee Maamul-goboleedyada Soomaaliya, waxay bilaabeen inay Somaliland ka fidiyaan Warar Barobogaando ah oo ay ku sheegayaan in Somaliland qarka u saaran tahay “Dagaal” iyagoo ka faa’idaysanaya buuqa khilaafka doorashada.

Waxaan ka xumahay, in iyadoo dagaalkaa dhanka Warbaahinta ahi ku socdo dalkeena Somaliland, in illaa hadda Warbaahinteenu waxba ka beddelin Siyaasaddoodii War-tebinta, balse ay weli  siidaynayaan Dhawaaq kasta oo Colaad abuuri kara, halkii ay ahayd inay hoos u dhigaan hadallada Naxliga abuuraya ee ka soo yeedhaya Dadka “Wax ma garatada ah.”

Taladaydu waxa weeyaan, In Saxaafadda Somaliland doorkooda ka qaataan qaboojinta Xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo taa u maraya inay iska indho-tiraan Baahinta Hadallada dadka aan waxba u TUDHAYNIN.

May be an image of 3 people and people standing

FG: Sawirka Qoraalka la socda waxaan ka soo qaaday gidaarka Warbaahin laga leeyahay Puntland, waana mid ka mid ah Wararka lagu waxyeelaynayo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad leh.

Cabdiqaadir A. Carab