Shirqoolka ‘Milinium’-ka: Ma khiyaamo Qaran baa? Ma khilaaf dhexdeennaa? Mise Waa Khal-khalin? Q.3aad

Filed under: Aragtida Bulshada |

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.co

Warqad soo gudbin Go’aan Baarlamaan ah,Tix-raaceedu ahaa: JSL/GB/10/2003, kuna taariikhaysnaa: 12/10/2003, waxa ku qornaa Go’aammada hoos ku taxan oo ay saxeexeen:

  1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf: Guddoomiyaha Golaha Guurtida,
  2. Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre: Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida,
  3. Siciid Jaamac Cali: Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida,
  4. Cabdillaahi Ibraahin Habbane: Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida,

Dhinaca Midig waxa ka saxeexay:

  1. Cilmi Xirsi Cal: Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada ahna Ku-simaha Guddoomiyaha,
  2. Maxamed Xuseen Cismaan: Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada,

11/10/2003, waxay Baarlamaanka JSL go’aamiyeen:

  1. In cid allaale ciddii ku abtirsata Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, dawlad iyo shicibba, afraad, Ururro ama Axsaab, NGOyada. Aqoonyahannada, Madax-dhaqameedyada, Suugaanyahannada iyo dhammaanba noocyada ururrada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali karin shir kasta iyo arrin kasta oo lagaga hadlayo hindisayaasha Soomaaliya ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha soomaaliya ama iyaga oo isku dhanba,
  1. In cid allaale ciddii ku abtirsata Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qayb gasha shirarkaas ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta (sida qowl, Ficil iyo Qoraalba) kaga qayb gasha wada hadallo Soomaaliya ee qodobkaas 1aad tilmaamayo loo aqoonsado DEMBIILE KHIYAAMO QARAN, taas oo ay waajib ku tahay dhammaanba hay’adaha ku shaqada leh in ay hor keenaan Maxkamadaha awoodda u leh, iyadoo la raacayo xeerarka uu tilmaamay Dastuurka ee qodobka 130aad, Faqradda 5aad,
  1. Gaadiidka cir, Dhul iyo Bad ee loo adeegsado ama qaada hawl galkaas waxa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ah ee ganacsiga ama tan gaar ahaaneedba,
  1. Waxa lagula dhaqmayaa Xeerarkani cid alleyaale ciddii isku dayda ama abuurta Urur Bulsho ama nooc kasta oo Ururrada Rayidka ah oo u shaqaynaya sidii ay Somaliland u minjo-xaabin lahaayeen,
  1. Waxaa ka reebban dhammaanba war baahinta Jamhuuriyadda Somaliland, tan Xukuumadda iyo tan Madaxa-bannaanba in ay baahiyaan Wararka iyo Macluumaadka liddiga ku ah waxna loogu dhimayo ama lagu wiiqayo jiritaanka iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,
  1. Dalka JSL, waxa sharci ahaan ka jira saddex Gole Qaran oo keliya, sida ku tilmaaman Dastuurka Qaranka. Sidaa awgeed waxa reebban in cidina sheegato Gole kale. Ciddii sheegata Gole aan ahayn kuwa Dastuurku tilmaamay waxa lagu fulin doonaa tallaabooyinka sharci ee u yaala sheegasho waxaanay ahayn,
  1. Qofkii loo qabto in uu ku kacay qodobadan kor ku xusan waxa la cafin karaa oo kaliya Xukun Maxmadeed ka dib,

26/6/2010kii ayaa la qabtay doorashadii Madaxweynaha ee Somaliland. Waxa ku guulaystay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo. Si nabadgelyo ah ayaa xilkii loo kala wareejiyay oo wuxuu hore u gaystayba uu ku ammaanan yahay Daahir Ra’yaale Kaahin.

Xisbi ahaan Kulmiye ayaa doorashada ku guulaystay. Ku-dhawaaqiddii Madaxweynaha habeen kama soo wareegin markii la waayay Kulmiyihii sheegnaa ee ay dadku shaashadaha ka daawan jireen. Waxa markiiba soo baxay oo Madaxweynaha cusub Madaxtooyada u sii raacay Kulmiyihii sheellaa ee shooladaha iyo shirarka hoose iyo doceedba ku hawlanaa. Kulmiyihii sheegnaa ee muuqday ayaa sheellaaday oo ilaa maanta shiiqsan haddaan iilkaba lagu shareerin. Kulmiyihii sheellaa ayaa sheegan oo daahir yaa shamis taladii dalka gacanta ku haya oo weliba uga faro dhuudhuuban kuwii loo igmaday ee loo doortay.

Sheekh, shariif iyo in shaadiranba waa ay leeyihiin. Guurti shaarubo la’ marar baa lagu sheegaa. Meel walba waa ay gacan-togaaleeyeen, meel maanta dalka u fayoobina ma jirto kol ay qarannimadii ku tahay.

Hawl cusub ayaa soo korodhay. Waxa dalkii ka dhismay maamul cusub oo dawladnimadu ku cusub tahay in xukuumad la noqdaana ugub ku tahay. Hoos-u-dhac weyn iyo nusqaan ayaa ku timid dawladnimadii. Daahir Ra’yaale oo laga qaylin jiray ayaa dib loo tebay.

Bishii Feeberweri, 2012kii ayaa magaalada London lagu ballamay wada-hadallo Soomaaliyeed oo la qorsheeyay in ay Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland ku kulmaan. Baarlamaankii Somaliland ayaa fadhi loo dhan yahay isugu yimid si ay toddobadaa qodob ee hore u eegaan, isla markaana u suuro-geliyaan in ay Dawladda Somaliland shirkaa ka qayb-gasho. Maalintaana Baarlamaanku wuxu go’aamiyay Go’aammadan hoos ku qoran ee labada ah, iyada oo ay taagan yihiin Go’aammadii toddobbada ahaa ee hore wixii ka soo hadhay.

  1. In la taageero ka qayb galka Xukuumadda Somaliland ee Shirka London,
  2. In Xukuumadda Somaliland ka qayb gasho shir kasta oo loo arko in dani ugu jirto Somaliland kana hor imanayn jiritaanka, Madaxbannaanida iyo Qarannimada JSL,

Go’aammadaasi waxay ku suntanaayeen Tix-raac GB/G/01/2012, kuna taariikhaysnaa: 05/02/2012.

Tiradu yaanay idin ka gedman, sheekaduna idin ka lumin. Waa laba go’aan. Go’aanka 1aad wuxu odhanayaa: “In la taageero ka qayb galka Xukuumadda Somaliland ee Shirka London.” Qodobkan sidiisa ayaa loo fuliyay oo mar keliya ayuu ku koobnaa. Waa shirkii wada-hadallada ee London ee Feeberweri 2012kii. Waa la tegay waana lagu taageeray dawladda. Qodobkaasi sidaas ayuu ku dhammaaday oo wax mar keliya la adeegsanayay ayuu ahaa. Qodobka 2aad sidiisa ayuu u taagan yahay, waxaanu khuseeyaa xukuumadda oo keliya. Qodobka 2aad uma taagna in wax walba la isku cayn iyo beyd gooyo. Qodobka 2aad wuxu odhanayaa aan idiin ku celiyo e’:

In Xukuumadda Somaliland ka qayb gasho shir kasta oo loo arko in dani ugu jirto Somaliland kana hor imanayn jiritaanka, Madaxbannaanida iyo Qarannimada JSL,

Xukuumaddii cusbayd waxay bilowday in ay ka leexato tubtii siyaasadeed ee hore u jeexnayd. Waxay si dadban iyo si toosanba ugu ololaysay in wada-hadallo lala furo Soomaaliya oo ay iyadu si toos ah uga qayb qaadatao. Arrintaasi waxay keentay in hawl-gal ballaadhan la qaado. Tuhmadihii ayaa sii batay. Madmadow badan ayaa laga dareemay sidii loo wada hadlayay iyo sidii looga qayb-gelayay wada-hadalladaba. Raad-raac la’aan iyo tix-raac la’aan ayaa lagu socday. Dadku waxay dareemeen in dhinac walba loo ridayo. Xaalba wuxu iska noqday: “Gudin yahay badhkay baa kugu jiree ima goyseen.” Wufuuddii labada dhinac ayaa is-dhex yaacday. “Idin kala garan meynnee, guulaystada,” ayaa badatay. Meel walba waa la gacan-togaaleeyay. Xaalka tan iyo Feeberweri 2012kii soo jiitamayay, been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo wax qoraal ah oo ardayda qalin-jebinaysaa tix-raac ka dhigato laga soo heli maayo. Lacagtiiba tigidh iyo habeen-dhax ayay ku dhammaatay. Wufuud aan dhammaanayn. Sii soco…soco iyo sacabbo madhan. Illeyn mar-dhoof safar kama daalo. Suudh-xidhashada ayaa wax walba kala weyneyd.

(Hadal-haynta 11aad, Qormada: 4aad la soco berri, haddii Eebbe idmo)

(Sixid: Somali Airlines waxa la soo af-duubay 26/11/1984kii, raalli ahaada)

You must be logged in to post a comment Login