Daaha Gaas: Sababma ayuu u Noqday Abwaankayga 2020-2021? Qalinka Siciid M. Gahayr

Daaha Gaas: Sababma ayuu u Noqday Abwaankayga 2020-2021? Qalinka Siciid M. Gahayr

Heesta Gallad

Horraantii 2017ka waxa ay hal-abuurka Somaliland ee dhallinyarada markaas ahaa ka qaybgaleen silsilad-maanseed la yidhaahdo Miimley oo ka dhalatay maansadii Mudduci ee uu tiriyay Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame). Raggii aan taxanahaas ku bartay waxa ka mid ahaa Abwaan Daaha Gaas oo markaas joogay Gadar. Isaga oo qurbaha ku maqan ayuu iiga warramay dhismaha iyo aasaaskiisii koox-faneedka Dayax Band.

Walaw aannu kala aragti duwanayn oo aannu mucaarid iyo muxaafid kala ahayn; waxa aannu yeelanay is-barasho, saaxiibtinnimo iyo warhayn gooni ah. 5tii Juun 2017ka ayuu ka soo degayay madaarka Hargeysa, waana uu ii sheegay. In kasta oo aan jeclaa inaan Gegada Cigaal ku soo dhaweeyo; waxa aan safar ugu jarmaaday Balligubadle. Iskama bixin, waa aan u tebiyay cudurdaarkayga. Bil ammaara maalinta uu imanayay waxa geeriyooday Mujaahid Ooto Biixi Caalin Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Waxa uu ambaqaaday hagista, hoggaaminta iyo habaynta kooxda Dayax Band oo maanta ka mid ah nalalka u daaran fanka geyiga afsoomaaligu baadisoocda u yahay. Dhan kale waa jilaa, laxan-curiye iyo haddiiba aan idhaahdo siyaasi dahsoon. Haa, sida uu saaxadda fanka ugu jiro ayuu mar u gelayaa ta siyaasadda haddii aan in uun wax suurayn aqaanno.

Dee maxaanba taas u odhan? Saw ma uu shaacin in uu tartamayo mudaneyaasha Golaha Degaanka Hargeysa 2021kii oo haddana uma tanaasulin nin qaayihiisa leh, abtina aan u ahay oo Gullied Moh Ismacil ah.

Aragtidiisa rasmiga ahi waxa ay ahayd Feberweri 2019ka oo aannu madaarka Hargeysa ku soo dhawaynnay Abwaan Abdillahi Hassan Ganey, waana waayadii uu xidhnaa Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Ragga aan hiilka iyo ka-hadalka xadhiggaas ka gaabsan ayuu ahaa. Rag badan ayaannu galabtaas ahayn. Sidiiba waa nin tebiya weedha xiskiisa ku jirta oo aan hadalka la gabbanin.

Waxsoosaarkiisa faneed iyo suugaaneed waxa ay sameeyeen kor u kac ballaadhan, waxaanu si gaar ah iigu suntan yahay abwaankii 2020-2021ka. Waayo tixdiisa labadaas gu’ ayaa soo-jiidasho gaar ah ii leh. Heeso iyo suugaan isugu jira waddaniyad, jacayl, siyaasad iyo nolosha adduunka oo kala abbaar ah baa uu hal-abuuray.

Dhanka kale waxa uu soo saaray riwaayado ku qotoma wacyiga bulshada. Waa damal la hadhsado iyo dabar isku haya fannaaniin, hal-abuur, jilaa, danansheyaal, laxanyaqaanno iyo qaybaha kale ee bulshada.

Heesaha soo baxay 2020ka ee aan ogaa markii hawshooda la waday waxa ka mid ah Gallad oo ay codkeeda cuddoon ku qaaddo Yurub Maxamed Cabdi (Geenyo). Waa hees hawwaale-warran iyo hogatus ah oo qeexaysa waxa gobannimadu tahay sida deeqda, geesinnimada, abaalcelinta iyo astaamaha ragga lagu xusho. Ugu dambaynna waxa ay Eebbe ka baryaysaa in uu ku simo samaan iyo seermaweydo roobku da’ay oo ay saldhigto barwaaqo.

Waa kuwan ereyadeedi

Allow yaanan goyn ruux
Gobannimo daraaddeed
Galab aan u baahnahay
Gacan hiil i siiyoo
Ii galay abaal badan

Godob yaanan aadmiga
Cid u geysan uurxumo
Nimay gaajo haysoy
Madhan tahay goshiisuna
Gasiin aan u tari karo
Siin iyo wax iga go’a

Allow yaan garaadkiyo
Ii diidin garashadu

Doqon yaan ku garab siin
Gacal iyo xigaalnimo
Geesi yaanan haybtiyo
cid u galo ku nicin reer

Ninka ii god geli kara
Dartay geeri mudan kara
Ayuun baannu gacal nahay

Allow yaanan gelin qudha
Gujonacasta aadmiga
Erey gefa qof igu yidhi
La god gelin cadaawoo
Gocashana ku ciilbixin

Gallad caashaqayguna
Guryosamo Allahayow
Aan la galo gondaha rays

Inta guusha hanatee
Galladdaada weheshada
U gargaarta iga yeel
Guullow innaga yeel

Aamiin Aamiin

Qormo 2aad ayaan ku dul mari doonaa qaybo ka mid ah waxsoosaarkiisa iyo waxqabadkiisa insha Allah.