“Abiy Ahmed: Adeegsi Beelo Soomaaliyeed iyo Bad Raadin?” Faysal Rooble

Faysal Rooble iyo Abiy Ahmed
Faysal Rooble iyo Abiy Ahmed

Abiy: Adeegsi Beelo Soomaaliyeed iyo Bad Raadin?

Bal eeg

Aaraar

Qudabadii uu Reysal Wasaare Abiy Axmed ujeediyey Baarlamaank Itoobiya,Ocotber 13, 2023, waxa uu soo bandhigay tubta siyaasadeed ay Itoobiya leedahay ee ku wajahan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Tubtan mudo sanad iyo badh ah ayaa laga soo shaqeynayey. Waa tub baaxad leh o ka turjumaysa wacadka u Raysal-wasaare Abiy kuy maray inu Bad u helo 120 ka milyan ee Itoobiyaanka ah.

Tubtani waxay kuwii hore kaga duwantahay (1) in aanay ahany oo kaliya in la helo isticmaal, laakiin ay Itoobiya yeelato Bad aan laga kireyn. (2) in ay Itoobiya yeelato ciidamo habeysan oo badeed (Navey), o leh rug ay dagayinhiin iyo maraakiib ay leeyihiin; (3) in Itoobiya wax laga weydiin karo marinnada Badeecadaha ka yimaadda Bariga dhex ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden).

Tubta Badda Cas

Tubtani waxay ku wajahantahay Casab. Dakada Casab waxay ka mid ahaan jirtay Itoobiya intii ka horeysay 1994. RW Abiy waxa uu si baaxad leh u tibaaxay rukunada taariikheed, juqrafiyeed,diimeed, dhaqaale, iyo lahaansha fog ee Itoobiya ay lahay Casab. Xulifadii EPLF (Issaayas) EPRDF/TPL (Meles Zenaiw) iyo Jabhaddi Canferta (/Suldan Cali Mirax) ayaa 1994 si wada jir ah ugu heshiiyey in Eriteriaya ka go’do Itoobiya, albaabka badeed ay mudada dheer Itoobiya lahaydna sidaa lagu waayo. 

October 1993, xiligii la waday kala go’a ayaan maqaal odoros sameynaya ku qorey Wargeyskii la odhan jiray “Ethiopian Review.” Dhowr  arimood ayaan tibaaxay:

In Canferto la mid tahay dadka Kurdiska la yidhaa, ooy dhowr dal ku kala jira awood umadeedna laga qadiyey. 

Waxa kale oo tilmaamay in Soomaalida qudheeda la kala qaybiyey, laakiinse ay Canferta dhaamaan maadaama ay la dal iyagu ka taliyaan sida Djibuuti iyo Soomaaliya, Kenyana si fiican ugu dhaqan yihiin.

Xiligaas waxa Meles Zinawi ugu yimd Addis Ababa AU Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Sida u xiligaa AU Wasiir Cabdi Majiid Xussen ugu waramay wargeysgii Qandh Africa (Horn of Africa), Maxame Xaaji Ibraahim ayaa keenay hindisa ah in Somaaliland la soo raaciyo Itoobiya. Melez oo addunka ka baqaya iyo isaga oo ogaa in aanu duudsiyi kareyn sharciga aduunka ayaa ka diiday arinkaas.

Waxa kale oon tilmaamey in xili ay noqotoba Itoobiya sheegan doonto Casab. Waxaan sabab ugu dhigay in Itoobiya ku soo gaban doonto Canferta oo xoogeedu daganyahay Itoobiya. Taasaanu maanta Tub siyaasadeed iyo caqoodo Bada Cas ee Casab ku raadin rabaa RW Abiy.

Dhinaca Soomaalida

Tubta bad raadiska ah ee dhinaca Soomaalida ku aadan waa arin hor leh oon la biciidsan karin. Cidna kama qarsoona in Itoobiya mudo dheer ku daba jirtay siday lugaha u galin lahays biyo-badeedka diiran ee Bada Cas dhinaca Soomaalida iyo Badweynta Hindiya. Taariikhda damacan waxa uu taxanyaha ilaa xiligii Boqo Minilik iyo Ras Mekonin. Waxase damacaas direys loo galiyey dagaalkii labaad ee aduunyadu markuu dhamaaday (WWII). 

Maadaama u Boqor Xayle Sellaasie la hawlgalay huwantii Ingriiska iyo Faransiiska, waxa loogu abaal celiyey in la siiyo dhulkii Haud iyo Reserved Area 1945. Isla Xiligaas Boqorku waxa uu codsaday in Zailac la siiyo. Ingriiska ayaa u arkay in Boqorka dhuuntu ka weynaatay oo ku yidhii Casa iyo MUsuwac oo israacsan ama Zailac muduun dooro. Talo iyo waxgarad badan uu lataliyihiisii John Spencer ka mid ahaa, waxa u Boqorku ku goostay inu Casab qaato, laakiin aanu mabdi’yan ka tanaasulin Zailac. Damacaasna xiligii Mengistu ayaa soo ka raar celiye.

Hadeer Abiy meel adag ayuu arinta badaha Soomaaliyeed iska taagay. Si aan gabasho lahayn ayuu u sheegtay inay Itoobiya yeelan karto bad. Marka uu leeyahay Soomaalida Itoobiya dagan yaa ka leh badaha Soomaaliyeed, waxa u saami uga dhigayaa sida Canferta Itoobiya dagani ay u dheegan karto Casab.

Sidaas darteen, hadii ay Canfertu sheegan karto Casab, maxaa diiday Soomaalida DDS wadar iyo waaxid ahaan inay sheegan karaan Saylac, Berbera, iyo Kismanyo?

Tubtan cusub ee Abiy waxa uu dagaal ka dhigan karaa beelo iyo qaa’ilka Soomaaliyeed. Xiligii 1920hii, masuulkii ciidamada Itoobiya ee Jigjiga la soo dajiyey oo la odhan jiray Tsagaye, ayaa beelo Soomaaliyeed hubeerye. Waxuna ku weerer Togwajaale, Gabiley ilaa dulkeedka Hargeysa. (Xigasho, Seveteen Trips Through Somaliland and A Visti To Abissinia, 1921). 

Tubtan cusub ee Abiy daah-furay durba koox isku tilmaami inay Saylac ka soo jeedaan ayaa u soo carab laalaadisay.

Haddaba, ma laga yaabaa in Itoobiya adeegsato Soomaalida Itoobiya wadar iyo waax ahaan damaceeda badeedna sidaas ku raadiso?

Waliba xiligan oo Soomaalidu kala biiqsan tahay, khatartani intay gaadhsiisan tahay?

Ogow oo dhulka Soomaaliyeed ee maanta Itoobiya ka tirsan Odoyo Beelo adeegsanaya, ayaa lagala xaajooday. Hadda, Taas oo kale ma suuroobi karataa? 

Bad booka Raysal-wasaare Abiy tolow Soomaalida iyo Dalka Eriteria ma isku soo dhaweyn karaa?”

Waxa Qoray Faysal Rooble.

Halkan Hoose kaga Bogo Qormadan oo Muuqaal dhegaysi ah:-