Shirkii KULMIYE: Run Mise Riyo?

Filed under: Aragtida Bulshada |

Faallo Maxamed Haaruun . Abidkay xisbi aan maqlo, iyo magaca “Xisbi” ba waxa ii gu horeeyay midkii la odhan jiray Xisbiga Hantiwadaagga ah ee Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Waa xisbigii, ama xisbi-ku-sheegii uu Maxamed Siyaad u samaystay in uu wadanka ku xukumo. Ama se ma ahee.

MAXAMED HAARUUN

Uu u la jeeday in uu caalamkii shuuciga ahaa ee waagaas u gu sheego, in wadanka uu xisbi hanti-wadaag ahi ka jiro. Waxa uu ahaa, amaba loo dhisay, in uu ahaado aalad uu qof bulshada ka mid ahi ku liido/saqiiriyo caqliga dadka kale oo dhan. Xisbiyadda manta ee Somaliland kaas bay tubtiisii hayaan, waxay na u dhisanyihiin, in qof uun, hada waa qof kaliya, uu ku gaadho xukunka.

XHKS wuxu ahaa xisbi balaadhan, oo xubnahiisa iyo gudiyadiisu aanay is aqoonin. Wuxu ahaa xisbi shirarkiisa kharash aad u badani ku baxaan, isla markaana, wax natiijo ahi aanay ka soo bixin. Hogaanka xisbiga la ma bedeli jirin, marka sanado door ah la joogo na, wadanka waxa uu xisbigu ka qaban jiray wax la gu sheegi jiray doorasho. Doorashadu ma ahayn doorashada aad mooday. Gadhku gadhka aad mooday ma aha ayaa nin la ga hayay. Wadanka oo dhan sanaaduuq baa la gayn jiray, waxaana dadka la waydiin jiray afti ah “Haa” ama “Maya”, oo ku saabsan hogaaminta wadanka ee Jaale Siyaad. Mar kasta oo aftidaasu dhacdo ba, natiijadu waxay ahaan jirtay 99 boqolkiiba oo “Haa” u gu codaysay in uu Hogaamiyaha Kacaanka, badbaadiyaha umadda, Aabaha garashada, Jaale Siyaad, uu wadanka sii hogaamiyo. Hees na waa loo gu dari jiray, oo la odhan jiray, “Cimrigii jiryoow, caynaanka hay, waligaa hay.! Saw ma aha?

– Marmaroor tusyaa iyo jidkii, toosan mariyaaba.

– Siduu ula macaamilan jiriyo, maamulkuu barayey.

– Ardaygu meel uunbuu uga ekaan, macallinkiisiiye. (Dhoodaan)

Aan is waydiino- Shirkii mudada dheer foolanaayay ee Kulmiye maxaa ka soo baxay? Amaba se ma ahee, marka hore ba maxaa horta shirka loo qabtay? Maxaa loo gu baahday in kumanaan qof wadanka debeddiisa iyo gudahiisa ba loo ga yeedho, oo aduunyo tiro badan la kharash gareeyo? Bal u fiirso: shirwaynaha xisbiyadu marka ay dhacayaan, waa xisbiyadda dhabta ah, ujeedadu waxa ay tahay, in dadka xisbiga xubnaha ka ah talo la ga waydiiyo qorshe-hawleedka xisbiga. Si kale hadii loo digo, wa in ay xalaaleeyaan qorshaha xisbigu ku socdo, iyo hogaanka xisbiga wadi doona ba. Waa in la dodo, la is maskax tuujiyo, isla markaana, hogaanka xisbiga ee la filaayo in uu hogaanka umadda noqon doono, la biyo-dhiijiyo, oo xisbigu ku qanco. Waa in dimuquraadiyaddu ay xisbiga dhexdiisa ka soo bilaabanto, ka dib na wax la soo bisleeyay dadwaynaha loo la tago.

Aan afar su’aalood oo muhiim ah is waydiino: shir-waynihii Kulmiye miyaa loo sheegay, ama talo la ga waydiiyay qorshaha xisbiga, waaba hadii qorshe jiree? Miyaa musharaxii doorashada 2015 la doortay? Miyaa xukuumad iyo xisbi toona, ay jirtaa cid masuuliyiin ah oo la la xisaabtamay? Miyaa hogaaminta xisbiga (Gudoomiyaha) la gu tartamay? Saw jawaabta intaas oo dhami “Maya” ma aha? Hadaa maxaa la ga shiray? Hadii dad kooban, oo faro ku tiris ahi meel madaw ku soo go’aamiyeen wax kasta iyo kalmad kasta oo shirka la ga yidhi, maxaa kumanaanka qof loo soo shiriyay? Xisbiga Kulmiye, oo ay la qabaan kuwa kale na, doodoodu waxay tahay, dhexdayada dimuqaraadiyadi ma jirto, laakiin dadwaynaha dimuquraadiyad baanu u soo wadnaa. Waa sidee xaalku? Ma run baa tani mise waa riyo?

Gees kale fiiri. Fadhiidnimadii xisbiyada wadanku ay wada qabeen, Kulmiye maanta siyaado ayay ku kordhiyeen. Waxay jeexeen wado cusub. Waxay si qayaxan umadda u gu sheegeen in beel-beel loo qaybsaday ergooyinka shirwaynaha. Reer-qansax intaas bay heleen, iyo Reer-qudhac intaas bay heleen ayay ku soo saareen bayaan rasmi ah oo Kulmiye ka soo baxay. Haa, waa dhab in qabiil wax ku qaybsiga iyo qabiil wax ku dhisidda, oo ah dhaqan aad u liita, loo adeegsado wax kasta oo la qabanaayo, laakiin aniga ogaalkay, marnaba sedan hadda uu Kulmiye sameeyay, ee ah Reer-hebel iyo reer-hebel intaas oo ergo ayay leeyihiin la ma odhanin. Tani waa aqbalaad rasmi ah, oo la gu aqbalay nidaamkaas reer-hebelnimada. Si kastaba, kolka la eego habkaas Ina Barre la ga dhaxlay, ee xisbinimada hoosta ka madahn ah, ee meel aan talo la isku waydiinaynin, kumanaan qof la gu soo shirinaayo, iyo tan cusub ee qabiilo wax ku qaybsiga qaawan ah, waxa I noo soo baxaaya sawir foolxumo badan.

Taariikhdu, waxa la yidhaahaa, way isa soo celisaa (history repeats itself). Dhab ahaan, dhacdooyinka taariikhdu waa tagto oo ma soo noqdaan, wax se loo ga jeedaa, waxyaabaha horey u dhacay, kuwo la mid ah ama aad u gu eg baa mar iyo marar kale ba dhaca. Nin la odhan jiray George Santayana, oo ahaa faylasuuf wax ka bari jiray jaamacadda Harvard 1950s kii ka hor, ayaa la ga hayaa odhaah ahayd, kuwa aan dhacdooyinka taariikhda wax ka baranin, waxa la gu ciqaabaa in ay mar kale ku noqdaan qalad kii hore – “Those who cannot remember the past are condemned to repeat it.” Kuwaasu inaka miyaanay ahayn? Ilaa hadma ayaynu sedan sii ahaan karnaa?

Inta aad sidan tiin.

Salkoo meel aad dhigtaan.

Waa dameer san madaw,

iyo sacabkaas oo timo yeeshoo.

Sina loo arki maayo. (Timacade)

Qalinka: M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

Faallo: Maxamed Haaruun

London/Ingiriiska.

You must be logged in to post a comment Login