Hambalyo Xuska Maalinta Maalinta Saxaafadda Xorta ah ee Dunida

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu Hambalyo u dirayaa Dhamaan Hawlwadeenada Saxafada  ee Ku Nool Daafaha Dunida Sida kuwa Qaarada Africa, Kuwa Afsoomaliga ku Hadla,

10303773_321373084682241_3959831269075378256_n

Kuwa Waddamada Jaarka  iyo Gaar Ahaan kuwa Somaliland, Waxaan Ku Hambalyaynayaa Xuska Maalinta loo Aqoonsaday Maalinta Xoriyada Saxaafada Dunida  (World Press Freedom Day)   oo ku Beegan 3 may 2014 oo laga Xuso Dunida, oo dhan waxaana dalkeena lagu xusi doonaa magalada Hargeisa MaanSoor Hotel.

Ururka SOLJA waxa uu Dhamaan Rajaynayaa Guud ahaan Suxufiyiinta iyo Qoysaskoodaba in Ilaahay nabad Qabku Gaadhsiiyo Sanadka Sanadkiisa iyo in ay Hawlahooda u Gutaan sida ugu Haboon Mar-Kastiba iyo Xaalad-Kastiba.

 ALLAA MAHAD OO DHAN ISKA LEH

 Gudoomiyaha SOLJA

XASAN MAXAMED YUUSUF