Aniguba Aabbo ayaan ahay!

W/Q  Xamse M Cumar Kujoog . Da,diisu waa sannad iyo toban bilood, qurux ilaahay siiyay firfircoonina u dheertahay, naxariis badan oo dareemada iyo ficilada uu gudbinayo qaarkood markaan ka arko aan is idhaahdo malaha da,diisa iyo maskaxdiisu carri iyo ciirsi.

XAMSE CUMAR-KU-JOOG

Jacaylkaan u qabo ma sheegi karo waxaan ku qiyaaso, malaha waa mid uun dareenkiisa uu ila fahmi karo beer wax dhalay, ma odhanayo waan kasoo wada baxay waajibkiisii sababtoo ah mashquulkaygu wuu badan yahay oo maalinkii waxaan shaqeeya in kabadan 15saacadood anigoo isku qancinaya inaan isaga u maqanahay hadana daqiiqad maskaxdayda kama baxo maqalka hadaaqiisana aad ayaan ugu soo hiloobaa marwalba.

Maalinka jimcaha badanaa waan kaxeeyaa oo salaadda jimce ayuu ila soo tukadaa inkasta oo dadku igula yaabaan oo qaarkood ay igu qabsadaan iyagoo leh waar ilmaha yar maxaad usoo kaxaysay ma ubadka kale ayuu ka fiican yahay?.. Jacaylkaa indha la,

Kalmado kooban ayuu ku hadaaqaa oo ay ka mid yihiin Baabaa Maamaa Iyo Allaah oo uu mid walba markuu ku dhawaaqayo fartiisa yar ee quruxda badan midabkeeduna cas yahay uu ku fiiqo kolba halka aabihii ama hooyadii ka xigto ama samada isago Allah tilmaamaya, waxa intaas u dheer markuu wax la yaabo intuu gafuurka yar uruuriyo ayuu yidhaahda Naw.. tolow yaa baray ma aqaan!!

Gaadhiga hadaanu korno ma ogala meel aan dhabtayda ahayn aniguna waa meesha kaliya ee aan ku aamino, waan la ciyaaraa, waan la sheekaystaa sida qof aan muddo dheer asxaab ahayn, waanan la qoslaa laabtaydana muddo dheer ayaan ku hayaa iyadoo wadnahaygu naxariis badan dareemayo.

Waqtiyada iigu xiisaha badan waa markaan arko dhawrka ilig ee dhawaan usoo baxay markuu muujiyo isagoo qoslaya si kalana maahee farxaddiisu waa farxaddayda, hadana waxaan is arkaa iyadoo ilmo igu taagan tahay ma aqaan sababteeda laakiin waxaan xasuustaa maalin aan gagida diyaaradaha ee berbera kasoo dagay anigoo muddo dhawr sano ah dalka ka maqnaa halkaas oo aanu aabahay allah haka raali noqdee ku kulanay markaan salaamay een laabta saaray waxay ishaydu si tuuga ah u dareentay isago indhihiisa ilmo ku taagan tahay iskuna dayaya inaanan arkin ee uu qariyo maan fahmin sababta uu la ilmaynayay maalinkaas laakin hadda ayuu dareenkaasi i taabtay muddo sanado ah kadib markaan aniguna waalid noqday.

Dareenkan aan cabirayo waan ogsoonahay in aabayaal badani ila wadaagaan, waxa se igu dhaliyay waydiimo is daba yaal oo gabadh qoraa ah magaceeduna yahay Muna Axmed Cumar ay ku taxday maqaal ay ugu magac dartay MA IYAGAAN DHALIN?! Oo ay ku raadinaysay sidaan u fahmay aabbo soomaaliyeed oo dareenkan oo kale leh kadib markay dhaayaha saartay una qushuucday nin ajnabi ah oo ilmo uu dhalay kaligii sita oo la dheelaya .

 Inkasta oo Muna ay maqaalkeeda kusoo gagabaysay inaan dhambaalkeedu khusaynin aabayaasha wanaagsan ee xilkoodii kasoo baxay hadana waxaanan jeclaystay inaan Qoraaga ku idhaahdo ANIGUBA AABAAN  AHAY!! Waxaanan hubaa in si dhab ah bulshada ay uga buuxaan dad intaan sheegay toban laab ka naxariis badan waqtiyo badanna la qaata ubadka halkaan anigu waqti kooban haleelo kuwaas oo koolkooliya la ciyaara una sheekeeya midhaha beerkooda.

Ugu danbayn waxaan allah ka baryayaa inuu ubadka inoo hagaajiyo .. aabayaashana allah kayeelo kuwo ubadkooda u naxariista oo dhaqanka suubban ku koriya dareemana in masuuliyadu aabaha iyo hooyada labadaba ay saaran tahay oo hooyada aanay ku gaar ahayn

W/Q  Xamse M Cumar Kujoog

Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.