Saddex Qoys oo Madax ka noqday dalalkooda oo dabar go’ay!

W/Q: Cali Cabdi Coomay . Qoyskii Madax Weyne John F. Kennedy

Madaxweyne John F. kenned ayaa aabihii oo la odhan jiray Joseph P. Kennedy  wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa:  Joseph F. Kennedy, John F. Kennedy, Robert F. Kennedy iyo Edward F. Kennedy. Joseph P. Kennedy oo ahaa aabihii ilma Kennedy wuxuu ahaa safiirka u fadhiya maraykanka dalka ingiriiska.  Intii uu London joogay ayaa qandaraas lagu siiyey inuu keligii maraykanka u dhoofiyo khamriga. Halkaasina wuxuu ka helay lacag farabadan oo gaadhaysa balaayiin dollar.

coomay

Tartankii MadaxWeynenimada Ee Reer Kennedy

Joseph P. Kennedy wuxuu mar kasta maskaxda ku hayn jiray inuu inamadiisa u sharaxo kurisga M/weynaha dalka maraykanka. Markii hore wuxuu diyaariyey inankiisa curad oo ahaa Joseph F. Kennedy, balse wuxuu ku dhintay dagaalkii labaad ee adduunka. Ka  dib wuxuu sharaxay kii ku xigay oo ahaa  John F. Kennedy oo wax kusoo bartay jaamacada Harvard. Markii dagaalkii labaad ee adduunka laga soo noqday ayuu John F. Kennedy isu sharaxay aqalka sare ee maraykanka ( Senate), waanu ku guulaystay.

Tartankii Madaxweynenimada ee John F. Kennedy

Sannadkii 1960-kii  ayuu  John F.Kennedy u tartamay jagada M/weynaha dalka.Waxaana la tartamayey Richar Nixon oo xilligan ahaa  M/weyne kuxigeen. Bishii Noofember  1960-kii ayuu ku guulaystay jagadii  M/weynaha, isagoo da’diisu ahayd 43 jir.

Wuxuu noqday  M/weynihii ugu horeeyey ee maraykan ah eeqarnigii labaatanaad dhasha. Waxa  kale oo uu noqday M/weynaha keliya ee maraykan ee haysta  Mad-habta  Roman Catholic  ee ka tirsan Diinta Kiristaanka. Iyadoo shacabka maraykanku u badan yihiin mad-habta Protestan-ka ee Kiristaanka. Bishii Noofember ee Sannadkii 1963-kii ayaa M/weyne John F. Kennedy lagu dilay magaalada Dallas oo uu booqanayey. Dilka waxa fuliyey nin la odhan jiray Lee Harvey Oswald, oo ka soo toogtay dabaqa-sare guri uu ku jiray.

Tartankii MadaxWeynenimada Ee Robert F. Kennedy

Robert F. kennedy wuu ka yaraa  John F. Kennedy.  Jaamacada Harvard ayuu ka bartay sharciga (Lawyar). Dawaladdii  John F.Kennedy wuxuu ka ahaa xeer ilaaliyaha guud. Robert  wuxuu isu sharaxay jagada  M/weynaha dalkiisa. Horaantii sannadkii 1968-kii ayuu u tartamay kursiga aqalka sare ee Congrees-ka waanu ku guulaystay. Isla-sannadkaasi dabayaaqadiisii ayuu u tartamay kursiga  M/weynimada. Isagoo ku jira ololihii doorashada oo khudbad u jeedinaya taageerayaashiisa hudheelka Ambassador ee Magaalada Los Angeles, markii uu khudbadii dhameeyey, isagoo gacan qaadaya dadkii dhegaysanayey, ayuu nin la odhan jiray Sirxan soo dhex galay dadkii salaamayey, markaasuu bastoolad ku toogtay. Goobtii ayuu ku geeriyooday. Ifka wuxuu kaga tegay kow iyo toban caruur ah, oo isugu jira gabdho iyo wiilal.

Tartankii Madaxweynaha Ee Ted F. Kennedy

Ted F. Kennedy  wuxuu ahaa inanka ugu yar ee reer Kennedy. Wuxuu ahaa nin aqoonta ku liita. Jaamacada  Harvard waa laga eryey,  markii lagu ogaaday inuu arday lacag siiyey si uu imtixaanka  ugu galo.  Markii dambe ayey canaanteen qoyskiisi, ka dib wuu dedaalay, waxaanu ku noqday  jaamacadii. Waxaanu bartay cilmiga sharciga ( Lawyar). Ted wuxuu ahaa nin aad ugu mashquulsan arrimaha haweenka. Wuxuu qabay gabadh qurux badan oo la odhan jiray Joan,  balse wuxuu xidhiidh la lahaa dumar badan.

Fadeexadii Ka Reebtay Tartankii Kursiga

Sannadkii 1969-kii  isaga iyo saaxiibadii oo hudheel ku tumanaya,  ayuu Ted kasoo kaxaystay gabadh uu la ciyaarayey. Ka dib isagoo gaadhi kuwata,  ayuu gaadhigii ku dhacay god weyn oo biyo ka buuxaan, gaadhigii ayaa dhinaca kale iska rogay. Isagu wuu ka soo baxay, balse gabadhii uu watay wuu kaga yimid gaadhigii. Halkiina way ku geeriyootay. Sababtii ay u geeriyootay ayey boolisku baadheen. Natiijadii baadhista ayaa noqotay inay u dhimatay dedaal la’aan amma gurmad la’aan ka  timid Ted.Taasina waxay ku noqotay fadeexad ka reebtay tartankii doorashada M/weynimada. Ted wuxuu dhintay sannadkii 2009-kii. Waxa dishay buro kansar ah oo maskaxda kasoo baxday.

Cali cabdi coomay                      

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism                                                                                   

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

La soco Qaybaha dambe………………………………….      

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.