Soomaalida Itoobiya, Xaaladdoodu Waa Ninkii Hooyaday Guursadaba Waa Adeerkay! W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Filed under: Aragtida Bulshada |

Itoobiya waxay ka kooban tahay 9 kilal iyo laba magaalo oo hoos yimaadda xafiiska ra’isal wasaaraha (Addis Ababa iyo Diridhaba). Dawlad degaanka Soomaalidu waa kilalka labaad ee ugu baaxadda weyn dhul ahaan tiro ahaanna waa qoomiyadda saddexaad, sidaas oo ay tahay haddana awood la sheegi karo kuma laha dawladda dhexe ee Federaalka, saamayna kuma laha siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIDA ITOOBIYA IYO XUBNO KALE OO TAAGEERAY MILLATERIGA ETHIOPIA 2020

MADAXWEYNAHA SOOMAALIDA ITOOBIYA IYO XUBNO KALE OO TAAGEERAY MILLATERIGA ETHIOPIA 2020

Xukunka waxa ku loollama saddex qoomiyadood oo kala ah Axmaarada, Oromada iyo Tigrayga waana sababta keentay dagaallada ka socda gobollo ka mid ah dalka.

Hadaba hirdanka hanashada awoodda dalka xaggee ayay Soomaalidu kaga jirta?

Aniga aragtidayda waa daawadeyaal waxayna sugaan hadba qoomiyadda dagaalka ku adkaata iyo gacan ku haynta awoodda dhexe. Waxaan xasuustaa bannaan baxyadii iyo rabshadihii 2016-2017 ee dhiigga badan ku daatay iyo iscasilaaddii ra’isal wasaarihii hore Hailemariam Desalegn si loo buuxiyo jagada ra’isal wasaaraha waxay qaadatay muddo laba bilood ah.

Muddadaa waxa socday wada xaajood iyo gorgortan ay ku wada jireen qoomiyadaha ku bahoobay xisbiga talada haystay ee EPRDF oo ay Soomaalidu ka maqan tahay. Cod kuma laha mana kala jecla ra’isal wasaaraha cusub ee la dooran doono markaa iyaga xaalkoodu waa ninkii hooyaday guursadaba waa adeerkay.

Sidaa daraadeed madaxda Dawlad Degaanka Soomaalidu Markasta waxay u diyaar yihiin fulinta ama dhaqan gelinta go’aannada iyo amarrada kaga imanaya Addis Ababa. Soomaalida Itoobiya dhulkooda, tirada dadkooda iyo khayraadkooda wax u dhigma maxay uga heli waayeen dawladda Federaalka Itoobiya? Miyaanay geyin ama gaadhi Karin derajooyinka ugu sareeya sida xafiiska ra’isal wasaaraha?

Akhriste waa dood furan iyo in su’aalahan loo helo jawaabo lagu qanci karo waxayse aniga ila tahay Soomaalidu in ay Power-ka marti ka sii ahaan doonto iyo xataa meesha lagu gorfaynayo arrimaha iyaga u gaarka ah sababahan awgood:-

Dhaqanka siyaasadda Itoobiya awoodda waxa lagu qaybsadaa Qoomiyado waana waddada siyaasiyiintu u marto in ay gaadhaan mansabyada sarsare, Soomaaliduna uma habaysna qaab qoomiyadeed ee waa qabaa’il, waxa qudha ee ka dhexeeya waa magaca iyo Afsoomaaliga ay ku wada hadlaan. Qabiillo yaryar oo kala socda miisaan siyaasadeed kuma yeelan karaan Itoobiya.

Sabab kalena waxay noqon kartaa Soomaalidu si dhab ah uma aamminsana in uu yahay muwaadin Itoobiyan ah oo la siman kuwa qoomiyadaha kale balse wuxuu u arkaa in ay dalka ka xigaan iyaga. Si kastaba ha ahaatee Soomaalidu si ay doorkooda uga qaataan jihaynta iyo jaangoynta arrimaha siyaasadda Itoobiya waxa lagama maarmaan ah in siyaasiyiinta iyo waxgaradka Dawlad Degaanku ka shaqeeyaan in ay u hawl galaan abaabulka iyo dhismaha qoomiyad Soomaali ah oo miisaankeeda yeelata oo laga koro xinka iyo xifaaltanka qabiilka.

Waxa qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login