HIDDE-RAAC: Baroor-diiqda Imaam Maxamuud Jaamac Dhabarweyne (1)

Sida ay diinta Islaamku inna farayso, xaqa uu waalidku ku leeyahay ubadkiisa waxa ka mid ah:-

HIDDO-RAAC SICIID MAXAMUUD GAHAYR

  • In ay xidhiidhiyaan cidda iyo saaxiibbada uu waalidku leeyahay,
  • In loo duceeyo haddii ay geeriyoodaan,
  • In aan lagu odhan hadal adag waalidka
  • In loo samafalo marka ay gaboobaan
  • In hooyadu ka xaq badan tahay aabbaha saddex-laab iyo dayeello kale oo aanan halkan ku soo koobi karin.

Darraad oo bisha Abril ahayd 28kii April, sannadka 2008da waxay ii ahayd maalin tiiraanyo, taws iyo tacsiyeed. Farxad aan ku toosay ayaa mar keliya iga duushay, halkeediina waxa galay dayaan, dayaw iyo didmo nafeed. Waa war kollayba aan maqli lahaa, waa gantaal mar uun igu dhici lahaa, waa fallaadh cirka loo gano oo aan anba filashadeeda u heegan ahay. “Hebel baa go’ay” waa weedh inaga keenta oohin, duco, ammaan badan, cafis, ciilkaambi iyo caloolyow. Marna waa faraj, xilliyada qaar waxa aan u dabbaal-degaa in uu denbiile dhintay.

Ka warrama xasuusta ay ifka tageen Fircoon, Haamaan, Qaaruun, Reer Luud, Caad, Samuud, Namruud, Hitler, Xajaaj, Saddaam, Qaddaafi, Musalliini iyo qaar kale. Alle ayaa dadka kala xukumaya. Cid kasta oo dhimatay ma aha in la hafro “nin wanaagsan buu ahaa”. Waxa loo baahan yahay run-sheeg… Muxuu yidhi Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal maalintii uu geeriyooday Maxamed Siyaad Barre 02dii, Jeneweri/1995kii! Geesinnimada, hadal-caddaanta, daneysi-diidka, tanaasulka, haybadda maamulka, midaynta iyo han-sarreynta Cigaal ayaa naftayda deeqday. “Haddaan siyaasi noqon lahaa, waxa aan ku dayan lahaa Cigaal” ayuu yidhi Abu Cadnaan, Guddoomiyaha Damal-aqoondheerka SAM-KHAATUMO.

Waxa aan gelinkii hore ka qayb-galay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan xuquuqda beelaha Gabooye ka mudan yihiin bulshada Somaliland, kulanka si gaar ah waxa loogu marti-qaaday hal-abuurrada iyo saxaafadda. Urur la yidhaahdo SPS ayaa na casuumay. Farxad gaar ah ayay ii ahayd in saaxiibkay Kamaal iigu yeedho ka-qaybgalka munaasibadda, waxa uu weliba igu yidhi “Curiye weyn iyo gabyaa magac leh inoogu yeedh”.

Si aan u hubiyo waxa aan kala doorransiiyay dhawr “ma hebel, ma hebel, ma hebel, kee u yeedhaa kala xulo” ayaan idhi. “Abwaan, Qoraa, Indheer-garad, Dhaqan-yaqaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) haddii aad heli karto waa muhiim imaanshihiisu” ayuu yidhi. “Alleylehe cid ka mudan ma garanayo. Halyeey, hanad, hawlkar, nabadshe iyo waaniye ayaad ii astaysay. Codsigeenna waan gaadhsiinayaa. In uu aqbalayana waan hubaa” intaas ayaan is-weydaarsannay.

Alleylehe waxa la ii diray saaxiibkay rumaad! Nin wacadka oofiya! Ballan-dhawre wakhtiga ilaaliya! Halgamaa wakhtigiisa u hura in uu ururiyo dhaqanka, sooyaalka, suugaanta, qoraalka iyo dhaxalka ummadda Somaliland. Abwaankii bilaabay in hawraar, gabay iyo maanso loogu hiiliyo bulshada uu ku dhacay takoorka ka arradan diinta Islaamku. Kaddib markii aan khadka taleefanka kula xidhiidhay waxa uu Yuusuf-Shaacir i weydiiyay xog ku saabsan hawsha lagu qabanayo madasha imaanshaheeda aan ugu baaqay. Kolkii aan faahfaahin rasmi ah siiyay waxa uu igu yidhi “hawraarsan iyo waan imanayaa haddii Alle idmo”.

Waa markii koowaad ee an ka qayb-galo munaasibad lagaga hadlayo Xuquuqda Beelaha Gabooye! Weligay tix iyo tiraab midna uguma hiilin walaalahay! Weligay ma qorin sooyaal iyo suugaan ay leeyihiin ama loogu hiilinayo! Weligay dood, deeq iyo dirir midna kuma gargaarin! Aniga ayaaba ka mid ah daallimiinta Somaliland ee geya in ay maxkamad soo istaajiyaan! In ay la xisaabtamaan! Inay fagaare kula shiraan! Abbaaro 11:30 subaxnimo ayaanu ku kala dareernay annaga oo ballan-qaadnay wax dhegta maqasha ee Isaaq, Samaroon, Ciise, Dhulbahante, Warsangeli, Fiqishinni iyo beelaha gobta sheegtaaba ka didayso!

Riyo iyo kaftan ayay qaar moodayaan in hadhcad lagu guursan doono hablaha Gabooye! Waa yool rumoobaya haddii Alle idmo! Waa halgan aan hirgelintiisa u huri doono naf, maal, murti, aqoon, muruq iyo maskaxba! Alla maxaynu magac-beenaad aan diinta meelna kaga jirin asteynnaa: midgaan, yibir, yixir, sab, laandheere, laangaab, Habar magaadle, Habar Xabuusho, qansax, qudhac, gun, gob, samaanyo-qaate, ma geyno, beel-weyne, sab, tumaal, huuhaa! hafar iyo hadimo qiil la’aan ah samaynaa! Maxaynu naqaan fadwo aan ficil wadan!.

Hore ayaan ka fuulay kaare (garande) aan watay! Numberkiisu waa 41326! Alla jeceliyee muxuu xil iga furtay, waxa uu iga qaalisan yahay GMC, Layla Calawi, Surf iyo kuwa aanay xabbadu karin! Weligay ma iibinayo oo madxaf ayaan dhigi doonaa! Ma gaadhiga ay ila raaceen Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir, Adeerkayga rumaad Khadar Maxamuud Jaamac (Khadar Beyle) Mustafe Maxamed Cabdi (Jannaale), Maxamed Saleebaan Cumar (Madaxweyne) iyo mudan kale! ayaan lacag ku doorsadaa! Kkkkk weligayba ma iibin agab an leeyahay. Qarnigii hore ayaa la iigu dhigay “hu’gaaga iyo hoygaaga midna laguma hodmo”.

Annaga oo maraynna agagaarka beerta xorriyadda Hargeysa oo ay ila socdaan Abwaan, Jilaa, Maansayahan Siciid Ibraahin Dool (Gurey) iyo Abwaan, Qoraa, Suldaan Maxamed  Aw Cali Cartan (Hal-deeq) oo dhawaan caano-shubkiisu ka dhici doono Hargeysa, Sallaxley, Oodweyne iyo Burco insha Allah ayuu taleefan igu soo dhacay. Ciddii aan u jeclaa in ay i soo wacdo ayaa ila soo hadashay, warkii iigu naxdinta badnaana waa la ii sheegay. “waxa geeriyooday Imaam Maxamuud Jaamac (Dhabarweyne)” “Alle ha u naxariisto, halkee laga qaadayaa” “Jameecada” “Waan imanayaa hooyo. Xaq weeye”.

Gurey iyo Haldeeq ayaan ku nabaadiineeyay kaabiga Hadhwanaag Hotel. Xafar ayaan karaarshaha ku cadaadiyay lugta midig! Biriishka, dunbuluq iyo Jiic-aboorka ayaan xawaare ku dhaafay. Jameecada kolkii aan u weeciyay shookaanta ayaan miyirsaday! Hore ayaan u socday. Saa waa bulsho ay isu keentay murugadu! Macallinkaygii Luqadda Carabiga iyo maamulahaygii Dugsiga Cumar Binu Khaddaab, oo hore loo odhan jiray “Maroodi-jeex” Md Cabdirashiid ayaan arkay “Macallin ii warran?” “Waa nabade sideed tahay?” “Khayr weeye. Muddo ismaynu arag, waanse kuu iman doonaa haddii Alle idmo. Goorma ayaa la qaadayaa?” “Salaadda duhur haddii Weyne oggolaado”. “Xabaasha ayaan sii tegayaa” iyo qorashada taleefanka barahayga ayaan sahay ka dhigtay!

Axmed-Yaasiin Cabdiraxmaan Axmed (Dool) ayaanu is-raacnay! Hakad kooban oo dhexda ah awgii waanu habsaannay. Iyada oo la aasay Garaadsame Imaam Maxamuud Jaamac Dhabarweyne ayaan xabaashii gaadhnay. Inta aan dul fadhiistay ayaan u duceeyay, salaaddii jinaasadana waan ku tukaday isaga oo qabriga jiifa. “Aabbahaa saaxiibkii weeyaan” ayaa la igu yidhi sannadkii 2005ta markaas oo uu ka yimi dalka Sucuudiga. Waa laba gu’ kaddib geeridii Abu Maxamed, Maxamuud Gahayr Warfaa oo “Kabadheere” ku nabad, cisi, caano, caqli, cuud iyo caano-maalay!

La soco haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

Facebook: Imaam Udubsoor Kabadheere

Akadamiga Suugaanta, Sooyaalka iyo Cilmi-baadhista ee SAM-KHAATUMO

Hargeysa/Somaliland.