Gabooyaynu Wada Nahay: Hal-abuurro Ballan-qaaday Inay Guursadaan Hablaha Beelaha La Haybsooci Jiray!

Abwaanno ballan-qaaday in ay guursadan doonaan Hablaha Gabooye iyo Boqor Axmed Oo Berri sheegay in uu Gabdhihiisa Bixinayo!

Kulan-aqooneed maanta lagu qabtay Emperial Hotel ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay abwaanno, madax-dhaqameed ka socday beelaha Gabooye, Suxufiyiin iyo Bahweynta Ururka SPS oo daaddihinayay. Intii ay dooddu socotay ayaa waxa laga sheekeeyay hayb-scooca iyo dhibtiisa waxaana la isla gartay in kala-guursiga beelaha Gabooye iyo bulshada Somaliland uu yahay dhibka ugu weyn ee jira.

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle oo ah hal-abuurkii bilaabay tixda Dulmanaha la quudhsaday ayaa ballan-qaaday in uu noqonayo ninka deyrkaas jebiya. Kaddibna waxa loo baratamay in ay labeeyaan hal-abuurrada kale ee madasha jooga. Boqor Axmed oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Gabooye ayaa sheegay in uu berri keenayo hablo uu dhalay oo uu siiyo abwaannada diyaarka u ah in ay ficil ugu hiiliyaan beelaha la quudhsanayay boqollaalka sanno.

Hal-abuurrada kale ee oggolaaday in ay guursadaaan hablaha berri la bixinayo waxa ay kala yihiin

Cabdirisaaq Maxamed Cabdillaahi (Oday)

Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq)

Siciid Ibraahin Dool (Gurey)

Siciid Maxamuud Gahayr

Maxamed Xasan Qodax

Meecaad

Muxiyaddiin Cabdiraxmaan Muxumed (Dalmar)

Cabdiweli

Mawliid Xuseen Cali

Siciid Yuusuf

Axmed Xasan

Cabdiraxmaan Siddiiq Cabdillaahi

Sidaas darteed ayuu maansadan guubaabada ah u tiriyay Imaam Hargeysaawi

Gabooyaynu wada nahay!

Golihii abwaankiyo

Guurtida dalkaygow

Garashaday hal-doorkay

Gilgilshee tiraabtiyo

Tixda guulka oon-qaba

Gabayada ku soorow

 

Gabooyaha waxgaradkii

Garabkooda joogow

Geesi Yuusufkii dood

Giraamaha wareejow

Go’aankii dadnimadaad

Geesi tahay horseedoo

Garab waxanu kuu nahay

Geestaada joogee

Guurkaagu waa kow

Gabooyuhu dabbaal-dege

Gureyow labaad tahay

Haldeeq waa u garab hiil

 

Qodax waa garaadsame

Oday waa gabbood dhaba

Meecaad gunuuskiyo

Gefka wuu ka diriraa

Dalmar waa gob iyo waran

Gaashaan an jebi karin

Cabdi-weligu goornaba

Dulmi uma gargaareen

Mawliidna waa geed

Galool iyo intii wacan

 

Axmed guushi waa taas

“Galac” tidhi haddeertee

Gooso khayrka Eebbiyo

Galladdiyo wanaaggoo

Weligaa ha gamashiyin

Gabashadu Siciidow

Waa astaan giriif mudan

Axmedow go’aankii

Gudbiyee ogsoonoow

 

Gahayr waa nin wacad-qaba

Dib-u-gurasho waa been

Gabooyaynu wada nahay

Gobsoor iyo dad aan geyin

Kala-gooniyawyee

Gabdhihay necbaysteen

Guursada dhammaantiin.