Tacsi: Geerida Marxuum Barkhad Maxamuud Cakuush

Siciid Maxamuud Gahayr, Axmed-Yaasiin Cabdiraxmaan Axmed (Dool), Abshir Askar Maxamed, Macallin Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi, Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan, Mustafe Axmed Keyse, Faysal Xiis Weerar iyo dhammaan maamulka, macallimiinta iyo ardayda dugsiga sare ee Quulle Aadan waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay Marxuum Barkhad Maxamuud Cakuush oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. 
tacsi1
 
Si gaar ah waxa aanu dhambaalkan u gaadhsiinaynnaa Ismaaciil, Xamse iyo Isaaq Maxamuud Cakuush. Waxa ay Alle uga baryayaan in uu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaan ummaddana samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa lillaah wa innaa ilayhi raajicuun.