XUSUUSTA Prof GEES iyo Tabihii Siyaasadeed ee Madaxweyne Cigaal u isticmaali jiray Aqoonsi-raadinta Somaliland

Prof Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah Aqoonyahanka Somaliland isla markaana ah qoraa ka hadlay wadciga hadba taagan, ayaa qormadiisa 28aad ee taxanihiisa DHARAARO XUSUUSTOOD ku soo qaatay farsamooyinkii siyaasadeed ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u adeegsan jiray aqoonsi-raadinta Somaliland iyo xidhiidha waddamada Deriska ah.

geessss

cigaal1-1024x682


Prof Gees oo ka mid ahaa xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, waxa uu qoraalkiisa DHARAARO XUSUUSTOOD ku soo qaatay kulamo aqoonsiga Somaliland kaga wada-hadleen marxuum Cigaal iyo Reysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

Prof Gees waxa uu ku bilaabay sidan: “Gabriel Garacia Marquez , oo geeriyooday bishan,waxa uu ahaa qoraa caan ah oo u dhashay dalka kolombiya (Colombia) ee ku yaal Latin America . Waxa uu ku guulaystay Abaalmarinta Nobel ee Suuganta sannadkii 1982 ,sheekadiisa  caanka noqotay ee la yidhaahdo  “Boqol sanno oo Go’doon ah”, ama  afka qalaad ku ah “One hundred years of solitude” waxa loo tarjumay 37 Af, waxa laga iibsaday 30 Malyuun oo nuqul. Odhaahda kor ku xusun isaga ayaa yidhi. Nolosha ku soo marta inta aad ka xusuusatid iyo sida aad u xusuusatid ayaa ka micno leh. Wixii aad illowday dee illowday waxba kuguma kordhin. Sidaas darted ila deeho dharaaro xusuustood. Waa 26 March 2002 iyo caasimadda dalkaas Itoobiya ee ugu dad, xoolo, dhul , biyo iyo beero badan  Geeska Afrika. Waxan ka mid ahaa wefdi uu horkacayey  Mudane Marxuun Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, aniga oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliland.   Laba jeer oo hore oo kala ahaa 1998  (wasiirka Qorshaynta) iyo 2000  (Wasiirka maaliyadda ) ayaan Marxuun Cigaal u raacay dalkaas Itobiya . Waqtiyadaa waxa Itoobiya inta badan laga hadli jiray wax wada qabsiga dhinacyo badan sida: korontada, bangiyada, dekedaha, waddooyinka, diyaaradaha iyo qunsuliyadaha. Wax badan ayaa ka hirgalay, wax badanina waa dhinnaayeen.

 “There is always something new out of Ethiopia.” Aniga dhinacayga markasta wax igu cusub ayaan ka ogaadaa  Itoobiya.  Waxa Marxuun Cigaal noo sheegay in markii uu  ka noqday Jamhuuriyadii Soomaaliyeed Wasiirka Kowaad (Prime Minister)  inuu hagaajiyey xidhiidhkii ka dhexeeyey Itoobiya iyo ganacsigii iyo isu-gudubkii. Waxa uu soo jeediyey in laga fekero nidaam maamul oo la wada samaysto si wax loo wada qabsado sida Midawga Yurub oo kale waqtigaas. Waxa kale oo uu noo sheegay in markii askartu xidhay ee ay la wareegtay taladii dalka uu reerkiisu joogay Jeneefa, dalka Iswiserland. Waxa ka war helay Boqor Haile Salasse,  deeto safiirkiisii Jeneefa joogay ayuu amar ku siiyey inuu reerkii u tago oo waxay u baahan yihiin u qabto. Hase yeeshee marwadii Cigaal ayaa markuu safiirkii u tegay ku qaylisay oo tidhi “Maxaa xabashi ii soo arkay.”

Waxa jirtay sannadkii 1995-kii in Marxuun Cigaal warqad u qoray Meles Sinawi oo uu u soo jeediyey in Soomaaliland Iyo Itoobiya uu dhexmaro xidhiidh Confederation ahi. Arrintaas markaan weydiiyey diplomat Itoobiyaan ah waa uu ii xaqiijiyey, waxase uu igu yidhi waxa uu Cigaal ku rux-ruxanayey dalalka Carabta ee kama dhab ahayn! Mar kalena wefdi reer Israel  ah ayaa dalka soo boqday oo magaalooyin badan tegay. Taas oo Carabta diricyada iyo cimaamadaha qaadata ruxruxay. Waxa loo soo dhiibay Madaxweynaha Yemen ee waqtigaas Cali Cabdulla Salax soo jeedin ah waxa aanu idiin ictiraafi karnaa haddii aad sheegataan Jamhuuriyaddii Soomaaliya inaad tihiin idinka oo sidiinaas ah. Marka uu sidaas leeyahay waxa joogay madasha Madaxweynaha hadda  ee Yemen Cabdo Rab Mansuur oo markaas Madaxweyne Ku Xigeenka Yaman ahaa. Hore ayaa loo yidhi xaglo laaban xoolo laguma helo . Hadda  xaglo laaban ictiraaf kuma yimaado ee waxbaa  la dhaqdhaqaajiyaa.

Boqashada Itoobiya ee markan waxa ay ka dambaysay martiqaad iyo diyaarad loo soo diray  Marxuun Cigaal. Marxuuunku  waa xanuunsanayey, firfircoonidii ma jirin markan. Waxa uu nagu yidhi aniga iyo Axmed Yusuf Ducaale iyo Marxuun Cabdullaahi Askar. “Ninkan Sinaawi si cad ayaan ula hadlayaa , haddii aad I raacdaan , isna colkiisii ayaa soo fadhiisanaya , keli ayaan doonayaa inaan ka helo ee maanta iska joogaa”. Sidaas ayey keligood ku kulmeen.

Marxuun waxa uu noo sheegay markuu ka soo noqday kulankii aniga iyo Axmed Yusuf Ducaale, innuu  ictiraafka Somaliland  weydiisday Meles Sinawi iyo xukuumaddiisa. Waxa uu u sheegay in Meles arrintaas la qaatay hase yeeshee uu  ku yidhi horta arrinta ayaan u soo sheegayaa madaxweynayaasha South Afrika, Mbeki iyo Nigeria Obasanjo oo ay kulmayaan bisha May. Aduunyo baalaley, bishii Mey Marxuun Cigaal ayaa allaystay . Innaa  lilaahi wa innaa ilayhii raajicuun.

Nin la odhan jiray Cigaal Cali oo fardo badan ku dhaqan jiray Sanaag, ayaa saddex nin fardo weydiisteen. Labo ayuu fardo siiyey kii sadexaadna waxa uu u ballan-qaaday inuu gu’ga siin doono . Ninkii oo ballan-qaadkii ku soo sadcaalay oo dhexda soo socda ayaa loo sheegay geeridii Cigaal Cali. Deeto Gabay ayuu tiriyey.

-Geerida Cigaal Cali dishay

-Ee calaf sugaysaay ba’

-Anna caadlihii aan filanayey

-Iyo codsashadaydiiyeey ba’

Cigaal Cali inankiisii ayaa gabaygii maqlay deeto ninkii ayuu u yeedhay oo laba faras siiyey . Soomaaliland cidina uma yeedhin, ictiraafna ma siinin.

Waxse  la yidhi doqoni saafin carro loogu riday sed-bursiinyo ma mooddo. Laba mashruuc oo wax wayn ka beddeli lahaa xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland geeridii Cigaal ka dib oo hadda laga joogo 12 sanno waxa ku dhiiran waayey dawladihii ka dambeeyey. B)- Heshiishkii Sheikh Camuudi ee Dedekadda Berbera. T) Marine Cable telefoonka ah oo ay keentay Itoobiya oo ay lahayd shirkad Maraykan ihi ,oo iyadu maalgelinta lahayd,  dawladaha Soomaliland iyo Itoobiyana ay la lahaanayeen.  Muddo dheer ayaan dheesha iyo garoonka siyaasadda geeska afrika aan ku keli ahayn dhinaca Soomalida. Hadda waxa soo kordhay Dawlad Soomaaliyeed oo la ictiraafsan yahay oo Itoobiya ictiraafsan tahay oo ciidamadeedu joogaan oo waxay doontaba ay ka dhamaysan karayso. Dhinaca Itoobiya, waa madax cusub. Diplomaasi aan hore isu niqiin ayaan la sheekaystay, waxa uu ii sheegay in dawlad Soomaaliyeed oo la ictiraafsan yahay meeshii timi oo xitaa Somaliland ay ictiraafsan tahay oo wada hadal la gashay. Maxaa kuu baxay?!”