Siilaanyo Dhiib: Maanso Tacsi U Ah Sannad-guurada Weerarkii Wargeyska HUBAAL

Maansadan magaceedu yahay “Siilaanyo dhiib” waxa aan u tiriyay baroor-diiqda Wargeyskii Hubaal oo sannad ka hor lagula kacay isku day oo xagga Alle ka baaqday. Jawaabta xukuumaddu waxa ay noqotay xadhigga HUBAAL, sii deyntii eedaysanaha, iska hor keenka shacabka Hargeysa.

SIILAANYO

Waa dhacdo yaab lahayd! Waa astaan dulmi, maanta oo ay taariikhdu tahay 24kii, April 2014ka waxa aan caddaynayaa in aan si toos ah ugu biirayo siyaasadda si aan erey iyo addinba wax uga qaban karo dulmiga dalka ka jira.. Si ku-meelgaadhna waxa aan u hakinayaa naanaystii Hargeysaawi ee la ii yaqaannay. Ma sheegan karo Hargeysa, kumana faani karo in aan Hargeysa ku dhashay inta ay caasimadda ka dhacayaan falalka noocan ahi…

Waa kuwan saddaradii maansadu, waxa ay soo baxday saacad ka hor:

Anoo sebi ahaa

Dhaaxaan sawaxan

Dhegta saaqi jiray

“Wuu dhacay Siyaad

Siilaanyo dhalay

Sida dhibica roob

Soo dhigay Isaaq”

Saynle heesaynnee

 

Safaad daawadow

Saaka baaqu waa

Gu’ siddeentan baad

Subaxdani jirtoo

Safiirkii Cirriyo

Sareeduu Jamaal

Sanqadh baan maqloo

Sahan noo arkee

Siilaanyo dhiib

 

Rashiidow sinnaan

Somaliland

Sinnaan ugu adeeg

Same Xaashi iyo

Suryo-diid ha jiro

Siilaanyo dhiib

 

Waa bishaad sahwiga

Cabdigii sigtee

Sintuu kaaga jabay

Sanniftee abaal

Seef ku dhaawacdee

Siilaanyo dhiib

 

Waa bishaad sahwiga

Sur Caloolay keen

Sabaalaynaysee

Sannad-guuro wacan

Siilaanyo dhiib

Soljaay ogow

 

Waa bishaad sahwiga

Santaaggii Xirsiga

Nadra saamaxaad

Safis aan sugnayn

Sii-ay-dhii fartee

Siilaanyo dhiib

SOLJAAY ogow

 

Saynlow gobtii

Saraar waad xidhoo

Suubbaihii GARADAG

Silic baad baddoo

UDUB suuliyii

MAANDEEQ siree

DAWAN saarayow

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gobtii

XAQSOOR seef an geyin

Ku surgoysay waran

Sool lagu didshoo

Sallaxley shan mayl

Kuma sacabbisee

Siibatoo qaddee

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gobtii

So’ Gebiley kabo

Salaan kuu qiroo

Isa-seejintii

Seemaal mirtoo

Saluug beertay culus

Saymo baaqeyahaw

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Sawlow gob-aas

Sayid iyo HORYAAL

Neceb Seylacow

Talo saydhisee

Faysal soomisee

Sawir-muujiyaa

Kol ma saamacnee

Sax ma tihid malaha

Maxaa kaa silloon

Saanta waan arkee

Sidee bay waxyiin

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gob-aas

Saransareeyihii

“Saa” ma yeelannayiyo

“Saadambaad wax garan”

Saaryada qabiil

Rayaalii sudhee

Beeleyn sidkow

Saldhiggaagi noqoy

Sarakicidda layl

San lagaa qabsado

UFTA samirka daran

SULUB wuxu ku yidhi

“Imaad saamixine

Saydaanka naar!

Safxadaha kitaab

Saani maad u dhugan

Akhri suuradaa”

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gob-aas

HUBAAL waa sannaadh

Suuggu aanu karin

HAATUF waa sawaxan

Saska-beerihii

Runta saafayoo

UNIVERSAL seben

Seeto waan ka furi

GEESKU waa saf nool

Sadar aan demayn

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gob-aas

HORN CABLE sawd

Kol sabbaaxad qudha

Sibiq maaha wiil

Lagu sahayan karo

Sunuud iyo OGAAL

Sun ma quudatoo

Sarrif lama gadee

FOORow sawaxan

SAXANSAXO war sii

USJ sifee

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gob-aas

Jannaalow surmiye

HADHWANAAG ma solo

OODWEYNE suul

TOG ma saari karo

Lama seexsho QARAN

Sees aftahanews

HIMILADA sedka ah

Sekadaha JAMHUUR

Ma sal-guurayaan

YOOL waa sifaa

Sawrac aayatiin

Summaddii caqliga

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Sumeeyii CALOW

SSC berkado

Suus loogu daray

Kuma suurayaan

Saakadii shirkaba

TALEEX saanad culus

Sarreeyihiyo gaas

Kuma sahamminine

Suuree wax jira

Sahankii maxaa

“Sinniqsada” ku yidhi

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saadaashu waa cadliga

Cadligoo saldhiga

Sabo maamul iyo

Seeraha qasriga

SAAXIL oo mar kale

Dulmi siririsoo

Sida aan rabana

UDUB saanyatoo

Suldaan iga dhigtoo

Safka Agabareed

Salli ay dhigeen

Sanaag loola kaco

SANDULLO xil mudan

Sooryo looga dhigo

Saami DAAKIR helo

XAABSADE an sahal

Suudhki QEYBE lumin

Sin wakiilku yahay

SALEEBAAN u dira

 

Sinnaantuu FUAAD

Suuqyada Hargeys

DARWIISH sooggan yahay

Adoon siinnin miid

Summad weeye qaran

 

Suugaan inkier

Safar aanu garan

SOMALI PEN

Ku sulaaqayow

Siqitaanki XAMAR

Kii socdaalayow

Saxeexii axdiga

Sikinkii liqdee

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!.

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair