Imaamyada Ciyaaraha Somaliland: Gabyaaye, Kabtanka Maroodijeex iyo Goodir!

Mar kale iyo qoraalladii ku saabsanaa barbaarta Somaliland, waxa aynu ku soo qaadanaynnaa mid ka mid Imaamyada (hormoodka, xiddigaha) ciyaaraha kubbadda cagta ee dalkeenna. Haddii ay waddamada reer Yurub iyo Laatiin Ameerika ku faanaan ciyaaryahanno caan-baxay oo qaata malaayiin lacag ah, aniga waxa iiga mudan dhallinyarada ku nool waddankayga ee buuxiyay kaalintaydii ciyaartoy ee aan ka hadhay 20kii, Oktoober, sannnadkii 2003da.

IMG_0158_001

Kuwa aan hadh iyo habeen midna ka seexan tartannada gobollada, naadiyada heerka koowaad, labaad iyo saddexaad, isu-dhaweynta dhallinyarada, daaweynta colaadaha ku salaysan xaafadaysiga, is-dhexgelka da’yarta ku kala nool waaxyaha siddeeda ah ee Hargeysa, soo dhaweynta walaalaha ciyaaraha ee u kala goosha goonyaha carrigeenna.

Tartankii u dambeeyay ciyaaraha ee loo qabto gobollada Somaliland waxa uu ka dhacay caasimadda Hargeysa. Baratankii kubadda cagta waxa kaalinta koowaad galay xiddigihii ku dheelayay magaca gobolka Maroodijeex, waxaana koobkii si sharaf leh u bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku wareejiyay Kabtanka Kooxda Kubbadda Cagta ee Gobol-weynaha Maroodi-jeex Md Maxamed Xasan Maxamed (Gabyaaye).

Haddiiba la tartamo kollayba cid ayaa badisa, garina laba nin kama wada qosliso. Mar kastana waxa guulaystay muwaaddin u dhashay Somaliland. Natiijooyinkii lagu diirsaday ee tartankaas dhinacyada badan ka soo baxay waxa ka mid ahaa

1.      Koobka Kubbadda cagta waxa ku guulaystay xiddigihii Gobolka Maroodijeex

2.      Ciyaarta kolayga (basket ball) waxa hantay Gobolka Gebiley

3.      Dhinaca ciyaaraha fudud gaar ahaanna orodka waxa ku guulaystay Gobolka Daad-madheedh oo uu ka socday Jimcaale-yare

Allaylehe hadday cidi koobkaas guddoomi lahayd, waxa gacmihiisa kor ugu qaaday saaxiibkaygii dhallaannimo, hormood ka mid ah dhallinyaradii aanu ku wada kornay xaafadda New Hargeysa iyo degmadayda Gacan-libaax. Ciyaaryahan aan u qirayo inuu ku wacnaa dheelista kubbadda cagta illaa sannadkii 2000 inta aan ogaa, aqoonna u lahaa. Carabtu waxa ay ku maahmaahdaa “macrifatul-qadiim khayrun mina nasab” “qofka is-aqoonkiinnu horreeyo ayaa kaaga wanaagsan ka aad ehelka tihiin, weynidana aad isu barataan. Gabyaaye waa nin garan kara xilligii Siciid-sakaaro la i odhan jiray.

Kabtan Gabyaaye waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa hillaaddii bishii koowaad ee sannadkii 1986kii gaar ahaanna guri ku yaalla meel u dhow is-goyska waddada Sheekh Madar. Magaca hooyadii waa maamo Yusur Sugulle. Isaga oo labajir ah ayaa ay caasimadda Hargeysa ka dhaceen dagaalladii dib-u-xoreynta qaranku. Kabtan Gabyaaye waxa uu ka mid noqday bulshadii nasiibka u heshay in ay ka samatabaxaan colaadihii geyiga halakeeyay, waxaanay isaga iyo qoyskiisu u wareegeen magaalada Dulcad oo ku taalla Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Halkaas oo uu ka sii ambaqaaday hayaanka waxbarasho iyo higsiga nololeed

La soco qaybta 2aad.

Siciid Maxamuud Gahayr

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair