Ugaadhsigii Madaxweynaha: Isku day Dilal Qorshaysan….!

Ugaadhsigii Madaxweynaha: Isku day Dilal Qorshaysan oo Lala Bartilmaameedsaday Madaxweyneyaal Maraykan ah

Waa qormooyin si taxane ah ugu soo baxa Wargeyska JAMHUURIYA oo ka hadlaya dhacdooyin xaqiiqo ah oo ku saabsan dilal qorshaysan oo Madaxweyneyaal Maraykan ah lala beegsaday, kuwaas oo lagu daabaci doonaa buug la yidhaa Hunting the President oo dalka Maraykanka lagu soo bandhigay dhawaan.

Waxa turjumay: Ibraahim Khadar Siciid

Qormada 1aad

C1426-23

Waxaynu si kooban ugu soo qaadan doonaa buug xaqiiqo ah oo ka hadlaya isku dayo qarsoon oo lagu bartilmaameedsaday in lagu khaarajiyo Madaxweynayaal Maraykanka xil ka soo qabtay, kuwaasoo xataa ay ku jiraan qaar dhawaan xukunka ka dagay, sida George W. Bush iyo Bill Clinton.

Buuggan oo magaciisa la yidhaa Ugaadhsigii Madaxweynaha (Hunting the President) waa mid aan mala-awaal ahayn, balse ka waramaya xaqiiqooyin ku saabsan qorshayaal lagu doonayey in lagu khaarajiyo madaxweyneyaal kala duwan, loona geystay isku day dil iyo hanjabaado, kaasoo uu wax ka qoray khabiir iyo taariikh yahay la yidhaa Mel Ayton, dib u eegisna ay ku sameeyeen khubarada wargeyska New York Post, kaasoo si rasmi ah loo daabici 14 April 2014 oo ku beegan Isniinta maanta.

Hawgalkii lagu weeraray Madaxweyne Harry Truman

Shirqoolkii Madaxweyne Harry Truman

Taariikhdu markay ahayd 1 November 1950-kii waxa loo dhaqaaqay hawlgal dib u cusboonaysiin ah oo lagu samaynayo Guriga Cad ee dalka Maraykanka looga taliyo, waqtigaas oo uu dalka ka talinayey Madaxweyne Harry Truman, arrintaas darteed waxa madaxweynaha la dejiyey guriga la yidhaa Blair House oo ah aqalka martida ee Madaxweynaha Maraykanka, kaasoo ku yaal waddo u dhaw Guriga Cad.

Saacadu markay ahayd 2:15 pm gelin dambe ayuu Madaxweynuhu hurdo tegay, iskana seexday, balse mashaqadu waxay dhacday markii laba nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Puerto Rica, kuwaasoo kala ahaa nin 37 jir ah oo la odhan jiray Oscar Collazo iyo 24 jir la odhan jiray Griselio Torresola ay gurigii Martida e Blair House ka soo galeen dhinaca kale oo qarsoodi ah.

Wiilka 37 jirka ah waxa uu ku hubaysnaa qori noociisa la yidhaa Walther P-38, halka Torresola 24 jirka ahaa uu sitay qori la yidhaa Luger iyo baastoolad nooceedu yahay 9mm.

ninka la yidhaah Torresa waxa uu guriga ka soo weeraray dhinaca galbeed, halkaas oo ay iskaga horyimaadeen sarkaal ka tirsan bilayska Guriga cad oo odhan jiray Leslie Coffet, balse nasiib-darro sarkaalkan waxa markii toogtay wiilkan yar, kaa soo saddex xabadood ku dhuftay, halka ninka kale ee 37 jirka ah Mr. Collazo uu guriga ka soo weeraray bariga, gaar ahaan albaabka hore, kaasoo lugta ka toogtay sarkaal bilays ah oo la odhan jiray Donald T. Birdzell.

Hawlgalkan oo labada nin si cajiib ah u soo qorshaysteen, waxa uu ahaa mid aad moodaysay in ciidan badan soo qaadeen, kuwaasoo sarkaalka ay arkaan amma qofka ay arkaan xabada kaga horraynayey.

Xabadihii dhacayey waxa ku toosay Madaxweyne Truman, kaasoo eegay daaqada, waxaannu arkay sarkaal bilays ah oo dhaawaca, jiifana waddada, waxaannu daaqada kala soo baxay madaxa si uu weydiiyo qofka la toogtay, balse mid ka mid ah ciidammada sirdoonka ayaa Madaxweynaha u qayliyey, una sheegay inuu madaxa dib ula noqdo.

Madaxa Hay’adda Sirdoonka ayaa aakhirkii Madaxweynaha digniin siiyey ah inuu khatarta ku soo fool leh ka dhuunto, gaar ahaan wuxuu madaxweynaha ugu digay si aan masuuliyad weyn ka muuqan, halka Stewart Stout oo sirdoonka ah uu gudaha ugu jiray aqalka Martida ee Blair House, kaasoo halkaas ku sugaayey nimanka shirqoolka u socday, waxaannu sitay qorita daran-dooriga u dhaca ee Sub-machine Gun la yidhaa.

Collazo oo ka mid ah labada nin ee hawlgalka fulinayey ayaa markii waxa dhulka ugu tuuray wakiilkan sirdoonka ka tirsan, isagoo xabadii ku dhacday dartii ku hor dhacay albaabka dhismaha, halka Torressola oo ahaa ninkii kale uu toogtay askari kale,  balse Torresola waxa uu wax yar ka hor madaxa ka toogtay sarkaal la odhan jiray  Coffelt oo isku dayey inuu dalkiisa naftiisa u huro, kana hortago khatarta qarankiisa ku soo fool leh.

Nimankan oo dhaawaca ayaa muddo 10 daqiiqo kadib ah waxay arkeen Madaxweynaha iyo xaaskiisa oo ka sii baxaya albaabka midig ka xiga oo ay jiifeen si ay ugu sugaan Madaxweynaha, balse aakhirkii dhaaacii soo gaadhay iyo ciidammada oo soo batay ayaa gacanta lagu dhigay.

Dhacdadan oo aad uga nixisay Madaxda iyo ciidammada Maraykanka, isla markaana isu haystay inay yihin kuwa ugu awoodda badan xagga ilaalada madaxdooda, ayaa ku noqotay fashilaad ceeb ah oo ay ka baqeen in dunida ay gaadho, iyagoo badankeedii dhacdadaas daboolka saaray. Laakiin, waxay iftiinka u soo saartay in si kasta oo loo ilaaliyo madaxda haddana gal-daloolooyin la heli karo ilaalada oo khalad yar uun gasha.

Aakhirkii ragga waxa lagu soo gaadhay iyagoo dhaawac ah, isla markaana waxa la keenay Maxkamada oo dambigoodii ku qaaday.

Dhacdadan waxay ka mid tahay dhacdooyinka uu sida qotada dheer uga warramay buugga Hunting The President, sida caadiga ahna Madaxweyne kasta waxa u yimaada kumanaan hanjabaado ah oo qaar badan la isku dayo, qaarna aan laba dhaqaajin, waxaanay in lagu guulaysto ku xidhan tahay ciidammada ammaanka ilaaliya siday u dhisan yihiin amma xil iskaga saraan inay ka hortagaan khatar kasta oo ku imaan karta ammaanka Madaxweynaha iyo qadarka Alle oo aan la hor istaagi Karin… la soco qaybaha dambe oo si taxane aannu akhristayaashayada ugu soo gudbin doono shabakadda wargeyska Jamhuuriya ee www.jamhuuriyamedia.com.

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin qoraaga turjumay iyo wargeyska Jamhuuriya oo aannu ka soo xigannay.