TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN ..Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, uu ka baxay Marxuum Axmed Maxamud Xandule (Gocase)  oo ku geeriyooday 20/04.2014, Magaalada Hargeysa.

tacsi1

Waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa Walaalkii Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule, ALLE ha u naxariistee marxuumkaasi oo ahaa odayaashii aqoon yahankii dalkan wax badan ka soo qabtay horumarkiisa iyo nabadiisaba.

 Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

  IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.