Hoggaanka Xisbiga UCID Oo Tacsi U Diraya Marxuum Maxamuud Xasan Xaaji Aadan

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali-Waraabe, Murashaxa jagada madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa jagada madaxwe ku-xigeenka Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, Siciid Maxamuud Gahayr, dhammaan hoggaanka, guddiga fulinta, golaha dhexe iyo taageerayaasha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelku  Waxa ay halkan tacsi uga dirayaan qoyska, qaraabada iyo ehelada uu ka baxay marxuum Maxamuud Xasan Xaaji Aadan oo maanta (20kii April, 2014) ku geeriyooday magaalada Hargeysa, Eebbe ha u naxariisto. 
tacsi1
 
Waxa aan dhambaal gaar ah gaadhsiinaynnaa  Dr Fuaad Cabdisalaan Xasan Xaaji Aadan iyo  Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xaaji Aadan.. Waxa ay Alle ka baryayaan in uu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumka, dhammaan ummaddana uu ka siiyo samir iyo iimaan

innaa lillaah wa innaa ilahyhi raajicuun!