Somaliland: halista ku gedaaman Xoriyada ka-foojignaanta la’aanta COVID19?Faallo

Filed under: Aragtida Bulshada |

W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Todobaadkan waxa afar jibaarmay tirada dadka laga helay cudurka Corona Virus gudaha Somaliland, iyadoo dhimashaduna ay sidaasi si lamida u korodhay.

Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa lagu sheegay in laba maalmood oo is-xigta oo kaliya cudurka laga helay 22 Qof, halka Wadarta guud ay caga-caganayso 43 ruux, dhimashaduna 5 qof.

Sida lagu xaqiijiyey xogta Wasaaradda, guud ahaan dalka waxa cudurka laga baadhay 406 oo qof kaliya wixii ka horeeyey 11 bishan May, kuwaasoo sida kor ku xusan 43 kamida laga helay, waxaanay taasi hadda ka dhigan tahay in ugu yaraan boqolkii qofba uu mid kamid ah qabo xanuunka (1%).

Natiijada heerkan ah ee sii kordhaysaa waxa ay muujinaysaa in cudurkani uu si’ baahsan ugu fidayo dalka amma goor horeba uu ogaanshiyo la’aan ugu faafay, maadaama oo wadarta dadka la baadhay iyo tirada laga helay ay min-qiyaas ka bixinayso khatar aad u heer saraysa oo bulshada dhex mushaaxday.

Haddaba, iyadoo sida la dareemayo cudurkan safmarka ahu uu la-falgalay dad badan oo ay dhici karto in uu gobolo isaga gooshay, walina heerka baadhistu aanay ahayn mid tiro badan gaadhay amma u socota hannaan qof iyo qof loo wada gaadhi karo dadweynaha ku dhaqan gobolada waddanka, xadiddan yahayna awoodda qaranka ee lagu fulin karo baadhitaan guri, guri ah, isla mar ahaantaana aan wax la taaban karaa iska-bedelin hab-dhaqankii bulshada ee lagu xakamaynayey cudurka, sida isu-ururkii oo aanay xataa joojintii Jaadka iyo awaamiirta joogtada ah ee dawladdu aanay wax muuqda ka bedelin, taasoo hal bacaad lagu lisay ka dhigaysa wacyi-gelinta labadii bilood ee u dambeeyey socotay oo aan loo kala hadhin madaxweyne iyo musheekh, walina dedaalkeeda lagu jiro, maxaa la gudboon dawladdu in ay samayso? ma in ay sugto alle kama dhigee inta ay dadku tarab-tarab u soo daaddanayaan, dhimashaduna noqonayso sidii adhi sumbay ku habsaday? mise waxa haboon in ay iminka qaado talaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo ka-hortagga faafista cudurkan?

Inta aynaan Su’aashan ka jawaabin bal aan isdul-taagno sida uu iminka xaalku yahay ee xagga dhaqdhaqaaqa bulshada, dabaaqada talooyinka ay bixinayaan khubarada caafimaadka ayaa ah mid aan sidii loo baahnaa iyo si’ u dhow toona loo fulinin.

tusaale ahaan, Isticmaalka agabka ka-hortagga ayaa ah mid aad u liidata,waxaana dadweynaha suuqyada caasimada Hargeysa maraya lagu arkayaa qof qof gafuurka soo duubtay iyo midh-midh gacmaha ku xidhan qalabka difaaaca, iyadoo dhinaca goboladana la qiyaasi karo in ay aad u hoosayso ku-dhaqanka farriimaha caafimaadku.

Sidaasoo ay tahay, lama odhan karo dadku may helin amma lama gaadhsiin digniin ugu filan ka foojignaanta cudurkan, waxaana xusid mudan in warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda Caafimaadka ay ku lamaan yihiin kelmadaha talo-bixintu cisho kasta, sidoo kalena qalabka warbaahinta ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ayey ka socdaan barmaamujyo iyo farriimo ku taxaluqa xakamaynta aafadan dunida ku habsatay ee Covid19.

Hase ahaatee, waxa iska cad in ay jiraan dhego-adayg, inkiraad iyo dhoohanaan ay shacabku isku-dhaafinayaan waxa loo sheegayo iyo waanooyinka joogtada ah, taasoo iyaduna dhibaato salka ku haysa dabeecad xun iyo madax adayg caado u ah in badan oo kamida dadweynaha.

Geesta kale, iyadoo khatarta caafimaad ee sidan u cabsida iyo walaaca xooggani jirto, labada todobaad ee soo socda iyo iminkadan lafteedaba waxa sidii caadada ahayd sanad walba wakhtigan oo kale camirman suuqyada waaweyn ee lagu Iibiyo Dharka iyo alaabooyinka kale ee la isticmaalo ciidaha, suuqyadaasoo ceeryoon noqda maalmaha diyaar-garowga munaasibad Ciida, isla markaana qaab fudud uu cudurkaasi ugu faafi karo, iyadoo ay xilligan u badan yihiin shacabka suuqyadaasi dhex mushaashaxaya dadka ugu nugul bulshada oo ah Waayeel Waalid ah iyo Carruur yar yar oo la-dalan-dalinayo dariiqyo usha cirka loo tuuraa aanay dhulka ku dhacayn saxmad darteed.

suuqyada Hargeysa ee Waaheen iyo Gobanimo, waa meelaha ugu mugga weyn ee kulmiya dadweynaha ugu baaxada culus, sidaas awgeed haddii uu qof cudurka qabaa hore u dhex tegay amma uu maalmaha soo socda dhex galo sida ay xaqiiqadu tahay qaraxa ugu weyn ee cudurka Covid19 halkaas ayuu dhici doono, sababtoo ah waa xayndaab cidhiidhi ah, huur badan, waana meel aanay ku suurto gelayn kala fogaada, ha istaabanina iyo nadaafadi toona.

Sidaas darteed, Suuqyadaasi iyo kuwa kale ee lamidka ah oo ay xataa ku jiraan dukaamada waaweyn ee ay ka adeegtaan dadka dabaqaada sare ee wali sidii caadiga ahayd loo gaalaa-baxayaa waxa ay hoosaasin iyo hoy uu ku dhuumanayo u yihiin halista dunida oo dhami la halgamayso ee Corona Virus, waxaana hubaal ah haddii si dhakhso ah wax laga qaban in sida bushqado alaab ah looga daldalan doono dhexdooda xidhmooyinka Fayriskan.

Su’aasha ah sidee wax looga qabanayaa, sidiise umadda lagaga badbaadinayaa halista ku gedaaman gooban, waa su’aal kale oo iyaduna ku lamaan waydiimaha hore.

Si kastaba ha ahaatee, goldaloolooyinka aynu sheegnay ee sida sahlan u saacidaya faafista cudurkan, waa kuwo loo haysto fursado kooban oo wax lagaga qaban karo, kuna soo uruurayaan jawaabaha su’aallaha aynu isweydiinay iyo kuwo kale oo laga yaabo in aanan xusin oo aad idinku qabtaan.

Marka ay jirto dhibaato leh saameyn wadareed oo lamida Corona Virus amma colaad naadir ah, qiimaha dhimashada qofkuna u jabnaato cadowga, xalku waa in aad sicirka ugu sareeya geysaa qiimaha nafta! taasina waxa ay ku imanaysaa in meesha laga saaro dhamaan waxyaabaha nusqaaminaya qiimaha badbaadinta.
Sida ay dawladdo badani kaga guulaysteen saameynta caafimaad ee cudurkan, dadka qaybtiina ay aaminsan yihiin, waxa daruuri ah in ay xukuumadda Somaliland, cudud iyo ciidan ku xadiddo xoriyada ay dadweynuhu haystaan ee ay nololshooda ugu khamaarayaan, isla markana kor loo qaado dhawaqa iyo dhaqaaqyada xakameynta cudurka.
Guddida heer qaran ee xakamaynta iyo ka-hortagga Covid19, waa in ay awaamiir deg deg ah ka soo saaraan alle inaguma keenee masiibada ka dilaaci karta suuqyada cidhiidhiga ah ee dalka oo dhan magaallooyinka waaweyn ku yaalla, isla markaana awaamiirtaasi ku lifaaqaan qaabka ugu macquulsan ee ay bulshadu ku heli karto adeegyadii suuqyada iyo macdaarada loo tegayey, suquuqulba ha noqotee.

Dhanka kale, si isu-ururka iyo buuqa dadweynaha meesha looga saaro waa in ciidamada booliska lagu fasaxaa shaaracyada iyo goobaha bulshadu ku kulanto, isla markaana si dhab ah oo ficil la adeegsanayo lagu dhaqan-geliyaa Bandoo soconaya todobaad iyo wax ka badan oo lagu xakamayn karo in uu xawaare deg deg ku faafo caabuqa dilaaga ah ee dalka gudihiisa ku jira oo haddaan iminka ka-hortaggiisa gacan bir ah lagu maamulin  riiqdiisu hadh beeli doonto.

Ciidamada, madaxda laamaha dawladda iyo cid kasta oo gacan siin kartaaba iyagoo adeegsanaya xeelad iyo xoog hadba kii mudan, waa in ay shacabka si run ah uga dhacsiiyaan in lexejeclada naftooda looga qaaday xoriyado badan oo aasaasi ah, dadkuna ay dhego furnaan la yimaadaan.

S kastaba ha ahaatee, halista ku gedaaman Xoriyada ka-foojignaanta la’aanta COVID19, waa mid soo ifbixinaysa cawaaqib xumo aan loo maaro helin marka ay jebiso afaafka ka-hortagga ee ugu muhiimsan shaqada la qaban karo xilligan.

W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa/Somaliland
Email: curad1986@hotmail.com

Share this:

You must be logged in to post a comment Login