‘Waxaad Dhitaysa -taan, Dhaxalkiisu yuu noqon mid aad dhami kari weydaan !’

W/Q: Mustafe Axmed Keyse (Mak) . Waxaan Salaamayaa dhammaan umada Reer Somaliland guda iyo dibadba meel ay joogaan waxaanan leeyahay Hambalyo Hambalyo Sanadka Cusub ee Dhalanaya illaahay hayna gaadhsiiyo hana inooga dhigo mid aynu ka helno Bashbash iyo Barwaaqo iyo Ictiraaf khayr leh oo inoo sida khayr dhammaantii insha Allaah Bi`idnillaahi Kariim wallaalayaal sanadka cusub 18/May/2014 isugu Hambalyeeya kal iyo laab.

MUSTAFE AXMED KAYSE MR MARK

Waxaan nasiib darro aad u wayn ku tilmaamayaa waxyaabaha ka taagan guud ahaan wadan keennan Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Madaxdeennu Muxaafid iyo Mucaarid siday wax u wadaan maanta oo aan ku tilmaamayo inay Shacabka aan ka midka ahay ee Sharafta, Cissiga, Qiimaha iyo Karaamada leh ay Caqligooda caayayaan oo aan odhan karo hadalkoodu wuxuu u muuqdaa kuwo inaga lib haysta innaga.

Tusaale ahaan waxaa wax lala yaabo ah masuuliyiin teennan hadh iyo habeenba lasoo taagan hadallo 100% xaqiiqada ka fog oo aanu qof iimaan leh oo caqligiisu shaqaynayaa qaadan karin Subxaanallaah.

Haddaba, waxaan halkan ku soo qaadanayaa dhacdadii ugu danbaysay ee magaaladdan Hargaysa ka dhacday maalintii Axadii ee 12/04/2014 oo ay Ardayda Jaamacadda Hargaysa Mudaharaad ay kaga cabanayaan dhaqaale lagu kordhiyay ku soo bandhigeen cabashadooda kadibna loogu jawaabay cabudhin ay kow katahay rasaas nool iyadoo intii la qabqabtayna loo taxaabay saldhigyada dawladda isla markaana.

Lagu eedeeyay inay ku kaceen arin qaldan oo ay amniga khal-khal galinayeen cabashadooduna ay ahayd mid aan sharci ahayn oo gaf iyo kibir ku salaysan waana ta keentay inay illaa hadda xidhan yihiin ku dhawaad 45` kamid ah ardaydaas la qabqabtay isla markaana masuuliyiintii ka hadashay xadhigooda iyo cabasha doodaba ay isku raaceen inay ardaydaasi qaldanaa yeen oo aanay xaq u lahayn inay ka cawdaan lacagta fiiga ah ee lagu kordhiyay Jaamacaduna ay xaq u leeday inay lacagtaa kordhiso qasabna ay tahay.

Wallaalayaal waxaan usoo jeedinayaa Jaamiciyiin, Waxgarad, Mutacallimiin, Aqoonyahan iyo Haldoorba dhammaan Masuuliyiinta maanta Bulshadan xilka u haya gaar ahaan intiinna ku shaqada le waxbarashada Mudanayaal iyo Marwooyinba waxaanu shacab ahaan idiinka fadhinaa wax barasho bilaash ah ee idiinkama fadhinno inaad is barbar dhigtaan goobaha waxbarasho ee ganacsiga ah ee dalka ku yaalla waana idinku ceeb inaad warbaahinta la soo fadhiisataan Jaamacad heblaayo intaasaa Semester.kii laga qaadaa ardayda annana intaas ayaanu kaqaadnaa idinkoo is bidaaya inaad wax wanaajiseen oo wax qabad iyo horumar u soo kordhiseen bulshada balse Nasiib darro waxay idiinka fadhido bulshadu iyo taasi waa laba arimood oo aad u kala fog maadaama oo ay bulshadu maanta idinka sugayso wax barasho bilaash ah.

Muwaadiniin-tayda qaaliga ah Wallaalayaal waxaanan jeclaan lahaa mudanayaal iyo Marwooyinba aduunku maanta waa wada indho oo waa aakhiru samankii sabigaa indha leh oo wax arkaaya sabigaa dhago leh oo wax maqlaaya ee ka fiirsada intaydaan falin aduunka war iyo sheekaa ka hadha ee war wanaagsani haydinka hadho Bulshada Reer Somaliland guda iyo dabadba way idin arkayaan idin maqlayaan idin eegayaan waanay idiin hayaan waxaa dhitay-sataan ee dhaxalkiinu yaano noqon middaa dhami kari waydaan mustaqbalka dhaw oo idinku dhadhan xumaada.

Allaa Mahad Iska Leh

Mustafe Axmed Kayse ( Mr. Mak)

Muwaadinka Dhabta ah.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.