Xisbiga UCID oo Tacsi diray

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali-Waraabe, Murashaxa jagada madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa jagada madaxwe ku-xigeenka Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, Siciid Maxamuud Gahayr, dhammaan hoggaanka, guddiga fulinta, golaha dhexe iyo taageerayaasha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelku waxa ay tacsi u dirayaan qoyska, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo ku geeriyooday magaalada London maanta (15/April/2014). Waxa ay Alle ka baryayaan in uu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumka, dhammaan ummaddana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

innaa lillaah wa innaa ilahyhi raajicuun.

tacsi1