Waa yaab!…Waa yaab!

Faallo: By: Prof. Qaasim Sheikh Ibraahin Tubeec“Wasiirada Waxbarshada Waxaan Ugu Baaqaya Inay Noqoto Hooyo Ubadka Aqoonyahanka Ah U Damqata”.  Qaasim Tubeec

Waxaan la yaabay, Madaxda Sare ee Waxbarashada iyo Barbaarinta ardayda  ee amray in rasaas nool lagu rido ubad da’doodu ka yartahay labaatan sano jir, oo usoo socday inay u dacwoodaan kana hadlaan siday  u damaqday lacagta Jaamacadda lagu kordhiyay ee aanay qaadi Karin, isla markaana wasiiradda waxbarshada Somaliland ay ku tiraabtay inay ardayda sida salmiga ah dareenkooda uso bandhigayay ay yihiin QARAN-DUMIS. Iyada oo aan la gayn maxakamad kusoo oogta dacwad ka dhana inay yihiin QARAN-DUMIS.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Bulshayahay bal ila arag. Goorma la odhan kara qof waa QARAN-DUMIS? waa kuma QARAN-DUMIS? Ma is waydiisay Wasiiradda Waxbarshada Somaliland waxay u taqaan QARAN-DUMIS?  Waa kuma  qofka lagu tilmaami karo inuu yahay QARAN-DUMIS? Maxaa lagu qeexa QARAN-DUMIS? Xeer ciqaabeedka qeexaya  QARAN-DUMIS muxuu yahay?

Aqoon ahaan iyo aragti ahaan anuu sibaan u aqaan QARANDUMIS, Wasiiradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland si ayay u taqaana QARAN-DUMIS?

Waxaan u aqaana QARAN-DUMIS “dad abaabul galay oo hub iyo saanad urursaday weerarna ku qaaday dad nabada oo degen, Qaranimada iyo jiritaanka Somaliland wiiqay.

QARAN-DUMIS lama odhan karo lagumana tilmaami karo ardayda muwaadiniinta ah oo da’doodu tahay labaatan jir oo ka dacwoonaya madaxda Jaamacadda ee lacag-doonka ee aan tixgalin duruufaha iyo danta taala dalka Somaliland. Ardaydaasi hannti dawladeed iyo hanti shacab midna lama sheegin inay wax yeeleen, waxayse u socdeen Wasiiradooda waxbarshada inay u dacwoodaan, wax hub ah oo nabad galyada iyo amniga waxyeeli kara gacantooda laguma arag ardaydaas, waxaanay usocdeen si nabad gelyo ah oo asluub iyo aqooni ku dheehantahay. dadweynoow ardaydaas maku xukumi lahaydeen QARAN-DUMIS. mase uquudhi lahaydeen ubaxa dalka in loo adeegsado eraygaas gefka ah.

Wasiir caruurta rasaasta loo quudhay waa kuwa gurigaaga jooga oo kale, ubadkaagu markay qaldamaan rasaas daayo dhirbaaxo uma quudhid.

Wasiir hab-dhaqanka carruurta kuu soo dacwoonaysay aad kula dhaqantay ma aha mid ummada Somaliland ay ku farxeen.

Sidaa awgeed wasiirada waxbarshada waxaan ugu baaqaya inay  xilkeeda u gudato si xilkasnimo ah oo ay noqoto hooyo ubadka aqoonyahanka ah u damqata.  wasiir illahay haku garansiiyo xaqa kaa deden.

Alla Mahadle.

Prof. Qaasim Sheikh Ibraahin Tubeec

Hogaanka Sare ee Xisbiga WADDANI

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.