Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi diraya

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN .. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Cabdikayd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo ku geeriyooday Hargeysa maanta 20/03/2015, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kaleba ka mid ahaa ganasatada dalka ugu taariikhda weyn oo uu ilaa hada ka mid ahaa marxuumku.

madaxweyne-siilaanyo3

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir ka baxay dalka taariikh ma guurta ahna ku lahaa halgamadii kala duwanaa iyo marxaladihii  uu dalku soo maray oo uu door muhiima ku lahaa wakhtiyadaa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.