Xoog iyo Caadifad Shaqayn Mayso ee waa in la Helo Sharci Lagu Ciqaabo Dadka Somaliland ee u Goosta Soomaaliya

Filed under: Aragtida Bulshada |

Dadka bani’aadamka ahi waxay u dhasheen ama Ilaahay (SWT) u abuuray inay caqli ahaan iyo jidh ahaanba xor noqdaan, iyagoo jecel inay rabitaanka iyo doonistooda u gutaan hadba sida ay ula qurux badnaato, iyadoo aan fikirka iyo hab-nololeedka dadka lagu xakamayn karin xoog loo adeegsado iyo caadifad lagu maaweeliyo.


Hasayeeshee, dadka waxa lagu xakamayn karaa, wanaagga iyo xummaantana loogu qeexaa shuruuc iyo xeerar loo sameeyo oo qof walba og yahay inuu yahay shaqsi maskax ahaan iyo jidh ahaanba xor u ah rabitaankiisa, balse dhinaca kalena waa in qofku ogyahay ciqaabta iyo dhibta uu la kulmi karo haddii uu ka gudbo xuduudaha loo dhigay, sidaa darteedna ay cid walba u caddahay tallaabooyinka uu qaadayo ama go’aananda uu gaadhayo waxa uu kala kulmi karo shar iyo khayrba.
Haddaba, sida laga ogyahay waxa jira dad kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin, madax-dhaqameed, saraakiil ciidan iyo xubno hal-door ah oo u dhashay, kana soo jeeda dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo u goosta (defectors) dhinaca dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaasoo shaaciya inay ka noqdaan mabda’oodii Somaliland-nimada, isla markaana ku dooda inay ka shaqaynayaan figradda midnimada Soomaaliya, iyadoo ujeedooyinka ugu waaweyn ee ay ugu goostaan Xamar ama Garoowe ay tahay dano gaar ah oo ay ka waayeen Somaliland, waxayna qaarkood muddo kadib haddana dib ugu soo goostaan Somaliland, kadib marka ay lumiyaan danahoodii gaarka ahaa ee ay ka heleen Soomaaliya.
Dowladihii kala dambeeyey ee Somaliland, waxay cafis iyo saamaxaad u fidiyeen shaqsiyaad hore u goostay oo xilal kala duwan ka qabtay Soomaaliya, kuwaasoo marka ay soo noqdaan haddana xilal looga dhiibo Somaliland ama ka mid noqda xisbiyada siyaasadda ee ka jira dalka, iyadoo aynu ognahay in shaqsiyaadka noocaas ah ay ku kaceen falal khiyaamo qaran ah oo gef ku ah qarannimada iyo madaxbannaanida dal ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Shaqsiyaadka reer Somaliland ee u goosta Muqdisho ama Garoowe, waxa ay si cad ugu gefeen tilmaamaha ku cad qodobbada koowaad iyo labaad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaya qarannimada Somaliland, labadaas qodob oo u dhigan sidan;
QODOBKA 1AAD
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobonnimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Woqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaaliya 1dii July l960-kii, si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday goonni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99l-kii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madaxbannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qarannimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.
2. Awoodda iyo karaamada Qarannimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.

QODOBKA 2AAD
DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30′ Woqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45′ ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga, jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).
2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad Ia wadaagtaa dhinaca Woqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.
3. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.”
Haddaba, waxa aan ku talin lahaa in la sameeyo sharci ama xeer lagu ciqaabo shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta ka goosta dalka Somaliland, una goosta dalka Soomaaliya (Somaliland defectors), kadibna halkaas xilal siyaasadeed ka qabta ama si furan u caddaysta inay beddeleen mawqifkoodii Somaliland-nimado, iyadoo uu dal kasta oo caalamka leeyahay sharci u gaar ah oo uu kula xisaabtabo ama ku ciqaabo muwaadiniintiisa u goosta dal kale oo ay cadaw yihiin (enemy state).
Golayaasha Qaranka iyo Hay’adaha Sharci-dejinta ee dalka Somaliland, waxa looga baahan yahay inay curiyaan, kadibna dhaqan-geliyaan sharciga ka dhanka ah muwaadiniinta u goosta Soomaaliya (anti-defection law), kaasoo waajibinaya in kolba Maxkamadda arrintiisa khusaysa isagoo maqanne ah la saaro muwaadinkasta oo u goosta Soomaaliya, kadibna xil ka qabta ama ka mid noqda Golayaasha Qaranka iyo Hay’adaha Dowliga ah ee Soomaaliya, ciidammada Soomaaliyo ama iyo qofka intuu Xamar tago halkaas la soo fadhiista cayda iyo dagaalka ka dhanka ah madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kadibna lagu rido xukun khuseeya dambiga uu galay ee khaayinul-waddanka ah, isla markaana shaqsiyaad la geliyo buugga madaw (black list), lagana mamnuuco in aannu weligii xil muuqda iyo xil qarsoonba ka qaban dalka Jamhuuriyadda Somaliland, xiitaa haddii uu cafis soo waydiisto dowladda Somaliland, lagana aqbalo.
Muwaadinka dhabta ah waa qofka dalkiisa ugu noolaada si xor ah, haddii uu xil hayo iyo haddii aannu xil haybna, haddii uu shaqo helo iyo haddii uu bilaa camal noqdaba, una hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee u yaal dalka, balse muwaadin maaha qofka marka uu dhib yar dareemo ama dantiisa gaarka ah waayo isku daya inuu khiyaameeyo dalkiisa hooyo, kadibna shaqo u doonta dal kale oo cadaw ku ah qarannimada Somaliland, iyadoo aan liiskan dambiilayaasha ah lagu darayn dadka muwaadiniinta ah ee sida caadiga ah safar ugu taga Soomaaliya, isagoo u socda shaqo ama ganacsi gaar ah oo ka madaxbannaan arrimo siyaasadeed ama ciidan, balse xeerkani waxa uu gaar u noqonayaa muwaadiniinta xilalka ka qabta Soomaaliya ama si furan meelo fagaare ah uga caddaysta inay ka goosteen Somaliland.
Haddaba, qaabka loo soo bandhigi karo hindisaha qabyo-qoraalka sharcigan muhiimka u noqon doona qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa lagu qeexay qodobka 74-aad ee dastuurka Somaliland oo ka hadlaya soo bandhigidda mashruuci sharci, kaasoo u qoran sidan;
QODOBKA 74AAD
SOO BANDHIGIDDA MASHRUUC-SHARCI
Mashruuc-sharci waxa Golaha Wakiillada u soo bandhigi kara
1. Golaha Xukuumadda
2. Tirada Xubnaha Golaha Wakiillada ee xeer-hoosaadka Goluhu qeexo.
3. Muwaadiniin Ieh xaqa cod-bixinta, tiradooduna aanay ka yarayn 5000 (shan kun ) oo qof, waxaana ka reebban mashruuc qaanuun-maaliyadeed.
Haddaba, waxa loo baahan yahay in si degdeg ah sharcigaas loo sameeyo, si loogu ciqaabo dadka siyaasiyiinta ah iyo shaqsiyaadka kale ee reer Somaliland ee u goosta Soomaaliya, xukunkooduna iyagoo maqanne ah dhaco, iyaguna ay ogaadaan inay yihiin dambiilayaal aan wax mustaqbal dambe ah ugu hadhin dalka Jamhuuriyadda Somaliland, haddii aan sharcigaas la helina arrintani waxay noqn doontaa waddo iska furan oo aan xoog iyo caadifad lagu xakamayn karin.
Waxa qoray Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login