Isbedelka Cimiladda: Khatar Aan  La Yareysan Karin…”Qallinka Cabdifataax Shaafi

Filed under: Aragtida Bulshada |

Isbedelka cimiladda adduunka ayaa waqtigan ah khatarta ugu weyn ee werwerka ku haya aaddamah. Abaaraha dabada dheeraaday,Daadadka halaagay nolosha dadyow badan ,Fulkaanayaasha dilaacaya maalin walba, Hawada sii wasakhoobeysa,Heerkulka sare u sii kacaya iyo Gubidda dhirta ayaa la tuhunsan-yahay in ay yihiin natiijadda cimiladda isbedeshay taas oo uu aaddamuhu qeybta ugu  weyn ka qaatay.

Xaalufinta deegaanka oo xawli sii noqoneysa isticmaalka gaadiidka faraha badan ee hawada u diraya hawada wasakheysan ayaa iyaguna leh saameyn taban oo aan la yareysan Karin khatarteedda.

Arrintanni waxay sababtay in waddamo badan oo caalamka ku yaalla dadka ku nooli ay aad ugu soo horjeedsadaan kuwaas oo mudahaadyo waaweyn ku muujiyey dareenkoodda ku wajahan xaaladda ka sii daraysa ee ay keentay isbedelka cimiladu dunniddu.

Hadaba haddii aan u daadego waddankeennu waxa uu ka mid yahay meelaha ay saameynta ku yeelatay isbedelka cimiladda adduunka ee watigan kor u sii kacaysa, taas ay sabab u tahay xaalufinta deegaan si dhuxul looga sameeyo, waxaad arkeysaa dab aad u waaweyn oo meelo badan oo ka baxsan Magaaladda Hargeysa ka ololaya oo samayay qiiq hawadda isu-shakaalay. Waxaad arkeysaa hogog aad u waaweyn oo loogu tagalay in lagu guro geedaha la gubayo, godadkan sidda la ii sheegay waxay ugu yaraan qaadaan in ka badan lab boqol oo geed, taas oo u dhiganta keyn dhan oo waqti dheer baxaysay.

 Geedaha ugu badan ee inta badan la gubaa waa Qudhaca, Maraaga, galoolka iyo geedo kale ayaa ugu badan kuwa maalin walba la gubo oo xaabbo laga dhiggo.

Sida aynnu la wadda socono xukuumadda ayaa sannadkii hore saxeexday xeer kaas oo uu Baarlamaanku ansixiyey, xeerkaas oo mamuucaya ka ganacsiga dhuxusha kaas oo aan wali natiijadii laga rabay keenin.

 Arrimaha aadka kaaga nixinaya ayaa ah in Akedemiyada nabadda iyo horumarintu warbixin ay soo saartay, kaas oo ay ku sheegeyso in sannad walba magaalada Hargeysa oo kali la keeno 2.5 milyan(laba milyan iyo shan boqol oo geed) oo dhuxul ah.

Xaalufinta dhirta ee maalin walba waxay sababeen abaaro dheeraaday kuwaas oo sahaydey nolosha xoolo aad u fara-badan. Kumanaan dad ah oo ceydhoobay ayaa meelo badan oo dalkeenna ka mid joogga kuwaas oo ay ka madheen xoolihii ay intifaaci jireen.

 Dadka aqoonta u saaxiib ahi waxay qabaan in mar walba oo ay yaraadaan ilaha baadku ay keeni karo cuduro iyo waliba dagaalo keeni karo khasaare kale.

Ugu dambeyn waa maxay? waxyaabaha inla gudboon si aynnu ula dabaalanno ama ugu yaraan aan u yareyno saameynta xowliga ah ee uu isbedelka cimiladu innagu yeelanayso.

 Sameynta wacyi-galino dhowr ah oo lagu barayo dadka in aan la jarin dhirta iyo soo rogidda xeer ciqaabeedka ka dhalan doonnaa qofka lagu heli in dhirta jaro. Beerida dhirta in la dhiiri-galiyo ayaa iyaddanna ahaa qoddob bundhig u noqon karra ka hortagga isbedeladda cimiladda ee dalkeenna.

Xaaladda Isbedeladda cimiladda ayaa shir dhawaan ay isugu yimaadan Qaramadda Midoobay laga soo saaray xaaladda cimiladda iyo waxa laga dhaxli karro:

1-Baddaha oo soo fatahaya iyo xoolaha oo sii dhammaanayaa

2-Hawadda oo xumaatay, daadad iyo Abaaro iyo Macaluun

3-Abuurka Beeraha oo lumay

4- Biyo la’aan waajahaya afar jibaar dadka dunnidda

Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka Somaliland Shukri oo dhawaan u warrantay Idaacadda VOA- ayaa walaac ka muujisay isbedelka cilmiladda “Dhirta iyo xaalufinta maanta taagan ayaa qayb-ka ah isbedeladda cimiladda, waayo had iyo jeeraale waxaynnu ku tiirsannahay waa roobabka. Waayo waxa isu-xidhan cimiladda iyo xaalufka maanta taagan. Ayay tidhi Shukri 

Dhinaca kale, Xogta, oo ay soo ururisay Ururka Saadaasha Hawada Dunida (WMO), ayaa sheegaya in shanta sanno ee u dhexeysa 2014 illaa 2019 ay ahaayeen kuwii ugu kululaa abid.

You must be logged in to post a comment Login