Boogaha Siyaasigu Ku Reebo Qallin-jabinta. Qallinkii Cabdifataax Shaafi

Filed under: Aragtida Bulshada |

Waxaa sannad walba dhamaysta heerarka Waxbarashadda ee jaamacadaha Arday kor u dhaafaysa 15-kun oo Arday, kuwaas oo ku soo biiraya suuqa shaqo raadiska ah. Iyaddoo  dalkeenna heerka shaqo la-aantu ay marayso  75% , taas oo dhibaato weyn ku ah Dhalinyarada kunna kalifaysa in ay badhkood ka hayaamaan oo ay tahriib maciinsadaan, iyagoo ay maskadooda ka guuxayso su’aalo badan oo aynna wax jawaab ah u haynin.

Haddaba, Akhriste  waxaan rabaa in aad maanta halkan ku soo gudbiyo mowduuc aan is idhi waa muhiim,  waa loo u baahan-yahay in laga darreen celiyo kaas oo  ku waajahan Siyaasiyiinta dalka.

Runtii waa waxa lagu farxo in dhalinyaro badan oo Waxbaratay ay dalkeenna maanta ka buuxaan iyadoo ay sannad walba soo badanayaan jaamacada dalku.  Waxaad arkaysaa dhallinyaro ku labbisan dharkii lagu yaqiinay maalmaha xafladaha qalin-jabinnada Jaamacadaha kala duwan ee dalka,  dhallinyaradan oo aad wejigooda ka dheehanayso farxad maadaam ay gaadheen qaar ka mid ah Himilooyinkii iyo Hayaankii waxbarsho ee ay soo waddeen muddo aad u dheer. Haddanna aad dareemayso in ay is wayddiinayaan su’aalo fara-badan oo ay qarsanayaan oo ku waajahan sida uu u ekaan doono mustaqbalkooda dhaw, taa bedelkeeddanna ay muujinayaa farxad aan wejiga dhaafsanayn. Sida xaqiiqda ah maadaama uu dalka Somaliland uu yahay dal aan wali la Aqoonsan, Isla markaanna aan lahayn Wax-soo-saar ku filan waddanka bal iskaba da’a in wax loo dhoofiyo dibadd,balse taa bedelkeedda ay heerka Qabyaaladdu ay xadhka goysay,walina loo la’yahay wax maara ah.

Balse dhallinyaradanni nasiib-wanaag waa ay ka dheragsan-yahiin dhamaan xaaladahan aan kor ku soo xusay, laakiin dhallinyardanni maadaama ay ku cusub-yihiin suuqa shaqo raadinta ogna in ay wejihi doonan carqaladdo aad u fara-badan waxa ay aad ugu ooman-yihiin bal haddii wax kale la tahli waayey in ay helaan tallooyin ku waajahan mustaqbalka dambe ee fooda ay is dari doonaan in loo hoggo -tusaaleeyo oo lala dareen ahaado, maadaama ay marxalad cusub ku soo biirayaan iyagoo ka soo baxay marxalado kale, hiigsanayana mustaqbal wanaagsan, maadaama ay dedaal soo  muujiyeen lanna soo dabaasheen nolol qaadaa ma dharge ah oo la kowsatay ilaa dhalashadoodii, balse ku han-weyn in mar uun ay ka bixi doonaan ayaa waxay goobaha xafladuhu noqdeen meel ama goobo ay isu ballansadaan Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadu kuwaas haddalo aan wanaagsaneyn iskul dul-dhacaya kuwaas oo midba midka kale uu isleeyahay kaga horreeyo. Waxaan aad ula yaabay iyagoo aan xitaa hambalyo odhan ardeyda fadhidda meesha ayey isku miisayaan Daacaayado aan meelna haysan.

Waxaa kacaya xisbi hebal oo aad moodo in uu u hamuum qabo oo kaliya ah caayida xisbi hebal, markaasuu odhanayaa xisbi hebal waa sidan iyo sidan isagoo hilmaamsan goobta uu ku sugan yahay markaasu kii kalenna kadaba kacayaayoo isaguna kii ka horeeyey ku miisayaa, hadda garoo waxa leysku haystaa madasha iyo ardaydda ma metelaan khuseeyaan.

Hadaba, su’aashu ma tahay anshax ahaan meeshanni meel leysku weeraro inay tahay?, Maxayse ku reebi kartaa ardayda hayaanka iyo geeddi-ga waxbarashadda wadday ? Mise waa meel u baahan dhiirigelin iyo siddee shaqo loogu abuura oo rejo iyo himillo loo tusaa jiilka hoyga waxbarashadda la noqday?

Haddaba aan su’aalahan mid mid isu  dul taagno innaga oo ay u jeeddadeennu tahay in arrimahan soo noq-noqday ee foosha xun laga waantoobo. Sida aan kor ku soo xusay  waxyaabaha inna ragaadiyey waxaa ka mid Qabyaalada iyo heerka ay maanta inla marayso, taas oo u baahan in si wada-jir ah wax looga wada qabto. Arrintani waxa ay soo fadh fadhi kartaa waxyaabo badan oo aan dawlad aan u wanaagsaneyn maadaama ay maanta warbaahinta aad loo casriyeeyey, dalkeennuna uu wali curddin yahay aan wali socod barran unna baahan in la taban taabiyo.

Dhaliisha baddanni waxay nabar qarsoon ku tahay dhallinyaradan curddinka ah ee rabba in ay beegsaddaan nolol heegsigeeddu dheer-yahay, si loo haleelo tusaallooyinka aan kor ku soo xusay, ku koobnow ujeedda goobta, iskunna day in aad yarayso farqiga kala fogaanshaha ummadda midnimadda iyo wadda-jirka ku ukuntay dawladnimadda iyo wax-wadda-lahaanshaha.

Dhawicida fakrada ka dhex guuxaya Ardeyddan waa masiibo weyn oo dhamaan inna wadda samaynkarta, qaran ahaan iyo bulsho ahaanba. Marka goobtan oo kale la joogo waxay loo baahan-yahay in dhallinyarrada lala darreen ahaado loona amaano dalkooda, maadaama ay dhallinyarradu yihiin ubaxii dalka iyo mustaqbalkiisa berri. waxaa loo baahan-yahay in si wanaagsan looga faa’iidaysto awoodahooda jidheed ama maskaxeed. Is-dhaleecaynta axsaabta dhexdooda, isku eedaynta in mid waliba fashilmay, waxay abuuri kartaa niyad-jab nafsi ah, cuqdad uu dadka qaar u qaado  iyo kala taageeridda axsaabta uu mid waliba rabbo inuu mar uun dalka Hoggaankiisa qabto. Laakiin aan cid kale dan ka lahayn,  taas oo aan aragney midhaha aynnu ka dhaxalnay ee ay inna baday.

La-waagidda fakradaha iyo khibradaha ay dadka qaar soo mareen waxay caawineysaa waajihida mustaqbalka ku soo fooda leh, waxaaney u fududeyn kartaa ka jawaabida su’aalo badan oo ay lagama maarmaan tahay in ay jawaab u helaan. Waxay caawineysaa ku dhiiranaanta iyo kalsoonida aad moodo in ay ka maqantahay qaar ka mid ah dhallinyarradeenna, waxayna abuureysaa currinta fakrado cusub oo wax-soo-saar leh iyo la jaan qaadidda dhallinyarrada adduunka ee sida wacan loogu badhaadhay.

Guntii iyo gunaanadkii mowduucayga, waxaan rabaa in aan tallo ahaan u soo jeediyo in aynnu wadda ilaashanno maskaxda fayow ee ka madhan dhamaan xannuunada kala duwan, si loo gaadho badhaadhe waaba haddii la rabee, lagana daayo dhallinyarada haddimooyinka qarsoon ee aad mooddo in qeyba geed lagu xidhay, lanna rabo in lagu faafiyo xannuuno aan daawo laheyn,taas oo looga dan leeyahay danno gaar ah. “Ogow siyaasigu waa Waraabe waxa uu rabaa maalin walba wax uu cunno iyo wax uu dhaco” shaqadiisa ugu weyn ee uu hayaanna waa kala qeybinta dadka iyo isku dirkooda, taas oo isaga faa’iido u ah.Balse jiilka mustaqbalka iyo himilooyinka foggi u muuqaadan aan dan nololeed ugu jirin. Laakiin siyaasiggu waaka marka uu olole ku jira isu-xoqa reernimadda oo sii kala dheereeya jiil waxbarashaddu isu-mowqif ka dhigtay.

 

 

You must be logged in to post a comment Login