Somaliland: Saxafiga iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay

Filed under: Aragtida Bulshada |

saameynta u nuglaanshiyaha isbedelka siyaasadda iyo deegaan-warbaahineedku ku yeeshay waayaha saxaafadda somaliland iyo daalaa-dhaca Mulkileyaasha Telefishannada gaarka loo leeyahay…Warbixin

Tobannaan Suxufi oo isugu jira barmaamuj-sooreyaal, war jeediyeyaal, wakiil wareedyo iyo sawir-qaadeyaal, ayaa Somaliland kaga shaqeeya duruuf aan u saamaxayn mustaqbal wanaagsan iyo deegaan ku haboon ku shaqaynta mihnaddooda.

In ku dhow 20 warbaahin Telefishan oo isugu jira qaar laga leeyahay qurbaha, kuwo laga leeyahay Somaliland iyo gobolada kale ee Soomaalida ayaa xarumo waaweyn iyo xafiisyo wakiil ku leh caasimada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka, waxaana u shaqeeya boqolaal qof oo u badan dhalinyaro soo kacaysa nolol iyo mustaqbal raadis ah.

Hannaanka shaqo iyo wax-soo-saar ee suxufiyiinta iyo warbaahinta ay u shaqeeyaan waxa uu sanadihii u dambeeyey u sii nuglaanayaa ku shaqaynta hadba saameynta uu ku yeeshaan hab-dhaqanka iyo xaaladaha ka jira deegaanka ku gedaaman,taasoo soo uruurisay doorkii saxaafadda kaga aaddanaa ama ay ku lahayd ilaalinta danta guud, haggida aragtida bulshada iyo hogaaminta jihadaha horumarka.

Waxa ay ku milmeen qaybaha siyaasadda, qabaa’ilka iyo doc-wareemada dib-u-dhaca sababta u noqda, tanina waxa ay jirtaa xilli ay xifaaltan dibada ugu soo baxeen xaqleyaasha Hay’addaha warbaahinta ee kala duwan, kuwaasoo labadii sannadood ee u dambeeyey si tartiib-tartiib ah ay u saamaynaysay siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee bedeshay maamulkii Axmed Siilaanyo oo uga debecsanaa dawladda iminka talada haysa.

Isbedello badan oo ku yimi illihii dhaqaale ee ay dawladda ka heli jireen, deegaan-wareedkii ay ka shaqaynayeen iyo tiradooda oo badatay, ayaa sabab u ah duul-duul iyo daalaa-dhac bilihii u dambeeyey ka muuqda mulkileyaasha iyo madaxda xarumahooda ee ayidsan, waxayse ku dheellayaan xayndaab ay ku wada jiraan boqolaal dhibaneyaal u ah oo ay maskaxdooda, muruqooda iyo mihnadooda ku macaashaan, iyagoon wax xuquuq ah kaga bedelan, taasoo uga dhigan in ay geedi u rarrayaan reer aan lahayn gaadiid uu ku guurro.

Xaalada Suxufiyiinta iyo Mulkileyaasha ay u shaqeeyaan..

Suxufiyiinta kala duwan ee ka shaqeeya qalabka Warbaahinta ee gaarka loo leeyahay oo isugu jirta mid dalka laga leeyahay iyo mid soomaaliya laga leeyahay 70% wax mushahar ah kama qaataan xarumaha ay u shaqeeyaan ee waxay ku nool yihiin oo nolol u ah kharashka laga qaado wararka iyo Barmaamujyada kale ee ay soo qabtaan lacag yar oo ay qadar ku leeyihiin, taasoo aan celcelis ahaan ku soo uruurin karno (30%).

Waxa xaqiiqo ah in aanay Maamuleyaasha iyo mulkileyaasha qalabka Warbaahintu wax daryeel iyo horumarin ah u samaynin dadka u shaqeeya, isla markaana intooda badani aanay ka fekerin mustawaha iyo mustaqbalka qofka soo gala xayndaabkooda, balse ay ka fekeraan uun wuxuu iyaga u qabto ee uu u soo saaro lacag iyo Barmaamujyo.

Telefishannada laga leeyahay Qurbaha ama Koonfurta Soomaaliya waxa ay kaga sii xag-jiraan in aanay is aqoonin shaqeeya iyo loo shaqeeyuhu, iyadoo taa bedelkeeda qofka wakiil maamulka u ahi uu dadka u shaqeynaya isagu qorto isaga oo aan wax heshiis ah la gelin, shaqadana geliyo isagoon qofka waxba uga kordhin siyaasadda Hay’adda uu ka shaqaalaysiiyey, shaqeeyuhuna wax xuquuq ah oo loo ogolaaday aanay jirin, in xooggiisa iyo xirfaddiisa lagu macaasho mooyaane.

Mararka qaarkood waxa kale oo in badan dhacda in xirfadlaha la qaadanayo lagu xidho in uu haysto qalab, qalabkaasoo markuu soo qaato ka mid noqonaya hantida ay ku shaqayso hay’addu, iyadoo qofkii lala wareegay isaga iyo qalabkiisu aan wax dheef ah la siinayn, waana siday u badan yihiin wakiil-wareedyada iyo farsamo-yaqaanadda u joogga Telefishannada oo dhan.

Qodobka kale ee isna xaasaasiga ah ayaa ah in ay fududdahay sida uu shaqeeyuhu kaga howl-galo iyo sida uu kaga tagaaba hay’addaha Warbaahinta ee aan ka hadlayno, taasoo sababtay in xirfadluhu sanad qudha u kala gudbo shan hay’addood.

Sida loogu shaqaysto suxufiyiinta ee hadimooyinka loogu hogaamiyo, isla markaana arrimaha halista ah loogu dhiiri-geliyaa, waa shaqo faa’iddo ay ku raadiyaan mulkileyaasha qalabka warbaahintu, waxaana qayb ka ah xeeladdaha lagu rux-ruxdo Dawladda.

Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in aan wax soo-saarka sida khaaska ah ay u wataan mulkileyaashu aanay hor-istaagi karin maamuleyaasha iyo Tafaftireyaasha Warbaahintaasi, waxaana dhici karta ama jirtaba in mararka qaar ay qorshaha ku wada socdaan mulkilaha iyo maamuluhu, wariyuhuna yahay jille aan go’aan iyo talo lahayn ee wax loo diyaariyey loo dhiibay, tafaftiruhuna uu yahay magac-u-yaal wax-soo-saar kasta aan looga baahnayn in uu waajibkiisa ka guto, sida ay dhigayaan shuruucda caalamiga ah iyo kuwa dalka ee masuuliyaddiisa qeexayaa.

Suxufiyiinta u joogga warbaahinta gaarka loo leeyahay gobolada ka baxsan caasimadu, way ka sii duruuf adag yihiin dadka ka shaqeeya Hargeysa iyo deegaamada la biyo caba ama ku hareeraysan, sidaasoo ay tahayna cidna uma maqna ceelna uma qodna, nololshooduna waa meehanow iyo maalin-dagaal.

Arrimahan iyo kuwo kale oo badan oo aynaan qalin iyo qormo ku soo koobi karin ayaa udub-dhexaad u ah isku-dhacyada, xadhiga iyo xad-gudubyada kale ee ay weheshadaan xirfadleyaasha qaranka Somaliland ka sugo war dhexdhexaad ah iyo wacyi-gelin bulshadu hesho.

Arrimahan, ayaa naaqusay tayadda wax soo-saarka warbaahinta gaarka loo leeyahay, kana dhigay meel la’aad iyo xasaraddayn meel xun iyo meel san-ba laga raadiyo waxa bulshada loo baahinayo.

Ma dhaqaale la’a Shirkaddaha Warbaahinta ee ay shaqaalahoodu dulmaneyaasha u yihiin, waxaase xusid mudan in ay jirto aqoon iyo waayo-aragnimo la’aan haysata badankooda mulkileyaasha oo ay dheertahay siyaasad la’aan iyo qorshe la’aan marka horeba lagu furto shirkaddahan shaqada xaasaasiga ah haya.

maqnaashiyaha doorka dawladda , dayaca ururrada iyo suxufiyiinta is la’

Sidaas marka ay tahay, waxa meesha ka maqan waa doorkii dawladda ee la xisaabtanka mulkileyaasha Warbaahinta, dhibirsanaantii Ururrada metela saxaafadda iyo xisaabtankii Suxufiyiinta xooggooda lagu shaqeysto oo iyagu isu qoolay marxalada ay ku jiraan, sumcaddii bulshada dhexdeedana lumiyey. xadhiga wariyeyaashu haddii uu beri ahaa mid sumcad lagu helo, hadda waa sumcad dil. xoriyada suxufiyiintu hadday shalay ahayd mid la difaacdo iminka waa mid dhinac waliba kaskii aaso.

Ugu dambeyn talo waxay taagan tahay, in ay Dawladda iyo Ururrada daneeyayaasha ahi hoos eegaan xaaladda Saxaafadda madaxbanaan ee dalka ka shaqaysa iyo in xirfadleyaasha la rartay ay hubka dhigaan oo ay hay’addaha qaranka ka raadsadaan gargaar sharci oo gacan ku siiya sidii xuquuqda ka maqan ay u heli lahaayeen.

FG. haddii aanay dawladdu qaadin talaabooyin deg deg ah oo ay wax kaga qabanayso caqabadaha badan ee kor ku xusan iyo kuwo hoos marka loogu sii dhaadhaco horyaalla, waxa inoo muuqata in aan xal laga gaadhi karin dhibaatooyinka ina xoqaya ee ku gedaaman muraayada qaranka Somaliland laga daawado.

By: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login