Haddaba, taxanaha lagu metelo dalka Ingiriiska ee ka baxa Universal TV ee Kaaf iyo Kala-dheeri, marka laga yimaaddo in taxanayaal hore oo siyaasadi hagayso ay jireen sidaan u arko, sababtoo ah jilista iyo hal-abuurku waa meelaha ugu badan ee dawladuhu siyaasaddooda mariyaan, haddana waxa Hargeysa iyo Somaliland ba meel-ka-dhac ku ah muuqaallo taxanahaas la socda. Tusaale ahaan, waxa jira muuqaal lagu sheegayo in qoys ka mid ah kuwa metelaya oo uu daba joogo nin doonaya inuu dilo uu ogaanayo in Hargeysa loo soo diray, waliba xaafadda Masalaha. Markaas ayuu odhanayaa, “Hargeysa’aa, imikaabad meel wanaagsan ii geysay”. Hargeysa ma meel la isku dilaa? Waxa kale oo taxanahaa ku jira Jile tegaya Muqdisho, dabadeed sheegaya in ay amni tahay, qof waliba tegi karo. Waxaan isweydiiyay ujeeddada Hargeysa ka dhigaysa meel lagu dili karo qofka yimaadda ee Muqdisho na loogu metelay meel amni noqotay (Ilaahay amni buuxa ha siiyo oo kama horjeedo in Muqdisho amni noqoto iyo in lagu sheego toona).
Filim kasta oo aan qorayo iyo riwaayad walba oo aan curinayo, marnaba suurtogal ma aha inaan ku daro muuqaal odhanaya, “Muqdisho ayuu tegay, imikaan ku soo qarxinayaa oo way ii fududahay ba”, hadii aanan ujeeddo ka lahayn. Xitaa iyadoo ay run tahay, haddana marnaba ma samayn karo, mana rabo inaan gefkaa umadda ku dhaqan Muqdisho iyo Soomaaliya toona u dhigo kaydka filimada, sababtoo ah dhibta lamay dhalan ee mar ayuun bay qaraxa iyo dagaalladu ka dhammaanayaan. Haddaa, sidee baa Telefishankaa looga aqbali karaa markaa inuu Somaliland iyo Hargeysa u dhigo sawir odhanaya, si fudud baa laguugu dili karaa?
Telefishanka UNIVERSAL dedaallada iyo halabuurka filimada ee ay sameeyeen, waxa wanaagsan inay ka reebaan wixii gef ah. Waxa la gudboon in uu saxo, raalligelin ka bixiyo, iskana hubsado goobaha metelaadda iyo sifooyinka la siinayo. Eedda na lama wada laha ee masuuliyaddu waxay saaran tahay qoraha, hagaha iyo cid kasta oo xilku gaar u saaran yahay.
Yasmin M. Kaahin.