Guddoomiye Cirro oo Tacsi Diray

Filed under: Aragtida Bulshada |

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) ayaa wuxuu dhammaal tacsi ah u dirayaa, Culimo Awdiinta Dalka , Macalimiinta Madaarista, waayeelka, wax-garadka ,eheladii Qaraabadii,qoyskii iyo shacabka Somaliland  isagoo ka Tacsiyadanaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha- u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Cabdi Cali oo 27 /5/2019 -ka  ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

Guddoomiye Cirro ayaa Marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Sheekh weyn oo dad badan baray cilmiga diiniga ah, isla markaana soo saaray culimo badan oo cilimiga diiniga ah ku takhasustay, kuwaas oo bulshada ugu faa’ideeya cilmigaasi uu Sheekh Baray

Guddoomiye Cirro wuxu Alle uga baryayaa Marxuum Sheekh  Cabdillaahi Cabdi Cali inuu dembigiisa u dhaafo, qabrigana u nuuriyo, Janatul Firdowsana ugu deeqo.Qoyskiisii, qaraabadiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan shacabka Somaliland-ba, Rabi haka siiyo samir iyo iimaan.

You must be logged in to post a comment Login