Maxaa Kellifay in Dhakhaatirta Ajaanibka ah Somaliland laga saaro?

Filed under: Aragtida Bulshada |

Waxa baryihi ugu danbayey jiray Somaliland ka jiray ololle la yeeyahay Dhakhaatiirta Ajaanibka ayaa la baadhayaa aqoontooda, isla markaana Dalka waa laga saarayaa kuwa aan aqoontoodu hoosayso.

cusbitaalka guud ee Hargeysa

cusbitaalka guud ee Hargeysa

Arrintan markaan maqalno waxa meesha iminayaa  dhawr Su’aalood oo u baahan in la is waydiiyo, caqliga saliimka ahina ina farayo inaan isweydiino.

Su’aalahaas waxa kamida:

1. Dadkan markii hore  yaa keenay dalka ?

2.  Qofka Dhakhtarka ah Aqoontiisa ma waxa la eegaa marka uu shaqada soo galayo mise marka uu mudo shaqeeyo ?

3.  Maxaa sababay waqtigan in  dhahaatirta dalka laga saaro, iyadoo aan la hayn dadkii bedeli lahaa ama qorshihii lagaga raysan lahaa?
Marka aynu Su’aalahan isweydiino, waxa inoo muuqanaya in aanay sheekadda baadhista Dhakhaatiirtu ahayn mid ku salaysan Siyaasad iyo qorshe dawladdeed oo laga baaraan-degay, hase ahaatee ay tahay qadiyad dano dhaqaale salka ku haysa oo ay dabada ka riixayaan kooxo qowlaysto ah oo kamida kuwa isku sheega Dhakhaatiirta Dalka, kuwaasoo ka soo horjeeda inay Bulshadu hesho adeegyo Caafimaad oo dhaqaale ahaan iyo tayo ahaanba ku nefisaan.

Taa micnaheedu maaha inaan Taageerayno inay Adeegyadeena Caafimaadku u gacan galaan Ajaanibka ama inaan gacan siinayno inay Dadka Ajaanibka ahi qabtaan shaqo ay Dhakhaatiirteenu qaban karto, hase ahaatee waxaan ka hadlaynaa waa inaan isku miisaano heerka baahiyaha Caafimaad ee dalka ka jira iyo tirada Dhakhaatiirta Waddaniga ah ee Dalka ka shaqeeya oo aan isweydiino ma yihiin kuwo Is-daboolaya.

Waxa hubaal ah in Jawaabta Su’aashaasi ay tahay, in aanay is-daboolaynin baahida Caafimaad ee Waddanka taalla iyo tirada iyo tayada Dhakhaatiirteenu, Dalkuna waxa uu  baahan yahay qorshe balaadhan oo lagu tayeynayo xarumaha Dawladda ee Caafimaadka iyo inay Dawladdu tacab iyo dhaqaale geliso oo ay dibadaha u dirto Xirfadleyaal Caafimaad oo Takhasus fiican soo qaata.

Marka ay Dawladdu talaabooyinkaas qaado, waxna ka qabato dayaca ka jira wakhtiga dhakhaatiirta ay maamusho oo uu kamid yahay Cisbitaalka Hargeysa oo iminka nadaafada darrada ka jirta iska daa in dabiib laga helo’e isagiisi laga qaaadayo cudur, nadaafad daro iyo dayac tir la’aan badanina ka jirto, iyadoo ay gabeen masuuliyiinta loo igmaday.

Tusaale ahaan meelaha ugu daran ee kamida dayaca ka jira Cisbitaalka guud waxa kamida:

1.  Ambulance-kii  dadka u baahan loogu adeegi lahaa  oo la aga dhigtay mid kiro ah oo aan kala jeclayn Qofka hadii uu dhimanayo iyo hadii kaleba, ee iyagu ka shaqaysanaya kharashkiisuna dhan yahay Konton Dollar ($50) in uu qofkiiba ku qaado.

2.  Dayacaada ka muuqata qaybta la ilaaway ee caruurta yaryar ee Cisbitaalka.

3. Iyo qaybta dhimirka oo aanay jirin haba yaraate wax daryeel asaasi ahi ka jirin, iyadoo Dadka qaarkood  dhex jiifaan meesha  saxarada.

Laakiinse inta aanay arrimahaas dawladdu waxba ka qaban ee ay dayacan yihiin howlihii Shacbigu u igmaday, looma baahna in iyadoo fulinaysa rabitaanka caloolshooda u shaqaysteyaasha caafimaadka dadka ka xoogsada ay tidhaahdo waxa la baadhayaa Aqoonta Dhakhaatiirta Ajaaibka ah ee Dalka ka shaqeeya, taasoo inooga dhigan {qawda maqashii balse waxba ha u qaban }.

Ujeeddaduna isugu soo uruurayso in Suuqa loo baneeyo Ashkhaas kooban oo ka ganacsada Caafimaadka Bulshadda.

Xigasho Gobanimonews.com.

You must be logged in to post a comment Login