Maxa iskaga eeg Xeeladaha Shirkadaheenna Ganacsi iyo Khiyaamooyinkii Reer Bani’israa’iil (Yuhuudda)? W/Q: Barkhad-ladiif M. Cumar

BARKHAD LADDIIF

Reer Bani’israa’iil  waxay ahaaayeen dadkii ugu dhego adkaa ee dunidda Soomaray, waxa kale oo ay ahaayeen ummad ilaahay fadilay marka loo eego umadihii kale, waxaynu ognahay in Anbiyadda u badan laga soo doortay reer Bani’israa’iil, sidaa awgeed,  marka Rususha loo soo diro ee nabiyada loo soo direy soo gaadhsiiyaan wixii laga xaarantimeeyey, iyadoo ilaahay ku eegayo siday amarkaasi u qaataan oo ahaa imtixaan lagu eegayo.

BARKHAD LADDIIF

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Yuhuudu waxay ahaayeen dad tabab badan oo ay wax ku khiyaameeyaan sameeya, mar wal oo amarka la siiyo waji kale u bedelaan, tusaale ahaan waxa laga xaaraantimeeyey inay Badda ka kuluumaystaan maalinta Sabtidda, waxaanayna maalintaasi dhigan jireen jilaafo si kaluunka u dabtaan, ka dibna marka ay caariddo Baddu ayey maalinta ku xigta guran jireen kalluunkii oo sabtidii shabigii u gallay.

Mar kale waxa laga xaaraantimeeyey  Baruurta iyo Xaydha inay cunaan ka dibna intay shiileen oo subag dareera ka dhigeen ayey iibiyaan oo lacag ku bedesheen, markaasay ku doodeen anagu lacag baanu cunnee ma baruur baanu cunnay.

Mar kale waxa lagu amray inay ka fogaadaan khamriga, iyaguna intay tuunbooyin dhaadheer ku riteen ceelashii khamriga ayey halkaasi ka cabeen, waxa ku doodeen ilaahay wuxuu yidhi ka fogaada’e ha cabina muu odhan, sidaas ayey reer Bani’israa’iil u noqdeen rag madax adag oo mar walba ka fikira waxa laga mamnuucay tababkii ay uga gudbi lahaayeen.

Qisaskan Diiniga ah waxa I xasuusiyey tababkan cusub ee shirkadihii laga mamnuucay sarifka lacagta  inay moobiladii dhexdiisa ka dhex fureen sarif (lacagtii Mobile kugu jirtay ee dollarka ahaa oo mobileka dhexdiisa ku sarifanayso Kaash), taas oo shabahda amaawiirtii qolooyinkaasi lagu soo rogi jirey ee tabab kale kaga bixi jirey iyo sida ay imika xeelado cusub  ay ku doonayaan inay ku jabiyaan wixii laga mamnuucay.

Mudaddii loo qabtay inay amarkaasi ku fuliyaaan waxay shirkadahani iyaguna ka fikirayeen tabab kale oo adeegoodii usii shaqeeyo, waxaanay hadda bilaabeen in adeegii Mobileka Akoon ka dhigtaan iyo inay Mobile-ka dhexdiisa sarifle ka sameeyaan oo dolarkii ku bedelaan uun Kaash, iyadoo Mobilekii ka dhigay sarifle, taasina waxay keenaysaa in sarifleyaashii yaryaraa ee kumanaanka qof ka shaqaysan jireen suuqoodii loogu yimid oo shirkadihii waaweynaa meesha ka saaraan sidi awalba ay meesha uga saareen Substation-nadii iyo Prepaid-kii Mobiladda lagu shuban jirey.

Tusaale ahaan Bulshada Somaliland waa Afar milyan haddii Milyan iyo badh sitaan Mobile oo celcelis ahaan qofkiiba isticmaalo haaf dollar ku shubto Mobilekiisa maalintii , lacagtaa ay dadku ku shubteen Mobiladda waxay noqonaysa &750,000 dollar maalintii, markii aanu Zaad-ku jirin waxay ka iibsan jireen dadku prepaid ka tukaamada iyo substation-nada oo iyaduna ka heli jiray lacag faa’iido ah  oo boqolka dollar waxay ku lahaayeen 15 dollar, waxay noqonaysa lacagta faa’iidadda ah ee  ay bulshadu ka heli jirtay gaar ahaan Substation-naddu $112,500  dollar,halka shirkaduna faa’iidi jirtay $637,500 (lix boqol iyo todoba iyo sodon iyo shan boqol oo dollar). Markii la furay adeega Zaad waxa dhamaan xidhmay tukaamadii iyo substation-nadii.

Sidoo kale, shirkadahan Isgaadhsiintu waxay  shaqadoodii kala wareegtay warbaahintii wax xayeysiin jirtay iyo wararkiiba, waxay galeen booskii warbaahinta iyagoo dhamaan xayeysiisyadii warbaahinta loogu tallogalay iyagu baahiyaan, sidoo kale waxay  baahiyaan wararkii ay shaqadoodu ahayd warbaahinta, taas oo laba cali is waydiin, taasina ay keenayso inay shirkadaha isgaadhsiintu isku bedelaan warbaahin, sarifle, laydhle, telefoono iyo Bangiyaba, waayo xeer iyo awood ka hor iman karta oo joojin karta ma jirto cidii ka hor timaada waa la jiidhayaa waayo lacag bay leeyihiin.

Mar labaaad waxa iyaguna khatar ku jira inay meesha ka baxaan sarifleyaashii yaryaraa ee suuqa, ka dib markii mobilekaaga dhexdiisa laga dhex sameeyey suuq sarif,  waxaanay sarifleyaashani ka badan yihiin Substation-nadii hore u kacay.

Suuq sarifkani laga dhex sameeyey Mobile-ka dhexdiisa waxay ka hor imanaysaa go’aankii xukuumada ee shirkadaha Telesom, Dahabshiil iyo OOmaar lagaga mamnuucay inay qaybta sarifka galaan oo loo daayey inuu Baanka dhexe iyo sarifleyaasha yaryar uun ka shaqaystaan.

Shirkadaha waaweyni waxay u dhaqmayaan sidii aanu dalku maamul ka jirin, waxaanay amar wal oo lagu soo rogo isticmaalayaan tabooyinkii ay kaga baxayeeen, iyagoo si dad badan hawlahoodii hore uun u qabanayaan.

Dhowaana waxaad maqli doonta meheradii sarifleyaasha oo iyaguna meesha ka baxay oo kumanaan qof shaqadoodii meesha laga saaray oo si xeeladaysan suuqoodii looga wareejiyo, waxa iman doonta in sarifleyaasha Mobiladda dhexdooda dadka u kala sarifaan oo la waayo lacagta daadsanayd suuqa dhexdiisa ee sarifleyaashu ka shaqayn jiray oo lacagtiiba isku bedesho kuwo Mobileka ku dhex jira (Electronic Money ).

Allow umadaadda ha ku eegin maalqabeenadda kaligood noolayaasha  noqday ee bulshadda dhiigoodda ka macaasha, ee meel kasta oo faa’iido yari ku jirta kaligood doonaya inay ka shaqaystaan.

W/Q: Barkhad-ladiif M. Cumar

Hargeysa/Somaliland.