Nin Waloowba Allahaa Sug! W/Q: Kaysar Cabdillaahi Maxamed – Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Somaliland

WASIIR KU-XIGEENKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND KAYSAR CABDILLAAHI MAXAMED

Asalaamu Calaykum – Waxaan maqlay Gurigii Madaxweynaha la Doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa ku dul-wareegaya Xildoon tiro badan oo doonaya inay helaan fursad ay Qarankooda ugu shaqeeyaan iyaga oo u Rabbi tuugaya in Madaxweynaha la doortay uu Xilal Qaran u dhiibo marka uu Talada Dalka la Wareego badhtamaha bisha soo socota ee December Insha Allaah.

WASIIR KU-XIGEENKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND KAYSAR CABDILLAAHI MAXAMED

Inkasta oo uu Muwaadin kastaa Xaq u leeyahay inuu Qarankiisa u shaqeeyo oo uu Xil ka qabto, hadana malaha waa yara goor hore iyo degdeg in Madaxweynaha la doortay la wareeryo oo sidii caadada ahayd Odyaal la dhaqdhaqaajiyo oo gurigiisa cagta lagu badiyo,

Madaxweynaha la doortay marka uu xilka la wareego waxa uu dhisan doonaa Xukuumad uu u arko inay ka turjumi doonto oo ay fulin doonto balanqaadyadiisii xiligii ololaha iyo siyaasada u degsan ee uu doonayo inuu Dalka ku hogaamiyo.

Qof kasta oo laan jabiyay ama olole ka qayb qaatay ama wax ka dhaliyay Guusha KULMIYE Xil ka heli maayo Xukuumada, sababtoo ah boqolaalka kun ee reer KULMIYE qof kastaa Xil ma heli karo, in kooban oo uu Madaxweynuhu ka dhex xushay Qaranka Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE ayuu u cugan doonaa inay Xukuumada ka mid noqdaan. Inta aan Xil helin ee aan la cugan macnaheedu maaha in la nacay ama guushoodii iyo halgankoodii la dafiray, laakiin waa loo ogsoon yahay oo loo mahadnaqayaa marka Allah u qadaro ayaanay Xilal qaban doonaan, Muhiimadu waa inuu Guulaysto Xisbiga iyo Xukuumada iyo Madaxweynuhu oo ay ka midho-dhaliyaan Balanqaadyadii Xisbiga, Taas ayaa u Guul ah Qof kasta oo Kulmiye ah,

Masuulyiinta Xilalka haysa ee Xukuumada ka tirsan waxa uu Madaxweynuhu ka xulan doonaa ama la hadhi doonaa cida uu u arko inay fulin karaan siyaasadihiisa ee uu u arko inay u haboon tahay inay shaqadooda sii wadaan, inta kale waxa uu Xaq u leeyahay inuu ku bedelo cida uu u arko inay kagaga haboon yihiin kuwa xilalka haya, Taas macnaheedu maaha in la yasayo ama hoos loo dhigayo karaamada Masuuliyiinta Xilalka Qaranka haya oo uu xushay Geesiga Madaxweyne Siilaanyo, hase yeeshee waxaa muhiim ah in qof kastaa uu maanka ku hayo in Xilalka Qaranku ay yihiin meerto oo muwaadiniintu ay is bedbedelaan, sidoo kasta Madaxweyne kastaa waxa uu Xaq u leeyahay Xulashada dadka ka mid noqonaya Xukuumadiisa.

Sidaas daraadeed Xildoonooow Allahaa sug haddii Rabi kuu qorayna Xil waa laguu dhiibi ama waad sii hayn Xilkaaga, haddii aan Rabbi kuu qorina Albaabkaa lagu tusi., Igaba dhan.

W/Q: Kaysar Cabdillaahi Maxamed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Somaliland

Hargeysa/Somaliland.