“Dacartuba Marbay Malab Dhashaa Muudsataa Dhabaqe..” Qalinka Khadar Jaamac Dirir

Erayga Haasaawe waa shukaansi ama xod-xodasho jacayl, taasoo dhexmarta Lamaanayaal isku cusub ama waqti dheer soo wada socday si ay guulo uga gaadhaan xidhiidhkooda jacayl. Waayihii hore haasaawaha ay wadaagan laba ruux wuxuu ahaa mid si dhab ah la isku jecel yahay, taasina waxay ku biyo shubata guul waarta.

In kastoo waagii hore aan imika la joogin oo ay wax waliba si dhib yar isku bedelay oo ay imika soo hano qaadeen dhalinyaro aad u fara-badan, isla markaana aan la kala garan karin kani Jacaylka dhabta ah iyo kan dhalanteed ah. Hadaba akhriste waxaan qalinka u qaatay in aan falanqeeyo jacaylka dhalanteedka ah iyo mid dhabta ah ee nolosha waxyaabo badan ka bedela.

Ugu horen haynu dul istaagno haasaawaha imika ayaa sida ay dad badani xaqiijiyeen ay ku tilmaameen mid aan runta laga sheegin, taasna waxaad ku garan kartaa marka aad aragto ama la kulanto gabadh ama wiil waxay ku waydiinayaan ”Ninyoow gabadhaasi in ay I jeceshay iyo in kale ma kala garan karo, Sidoo kale Gabadha ayaa ku odhanaysa “Ninyoow wiilkaasi sidii uu berigii uu ibartay uu I ahaa imika iima ahaa oo waan ka shakisannahay.”

Qofka jacaylkiisu uu ka fog yahay waxaa bartilmaameed u ah warwarka iyo niyad jab kaga timaada lammaanihiisa. Haasaawuhu ma aha mid Jacayl muuqda xambaarsan, waanad garan kartaa inuu yahay mid dhalanteed ah waana in aad kala garataa inuu lamaanahaagu si dhab ah kuu jecel yahay,samee aragti fog oo aad ku cabiri karto dareenkaaga.” Ma ku jecel yahay mise kuma jecla”.Jacaylkiisu ma yahay mid dhab ah, mise waa mid dhalanteed ah.”

Sidoo kale haddii aan isku dayo in aan tilmaam yar ka bixiyo haasaawaha waqtigan maaha jacayl ee waa mid qofka werwer iyo walbahaar ku abuura, balse is barashadiinii hore labada Lamaane waxaad isugu baaqeen Jacayl, waxaad doorateen in la wada daadihiyo jacaylka ugubka ah oo la is dhaafsado qoraalo iyo tuducyo farriim ah iyo in la sisiiyo waqtiyo telefoonka lagu wadahadalo si loo muujiyo isku dhawaansho iyo qalbi qaboojin.

Dhib ahaa jacaylku ha ku salaysnaado jibo ama mid dhab ah, werwer Jacayl hadduu ahaa, waxaad durba ku garan calaamado muujinaya aragtidan; Wadahadalkiin oo gababsi noqonayaa, Aroos ayaan hablo u raacay, Ciyaar ayaan daawanayaa ii mar dhow igu soo celin iyo Cudur daaro kale oo joogta ah, waxayna arrimahani bundhig u yihiin in aad kala garan karto qofkaasi inuu yahay qof ku jecel iyo in aanu ahayn, xusuusnow haddii aad aragto tilmaamahan in jacaylkiinu uu ahaa mid xiiso ku dhisnaa oo laga soo gudbay afartii cisho ee isku boholyoowga lagu jiray.

Waxaa sahlan in aad si fudud ku ogaato ruuxa adiga sida dhabta ah kuu jecel wiil iyo gabadh. Waayo waxaa ogaataa inuu ruuxa dhabta kuu jeceli adiga nafta ku huri karo oo kugula hadali karo eryo macaan oo qalbigaaga lab qaboojin kara.Balse qofka afarta cisho ee xiisuhu ku jiro, waxaad ka dareeni karta sagsag iyo jahawareer ku dhaxal siiya inaad si dhib yar u jartid xidhiidhkii aad u hanweynayd inaad nolosha heshay qof agtaad qiimo ku leh, balse aad ka dhandhamisay“Dacartuba Marbay Malab Dhasha muudsataa Dhabaqe.”

Qalinka Khadar Jaamac Dirir

khadarjaamac12@hotmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.