Hal Aan Ka Bartay Madaxweyne Donald Trump – Qalinka Sahra Ciidle Nuur

WERIYE SAHRA CIIDLE NUUR

Madaxwaynaha Maraykanka Donald J. Trump, dadka badan kiisu hal dhinaca oo negative ah ayay ka eegaan, balse anigu waxaan ka eegay dhinaca kale oo positive ah.

WERIYE SAHRA CIIDLE NUUR

Donald Trump markii uu Ku soo biiray tartanka Doorashada Musharaxiintii kale waxba iskaga may tirinayn, Xisbi ga Jamhuurigana si rasmi ah ugamuu tirsanayn oo taageero kamuu haysan, Wuxuu Ku dhawaaqay inuu is sharaxayo.

Dacaayado badan iyo in laga Maad sado ayaa lagu bilaabay, laakiin hal kelmed ayuu yidhi bilow gii Ololihiisa waanay Rumowday waana tan: ” Waligay maan guuldaraysan, Uma baran in la iga guulaysto, Waanan Ku guulaysanayaa Doorashada”

Way dhacday Siduu sheegay, waanu guulaystay, hore ugamuu soo shaqayn xafiis dawladeed khibradna umuu lahayn maamul ka dawladnimada balse Wuxuu aamin San yahay Naftiisa, Wuxuu Ku socdaa waxa uu runaysan yahay, muxuu muujiyaa dareenkiisa xataa hadii dadka oo dhami ka soo hor jeesanayaan, xataa hadii dunida oo dhami u aragto inuu khaladan yahay, mar hadii uu isagu is rumaysan yahay cid kale sacab kama sugo inaynu tunto.

Adigoo aan eegayn isaga, Adiga oo aan xanaaqsanayn, Adiga oo aan nacayb iyo jacayl midna Ku hogaaminayn bal ka feker awooda ay Ku siin karto marka aad naftaada aamiin San tahay.

Wuxuu Ku guulaystay horumarinta Ganacsigiisa, Inkasta oo uu Aabihii ka dhaxlay Aduun badan hadana Wuxuu Ku guulaystay inuu horumariyo oo uu helo wax kasta oo uu dunida uga baahan yahay.

Xusuus now; Waxa jira 2 wax oo cadaalad lagu qaybiyay, mid Waa Wakhtiga oo dhamaan dadku haystaan 24 saacadood oo kaliya xataa haduu qofku buko ama uu gaboobay oo aanu sariirta ka degayn lagama yarayn Karo 24 ka saacadood ee uu haysto, sidoo kalena hadii uu qofku yahay very active ama very busy oo uu Laba jaamacadood dhigto oo uu Reer iyo carruur korsado, oo uu Laba Shaqo qabto oo uu waliba bulshadiisa wax u taro, qofkaa waxba looguma dari Karo 24 saacadood ee uu haysto sidaa darted walhtiga Cadaalad ayuu Ilaahay Ku qaybiyay.

Mida kale Waa in qof kasta xaq u leeyahay nolosha inta ay geeridiisu ka imanayso, Waad noolaanaysaa inta Ilahay kuugu talo galay sida aad u noolaanyso na Adiga ayaa go’aan keeda leh, ha Ku mashquulin aragtiyo dad kale kugu qufuleen oo dabar Ku ah horumar kaaga, inta aad shaqayso iyo wakhti gaaga waxa aad galiso uun baad leedahay.

Dunidu Waa School dadkuna Waa wada arday waayuhuna Waa macalin, arday kasta Wuxuu leeyahay Awood u gaar ah oo Ilahay siiyay, hadaad Arday kasta ka eeg to meesha uu iin Ku leeyahay waxaad ilaawaysaa meesha uu wanaag Ku leeyahay . Waxna ka baran maysid mudada aad Isku class ka tihiin.

Noloshu Waa mar qudha fursad labaad oo aad mar kale Ku soo noolaato heli maysid, ka shaaayso dunida una shaqayso Aakhrio.

Qabso remote ka hagaya noloshaada, ha daawan channels ka soo daaya Xaasid nimada, Nacaybka, wahsiga, fadhi Ku dirir ka, falanqaynta dadka iyo waxa ay yidhaahdeen ama ay sameeyeen, calaacal ka, rajo beelka, quus ta iyo ma gudbe yaasha.

Waxaad haysataa Chanel badan oo soo daaya horumarka, guusha, isku kalsoonida, kartida, dedaal ka, Jacaylka, Farxadda , wax tar ka, dad la Dhaqan ka, is cafinta, isku tanaasulka, wax barashda, ururinta xikmadaha iyo akhriska badan I.W.M.

Wa bilaahi Tawfiiq

Sahra Ciidle Nuur

Washington/USE.