Somaliland: ‘Loollan iyo Qabyaalad? Faallo By: SCC (Kalshaale)

Filed under: Aragtida Bulshada |

Dimuquraadiyadda iyo Qabyaalad ma is qaban karaan? Dawladnimada ku dhisan Nidaamka Asxaabta badan ee tartamayaa, wuxuu daawo ka yahay cidhib-xumada ka dhalata xukunka keli-taliska ah, hogaaminta u xidhan Koox khaasa oo aan cid kale taraxin iyo mushkiladaha ka abuurma qabyaalada iyo kala-qaybsanaanta Bulshada.

WERIYE SALEEBAAN CABDI CALI (KALSHAALE) SOMALILAND QABYAALADDA IYO DIMUQURAADIYADDA

Nidaamkan oo dunidu siyaabo kala duwan ugu dabaqaan hab-dhaqanka Bulshooyinka iyo xaaladdaha gaarka ah ee Deegaan ee ay yihiin, qaarkoodna ay xataa dhinaca diinta hogaan uga dhigaan, si aanay isaga hor iman Xeerarka sharciga xukunka iyo Diintu,ayaa waxa laysku waafaqsan yahay inuu hab-dawladdeedka Dimuquraadiyada iyo tartanka xorta ah ku dhisani uu yahay nidaamka ugu wanaagsan ee laga dhaxlo degenaanshiyo siyaasaddeed, mid dhaqaale iyo nabad ku taagan dhaabad adag, wallow Bulshooyinka tirada yar ee aan tartanka noocaas ah isku bixin karin aanu waxba uga duwanayn siyaasadaha qalafsan, haddii aanay helin awoodo kale oo cod ama cudud ku badhitaarra.

Habka asxaabta badan, waxa dhaqan u ah loollan adag iyo doorasho Bulsho oo ku timaadda qanneecad hawaa’i ah iyo xulasho xaalad ku ullatay oo ay danta akhtiyaariga ahi hagto hirdanka hogaamiyeyaasha iyo hilaadinta guusha maalinba xisbi ka gaadho u tartamida xukunka.

Isweydiin iyo dood ayaa ka taagan nidaamkan oo ay reer Galbeedku ugu yeedhaan Dimuquraadiyada inay iyaga laftoodu ugu dhaqmaan sida ugu wanaagsan ama wadamada kaga dayday ay u saameyso, hase ahaatee waxa xaqiiqo ah in magac kasta haloogu yeedhee Doorashada shacbigu tahay fursada kala haadisa hogaamiyeyaasha xun iyo kuwa wanaagsan, taasoo ay dadku kaga go’aan gaadhaan masiirkooda iyo mustaqbalka fiican ee ay ka arkaan dannahooda guud.

Kala-doorashada tartameyaasha iyo gooreynta muddo-xileedkuna, waa xaalad haddii boob iyo khiyaamo kasta dhacaan lagaga baaqsado bur-bur iyo rejjo la’aan. Waay o? tanaasulka siyaasiga laga guulaysto waxa qayb ka ah inuu lexejeclo ku saabsan fursad dambe uga kaaftoomo inuu qas iyo dhibaato sameeyo.

Haddaba Somaliland oo nidaamkan qaadatay sannado kaddib, markii ay xoriyaddeeda la soo noqotay, laguna ammaano habka ay isugu maamusho iyo bisaylka siyaasaddeed deg dega uga hana-qaaday, dadkeeduna ku adag yihiin ilaalinta Qaranimadooda, isla markaana aanay marnaba raali ka noqon dib-u-dhac iyo dil-dilaac siyaasaddeed oo dalka saameeya, waxa beryahan dambe isa soo taraya qabyaalad iyo Kooxaysi ku dhisan cadiifad oo ku lamaan xilfaatanka Xisbiyada waddanka ka jira.

dadka ka fayow cudurka qabyaalada, ayaa ku dhego-barjoobay dhawaaqyada durbaano qolo-qolo iyo jifo-jifo loo tumanayo, kuwaasoo si weyn u millay midabyadii iyo magacyadii asxaabta loogu yeedhi jiray.

Inta badan dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan xisbiyada iyo qaabka ay ku kala horrorsanayaan mujtamaca, ayaad moodaa inay ka leexatay manjarihii fiicnaa ee maslaxada iyo midnimada lagu ilaalinayey.

Maqalka magacyada Beellaha oo ku suntan wajiyada hore ee Xisbiyada qaar iyo biladaha baadi-soocda loogu kala samaystay reeruhu, waxay muujinaysaa legdan-xumo iyo liciifnimo qaran dil ah oo haddii aanay Bulshadu ka foojignaan natiijada ka dhalata aan la mahadin doonin.

Hab-dhaqanka caynkaas ah waxa abqaalay oo iminka waliba sii qurxinaya Hogaamiyeyaasha Xisbiyada, siiba Murrashaxiinta u taagan Madaxtinimada oo si fiican looga dheehan karo xeelladaha ay isticmaalayaan qaybin ay  Ardaa Ardaa ugu qaybinayaan Beelaha, taaso ay ku carbiyaan Shacbiga.

Hogaamiyeyaasha qaar ama siyaasiyiinta ku hareeraysan ee baalasha u ah, ayaa halkii ay barmaamujyo siyaasaddeed iyo aragti hufan taageerada Shacbiga ku raadin lahaayeen, tubtan qabyaaladda iyo qabiil hebel raadi door mooday,taasina waxay lugooyo ku tahay horumarka Dawladnimo iyo hayaanka dalkani ku doonayo inuu ku gaadho ka mid noqoshada Qaramada adduunka ee la aqoonsanyahay.

Arrintan, waxa markhaati u ah dhacdooyin xambaarsan qadafyo iyo qardoofooyin goob-joog loo wada ahaa iyo fagaareyaal loo agaasimay qaab qabyaaladdeed oo ay xisbiyaddu qabteen, dhacdooyinkaasoo indhaha Bulshada tusay heerka uu gaadhsiisan yahay isku millanka Siyaasada iyo Qabyaaladdu.

Waxa kale oo aynu arrintan si dhab ah u dareemi karnaa markaynu derisno dooddaha iyo faallooyinka ka socda goobaha lagu kulmo oo ay dadku qof iyo qabiil xisbiyada ugu qaybsan yihiin, iyadoo waxyaabaha nasiib-darada ah ee bannaanka u soo baxay ay ka mid tahay in shakhsi loo aanaynayo inuu la qolo yahay Murrashax xisbi toos loogu abtiriyo ama loogu cumaamado inuu ka turjumayo Musharaxa ay isku qabiilka yihiin.

Haddaba, su’aashu waxay tahay ma is-qaban karaan loollan siyaasaddeed iyo tartan qabyaaladaysani?. haddiise xaalku sidan ku sii socdo maxay dambarsan doontaa?, saameyn intee le’eegbayse ku yeellan kartaa Doorashada arrintaasi? Ama Dimuquraadiyada iyo Qabyaalad ma is qaban karaan?.

W/Q: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Tafaftiraha Gobanimonews

Email: curad1986@hotmail.com

Hargeysa/ Somaliland.

Share Button

You must be logged in to post a comment Login